Monday, March 23, 2026
  • Nagu Saabsan
  • Nala Soo Xiriir
Radio Muqdisho
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir
  • Login
No Result
View All Result
Radio Muqdisho
Home Wararka

Guddoonka Baarlamaanka Dowlad goboleedka Galmudug oo kulan soo dhaweyn ah loo sameeyay

Mohamed M Hassan by Mohamed M Hassan
11 years ago
in Wararka
0
Qaabka Ay U Dhaceyso Doorashada Dowlad Goboleedka Galmudug Oo La Soo Saaray
0
SHARES
Share on FacebookShare on TwitterShare on WhatsAppShare on TelegramShare on LinkedIn

Kulankan soo dhaweynta ah ee uu Maamulka Gobalka Banaadir u sameeyay xubnaha uu hogaaminayo Guddoomiyaha Barlamaanka Dowladda Galmudug Cali Gacal Casir ayaa waxaa kasoo qeyb galay ku-simaha Gudoomiyaha Gobalka Banaadir ahna Guddoomiye ku-xigeenka Siyaasada ee Maamulka Gobalka Maxamed Axmed Diiriye.

Kulanka soo dhawenta ah ayaa inta uu socday ayaa qaar kamid ah mas’uuliyinti ka qeyb gashay waxay ka hadleyn sidii loo taageeri lahaa Maamul Gobaleedyada dalka ka jira si loo horumariyo Gobalada Dalka.

Related posts

Ciidanka Kumaandooska Gorgor oo howlgal qorsheysan ka fuliyay Gobalka Shabeellada Dhexe

Ciidanka Kumaandooska Gorgor oo howlgal qorsheysan ka fuliyay Gobalka Shabeellada Dhexe

March 23, 2026
Madaxweyne Xasan Sheekh oo ka tacsiyeeyay geerida Marxuum Maxamed Faarax Jiis

Madaxweyne Xasan Sheekh oo ka tacsiyeeyay geerida Marxuum Maxamed Faarax Jiis

March 23, 2026

Ku-simaha Guddoomiyaha Gobalka Banaadir ahna Guddoomiye ku-xigeenka Siyaasadda ee Maamulka Gobalka Maxamed Axmed Diiriye ayaa Telefishinka Qaranka uga warbixiyay kulanka soo dhaweynta ah ay u sameeyen xubna ka tirsan Barlamaanka Galmudug ee uu hogaaminayo guddoomiyaha Barlamaanka dowlad Goboleedka Galmudug.

“Anaga caasimada meesha aan joogno waa caasimadii dalka, mana ahan maamulkii koowaad oo la dhisay aan marti qaadno, maamula badan ayaa ka horeeyay oo la dhisay oo sidaan oo kale maamulka Gobalka Banaadir  kulan soo dhaweyn ah u sameeyay, marka anagu gacma furan ayaan ku soo dhaweyneynaa” ayuu yiri Maxamed Axmed Diiriye.

Guddoomiyaha Barlamaanka dowlad goboleedka Galmudug Cali Gacal Casir ayaa dhankiisa Maamulka gobalka Banaadir iyo shacabka Soomaliyed uga mahad celiyay sida ay u taageeren Maamulka Cusub ee Galmudug.

“Markaan imaanay gobalka Banaadir waxaan la kulanay sidaad hadaba sheegtay guddoomiyaha Barlamaanka Federaalka iyo Madaxweynaha Dowlada Fedraalka intaba waa la kulanay, caawana sidaad arkeysan Gobalka banaadir oo casha sharaf inoo sameeyay, Xilbaanadi Galmudug iyo guddoonkooda waana u mahad celineynaa Maamulka gobalka Banaadir iyo Dowladda Federaalka intaba kaalintii ay ka qaateyn taagerada ee Maamulka Galmudug”ayuu yiri Guddoomiyaha Baarlamaanka Dowlad goboleedka Galmudug.

Previous Post

Ciidanka Hay’adda Nabad sugidda oo howlgallo ku soo qabtay hub iyo maleeshiyaad lagu tuhmayo Al-Shabaab

Next Post

Deg Deg: Ciidamada dowladda iyo kuwa AMISOM oo la wareegay deegaanka Moqo-kori

Next Post
Madaxweynaha oo ka qeybgalaya caleema saarka madaxda maamulka Galmudug.

Deg Deg: Ciidamada dowladda iyo kuwa AMISOM oo la wareegay deegaanka Moqo-kori

Ciidanka Kumaandooska Gorgor oo howlgal qorsheysan ka fuliyay Gobalka Shabeellada Dhexe

Ciidanka Kumaandooska Gorgor oo howlgal qorsheysan ka fuliyay Gobalka Shabeellada Dhexe

March 23, 2026
0

Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliyeed, gaar ahaan Kumaandooska Gorgor, ayaa howlgal qorsheysan ka fuliyay deegaanno hoos yimaada Warciise ee gobolka Shabeellaha...

Madaxweyne Xasan Sheekh oo ka tacsiyeeyay geerida Marxuum Maxamed Faarax Jiis

Madaxweyne Xasan Sheekh oo ka tacsiyeeyay geerida Marxuum Maxamed Faarax Jiis

March 23, 2026
0

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Xasan Sheekh Maxamuud ayaa tacsi tiiraanyo leh u diray qoyska, ehellada iyo guud ahaan ummadda...

In ka badan 1,100 qoys ayaa ka faa’iideystay deeq raashin ah oo la gaàrsiiyay

In ka badan 1,100 qoys ayaa ka faa’iideystay deeq raashin ah oo la gaàrsiiyay

March 23, 2026
0

In ka badan 1,100 qoys ayaa ka faa’iideystay deeq raashin ah oo lagu qaybiyay deegaanno hoostaga degmada Guriceel ee gobolka...

Wasaaradda Arrimaha Gudaha XFS oo ku dhawaaqday in dalku galay marxalad doorasho loo dhan yahay

Wasaaradda Arrimaha Gudaha XFS oo ku dhawaaqday in dalku galay marxalad doorasho loo dhan yahay

March 22, 2026
0

RADIO MUQDISHO:-Wasaaaradda Arrimaha Gudaha, Federaalka iyo Dib-u-heshiistinta ee (DFS) waxay si rasmi ah ugu wargelinaysaa shacabka Soomaaliyeed in dalku uu...

LIVE STREAM

KUBIIR ASXAABTEENNA

DHAGAYSO WARKA

Warka Subaxnimo

Warka Duhurnimo

Warka Fiidnimo

Facebook Twitter Telegram Instagram Youtube

TAARIIKHDA RAADIYAHA

Radio Muqdisho waxaa la aas aasay 1951 sagaal sano ka hor xorriyadda dalka, laga soo bilaabo 1960 ilaa maanta waa Raadiyaha kaliya ee Dalku leeyahay, wuxuuna leeyahay keyd weyn oo ay ku jirto taariikhda wadanka.

LASOO DEG APP-KEENA

Categories

  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

No Result
View All Result
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

Welcome Back!

Login to your account below

Forgotten Password?

Retrieve your password

Please enter your username or email address to reset your password.

Log In