Wednesday, August 5, 2026
  • Nagu Saabsan
  • Nala Soo Xiriir
Radio Muqdisho
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir
  • Login
No Result
View All Result
Radio Muqdisho
Home Wararka

Madaxweynaha iyo Wasiirka Iskaashiga Britain oo ka wadahadley barnaamijyada horumarinta iyo dib u dhiska Soomaaliya+Sawirro

Abdirahman Gacaltooyo by Abdirahman Gacaltooyo
11 years ago
in Wararka
0
Madaxweynaha iyo Wasiirka Iskaashiga Britain oo ka wadahadley barnaamijyada horumarinta iyo dib u dhiska Soomaaliya+Sawirro
0
SHARES
Share on FacebookShare on TwitterShare on WhatsAppShare on TelegramShare on LinkedIn

Muqdisho, 24 July 2015: Madaxweynaha Jamhuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Xasan Sheekh Maxamuud ayaa magaalada Muqdisho ku qaabiley Wasiirka Iskaashiga Caalamiga, ahna Sii-Hayaha Wasiirka Arrimaha Afrika ee Boqortooyada Britain, Grant Shapps oo booqasho laba maalmood ah waddanka ku yimid.

Madaxweynaha ayaa wasiirka uga warbixiyey xaaladda dalka Soomaaliya dhinacyada, amniga,siyaasadda, dib u soo kabashada dhaqaalaha iyo dib u dhiska dalka. Waxaa uu Madaxweynaha Boqortooyada UK uga mahad celiyey, taageerada ay mar walba la garab taagan tahay Soomaaliya.

Related posts

Wasiirka Warfaafinta oo ka qayb galay kulan loogu duceynayay Marxuum Axmed Cali Cigaal

Wasiirka Warfaafinta oo ka qayb galay kulan loogu duceynayay Marxuum Axmed Cali Cigaal

August 4, 2026
Wasiiru-dowlaha Arrimaha Dibadda Oo Qaabilay Danjiraha Dowladda Indonesia

Wasiiru-dowlaha Arrimaha Dibadda Oo Qaabilay Danjiraha Dowladda Indonesia

August 4, 2026

“Dowladda Soomaaliya waxaa weli ka go’an hirgelinta barnaamijyada la xiriira Hiigsiga 2016 iyo in dalka ay ka dhacaan doorashooyin, lana xaqiijiyo in bulshada qeybaheeda kala duwan ay door ku yeeshaan aayaha siyaasadda waddankooda. Taageerada Britain mar walba muhiim ayay inoo tahay, waxaana ka mahad celinayaa dadaalka gaarka ah ee Ra’iisul Wasaare David Cameron uu ku taageerayo Soomaaliya”, ayuu yiri Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud.

Wasiirka Iskaashiga Caalamiga, ahna Sii-Hayaha Wasiirka Arrimaha Afrika ee Boqortooyada Britain, Mr Shapps, oo ayaa dhankiisa soo dhoweeyay horumarka Soomaaliya ay ku tallaabsatey dhowaanahan, gaar ahaan dhinacyada amniga, isku dhafka ciidammada iyo ansixinta guddiyada madaxa banaan ee salka u ah Hiigsiga 2016.

Waxaa kale oo uu ku ammaaney Madaxweynaha iyo xukuumaddiisa horumarka ay ka sameeyeen dhinacyada hirgelinta federaalka, maareynta maaliyadda iyo xisaabadka dowladda iyo dadaalka dhinaca dib u heshiisiinta.

“Soomaaliya weli muhiim ayay inoo tahay marka loo eego siyaasadda arrimaha dibedda ee Britain, oo ay ka mid yihiin wax ka qabashada baahiyada gargaarka aadmiga iyo horumarinta. In la taageero si loo helo Soomaaliya oo xasiloon, isla markaana horumarsan, waxay muhiim u tahay shacabka Soomaaliyeed, gobolka iyo caalamka intiisa kale. Si arintan looga mira dhaliyo, ayaa waxaan caddeynayaa in go’aankan uu yahay mid qeyb ka ah danaha qaranka ee Britain’’, ayuu yiri Mr Shapps.

