Wasiirka Amniga Gudaha Xukuumadda Soomaaliya ayaa ka hadlay faaโiidada uu Amni ahaan dalka u leeyahay sharciga la Dagaallanka Argagixisada oo ay soo diyaarisay Wasaaradda Amniga isla markaana la Horgeeyay Baarlamaanka Soomaaliya.
Wasiirka Amniga Gudaha Xukuumadda Federaalka Soomaliya Cabdirisaaq Maxamed Cumar oo shalay ka hor hadlayay Baarlamankaย ayaa sheegay in muhiim ay u tahay qof walba meel Marinta Sharcigaan isla markaana xalwaara loo helidoono Xasilinta Amniga Soomaaliya.
โQofka marka uu Ogyahay in uu sharci jiro ciqaab adagna ay ka horrayso qofkaas waa uu baqanayaa waxa uuna ogaanayaa in Ciqaab adag ay ka horrayso dambigaasna waa uu ka leexanayaaโ ayuu yiri Wasiir Cabdirisaaq
Dhanka kale Wasiirka Amniga Gudaha ayaa ka codsaday Barlamaanka inay meel mariyaan Sharciga la Dagaallanka Argagixisada si qof walba uu uga baqdo nidaamka sharcigaan uu leeyahay, ย isla markaana looga hortago cidkasta oo sharcigaan ku xadgudubta.
โkooxda shabaab horay waxa ay u weerareen Goobo muhiim ah sida Wasaaradda Hidaha iyo Tacliinta sare, Aqalka Madaxtooyada, Xarunta Baarlamaanka iyo meelo kale oo muhiim ah,ย marka haddii aanan dadka Nuucaas ah u helin sharci aan kula Dagaallannoย ama naga qabta Magaranayo waxa ay Dowladdnimadu tahay Baarlamaanka waxaa ka dalbanayaa inay ansixiyaan Sharcigaanโ Ayuu yiri Wasiirka Amniga Gudaha.