Munaasabadan loogu dabaaldegayay ciidul fitriga ayaa waxaa soo qaban qaabiyay Hay’adda wacyigelinta bulshada C.C.A waxaana ka soo qeybgalay maamulka degmada Kaaraan Qaar ka mid ah guddoomiyeyaasha degmooyinka gobolka banaadir, maamulka gobolka banaadir iyo xubno kale.
Intii ay munaasabada socotay waxaa kooxda fanaaniinta Muqdisho band ee ka dhisan Degmada Kaaraan goobta ku soo bandhigeen suugaan ka turjumeysa dabaal dega ciidul fitriga.
Agaasimaha Hay’adda wacyigelinta bulshada C.C.A Maxamed Cabdi Xasan Sandheere oo ka hadlay goobta ayaa sheegay in Hay’addu ay farxad weyn u tahay in ay kala qeyb qaadato munaasabada ciidil fidriga bulshada ku nool degmada Kaaraan.
“C.C.A waxaa farxad u ah bulsho intaan la’eg ee u dabaal degeyso maalinta ciida iney qeyb ka noqoto, waxayna tahay muhiimada ama ujeedada in maalintan oo ah maalin qiima u leh Islaamka la weyneeyo guud ahaana la dabaal dego, isla markaana dhanka kale fursad lagu siiyo dhidaha iyo dhaqanka dhaqankeena la soo bandhigo”ayuu yiri Agaasimaha.
Guddoomiyaha Degmada Dharkenley ee gobolka Banaadir Cumar Meyre Macow oo ka soo qeyb galay munaasabada ayaa hambalyo ku aadan munaasabada ciidul fitriga u diray Ummadda Soomaaliyed gaar ahaan shacabka ku nool degmada Kaaraan.
Guddoomiyaha Degmada Kaaraan ee gobolka banaadir Cabdifataax Nuur Cali ayaa ugu mahadceliyay Hay’adda wacyigelinta bulshada C.C.A sida marwalba ay ugu qeybqaadaneyso barnaamijyada wacyi gelinta ah ee lagu weyneynaya ciidul fitriga.
Agaasimaha howlaha guud maamulka gobolka banaadir Sheekh Cumar Sheekh Xuseen ayaa u hambalyeyay shacabka ku nool degmada Kaaraan damaashaadka ciidul fitriga awgiis, isagoo ku booriyay bulshada ku nool degmada Kaaraan in ay ka shaqeeyaan ammaanka degmadooda