Wasiirka ayaa intii uu dalka joogay kulamo la qaatey mas’uuliyiin kale oo dowladda ka tirsan oo uu ka mid yahay Ra’iisul Wasaare Cumar Cabdirashiid Sharma’arke.

unnamed (1) unnamed (2) unnamed

Previous Post

Wasiirka Gaashaandhigga iyo wafdi uu hoggaaminayo oo gaaray degmada Cabuudwaaq”SAWIRRO”

Next Post

Guddoomiyaha Degmada Diinsoor” Gurmad ayaan u fidinay dadkii shabaab ay ku laayeen Diinsoor

Next Post
Guddoomiyaha  Degmada Diinsoor” Gurmad ayaan u fidinay dadkii shabaab ay ku laayeen Diinsoor

Guddoomiyaha Degmada Diinsoor" Gurmad ayaan u fidinay dadkii shabaab ay ku laayeen Diinsoor

Wasiirka Warfaafinta oo ka qayb galay kulan loogu duceynayay Marxuum Axmed Cali Cigaal

Wasiirka Warfaafinta oo ka qayb galay kulan loogu duceynayay Marxuum Axmed Cali Cigaal

August 4, 2026
0

Wasiirka Warfaafinta, Dhaqanka iyo Dalxiiska ee Xukuumadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Cabdulfataax Qaasim Maxamuud, ayaa ka qayb galay kulan duco iyo...

Wasiiru-dowlaha Arrimaha Dibadda Oo Qaabilay Danjiraha Dowladda Indonesia

Wasiiru-dowlaha Arrimaha Dibadda Oo Qaabilay Danjiraha Dowladda Indonesia

August 4, 2026
0

Wasiiru-dowlaha Wasaaradda Arrimaha Dibadda iyo Iskaashiga Caalamiga ah ee Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Cali Maxamed Cumar (Cali Balcad), ayaa maanta...

Guddoomiyaha Hay’adda SoDMA iyo Safiirka Shiinaha oo heshiis kala saxiixday

Guddoomiyaha Hay’adda SoDMA iyo Safiirka Shiinaha oo heshiis kala saxiixday

August 4, 2026
0

Guddoomiyaha Hay’adda Maareynta Musiibooyinka Qaranka (SoDMA), Mudane Maxamuud Macalin Cabdulle, iyo Safiirka Jamhuuriyadda Shacabka Shiinaha u fadhiya Soomaaliya, Mudane Wang...

TALIYAHA CIIDANKA XOOGGA DALKA OO TABABAR U SOO XIRAY CIIDAMO KA TIRSAN DANAB

TALIYAHA CIIDANKA XOOGGA DALKA OO TABABAR U SOO XIRAY CIIDAMO KA TIRSAN DANAB

August 4, 2026
0

Taliyaha Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliyeed, Sarreeye Guuto Ibraahim Maxamed Maxamuud, oo uu wehliyo Guddoomiyaha Maxkamadda Darajada Koowaad ee Ciidamada Qalabka...

LIVE STREAM

KUBIIR ASXAABTEENNA

DHAGAYSO WARKA

Warka Subaxnimo

Warka Duhurnimo

Warka Fiidnimo

Facebook Twitter Telegram Instagram Youtube

TAARIIKHDA RAADIYAHA

Radio Muqdisho waxaa la aas aasay 1951 sagaal sano ka hor xorriyadda dalka, laga soo bilaabo 1960 ilaa maanta waa Raadiyaha kaliya ee Dalku leeyahay, wuxuuna leeyahay keyd weyn oo ay ku jirto taariikhda wadanka.

LASOO DEG APP-KEENA

Categories

  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

No Result
View All Result
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

Welcome Back!

Login to your account below

Forgotten Password?

Retrieve your password

Please enter your username or email address to reset your password.

Log In