Thursday, November 19, 2026
  • Nagu Saabsan
  • Nala Soo Xiriir
Radio Muqdisho
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir
  • Login
No Result
View All Result
Radio Muqdisho
Home Wararka

Dowladda Soomaaliya oo Maxkamadda Cadaaladda u gudbisay dacwad ka dhan ah Kenya

Mohamed M Hassan by Mohamed M Hassan
11 years ago
in Wararka, Xulashada
0
Dowladda Soomaaliya oo Maxkamadda Cadaaladda u gudbisay dacwad ka dhan ah Kenya
0
SHARES
Share on FacebookShare on TwitterShare on WhatsAppShare on TelegramShare on LinkedIn

The Hague, July 13, 2015 – Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya , waxaa ay maanta Maxkamadda Caddaaladda ee fadhigeedu yahay Hague, dalka Netherlands, u gudbisay dacwad ka dhan ah Jamhuriyadda Kenya kuna saabsan soohdinta badda ee Soomaaliya iyo Kenya.

Dowladda Soomaaliya waxay Maxkamadda weydiisatay in ay cayinto soohdinta badda ee Soomaaliya iyo Kenya ee Badweynta India oo ay ku jiraan biyaha dalka, aagga dhaqaale ee gaarka ah, geyi-qaaradeedka iyo geyi-qaaradeed wixii ka baxsan 200 oo nautical mayl.

Related posts

Guddoomiyaha SoDMA oo Antalya kula kulmay Agaasimaha Xarunta Carabta ee Siyaasadda Isbeddelka Cimilada

Guddoomiyaha SoDMA oo Antalya kula kulmay Agaasimaha Xarunta Carabta ee Siyaasadda Isbeddelka Cimilada

November 18, 2026
MADAXWEYNE XASAN SHEEKH OO XARIGGA KA JARAY WADDADA JAMHUURIYA

MADAXWEYNE XASAN SHEEKH OO XARIGGA KA JARAY WADDADA JAMHUURIYA

November 18, 2026

Dacwadda waxaa gudbiyay Xeer Ilaaliyaha Guud ee Jamhuriyadda Federaalka Soomaaliya, Dr. Axmed Cali Daahir, oo ay wahliyaan Danjiraha Soomaaliya u fadhiya Midowga Yurub, Dr. Cali Saciid Faqi, Qareenka Soomaaliya u qaabbilsan dacwaddan, Muna Sharmaan, Qareenno iyo khubaro kale. Waxaa dacwadda guddoomay Diiwaanhayaha Maxkamadda Caalamiga ah ee Caddaaladda, Philippe Couvreur.

Soomaaliya waxay rumeysan tahay in kiiskeedu uu ku qotomo sharciyad culus, waxayna Maxkamadda ka sugeysaa go’aan caddaalad ah.

Previous Post

Madaxda Qaranka oo ka tacsiyadeysay geerida Marxuum Xaaji Shukri

Next Post

Ra’iisul Cumar Cabdirashiid oo lagu soo dhaweeyay Garoowe “SAWIRRO”

Next Post
Ra’iisul Cumar Cabdirashiid oo lagu soo dhaweeyay Garoowe “SAWIRRO”

Ra’iisul Cumar Cabdirashiid oo lagu soo dhaweeyay Garoowe “SAWIRRO”

Guddoomiyaha SoDMA oo Antalya kula kulmay Agaasimaha Xarunta Carabta ee Siyaasadda Isbeddelka Cimilada

Guddoomiyaha SoDMA oo Antalya kula kulmay Agaasimaha Xarunta Carabta ee Siyaasadda Isbeddelka Cimilada

November 18, 2026
0

Guddoomiyaha Hay’adda Maareynta Musiibooyinka Soomaaliyeed (SoDMA), Mudane Maxamuud Macallin Cabdulle, ayaa magaalada Antalya ee dalka Turkiga, oo uu ka socdo...

MADAXWEYNE XASAN SHEEKH OO XARIGGA KA JARAY WADDADA JAMHUURIYA

MADAXWEYNE XASAN SHEEKH OO XARIGGA KA JARAY WADDADA JAMHUURIYA

November 18, 2026
0

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Xasan Sheekh Maxamuud ayaa xarigga ka jaray Waddada Jamhuuriya oo isku xirta degmooyinka Kaaraan iyo...

Madaxweynaha JFS oo khudbad dhinacyo badan taabanaysa u jeediyey shacabka Soomaaliyeed

Madaxweynaha JFS oo khudbad dhinacyo badan taabanaysa u jeediyey shacabka Soomaaliyeed

November 17, 2026
0

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xasan Sheekh Maxamuud ayaa shacabka Soomaaliyeed u jeediyay khudbad uu kaga hadlay xaaladda dalka, gaar...

Guddoomiyaha SoDMA  oo kulan la yeeshay Kaaliyaha Xoghayaha Guud ee Q.M

Guddoomiyaha SoDMA oo kulan la yeeshay Kaaliyaha Xoghayaha Guud ee Q.M

November 17, 2026
0

Guddoomiyaha Hay’adda Maareynta Musiibooyinka Soomaaliyeed (SoDMA), Mudane Maxamuud Macalin Cabdulle, ayaa kulan la yeeshay Dr. Jean Chrysostome Ngabitsinze, Kaaliyaha Xoghayaha...

LIVE STREAM

KUBIIR ASXAABTEENNA

DHAGAYSO WARKA

Warka Subaxnimo

Warka Duhurnimo

Warka Fiidnimo

Facebook Twitter Telegram Instagram Youtube

TAARIIKHDA RAADIYAHA

Radio Muqdisho waxaa la aas aasay 1951 sagaal sano ka hor xorriyadda dalka, laga soo bilaabo 1960 ilaa maanta waa Raadiyaha kaliya ee Dalku leeyahay, wuxuuna leeyahay keyd weyn oo ay ku jirto taariikhda wadanka.

LASOO DEG APP-KEENA

Categories

  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

No Result
View All Result
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

Welcome Back!

Login to your account below

Forgotten Password?

Retrieve your password

Please enter your username or email address to reset your password.

Log In