Thursday, July 23, 2026
  • Nagu Saabsan
  • Nala Soo Xiriir
Radio Muqdisho
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir
  • Login
No Result
View All Result
Radio Muqdisho
Home Wararka

Taliyaha booliska oo xafiiskiisa ku qaabilay safiirka Turkiga u jooga Soomaaliya

Mohamed M Hassan by Mohamed M Hassan
11 years ago
in Wararka
0
Madaxweynaha oo taliyeyaasha cusub ee Asluubta iyo Booliska kula dardaarmey dardargelinta hawlaha amniga “SAWIRRO”
0
SHARES
Share on FacebookShare on TwitterShare on WhatsAppShare on TelegramShare on LinkedIn

Taliyaha ciidanka booliska Soomaaliya Sareeyo Gaas Maxamed Sheekh Xasan Xaamud oo xafiiskiisa ku qaabilay Safiirka Turkiga u fadhiya Soomaaliya Danjire Olgen Baker oo hambalyo uga siday dhigiisa dalka Turkiga ayaa sheegay in ay ka wada hadleen sidii loo dar dar gelin lahaa xiriirka labada dhinac, gaar ahaan tan ciidamada booliska Soomaaliya iyo Turkiga, iyo sidii ciidamada booliska looga caawin lahaa xagga tababarada iyo qalabeyntooda.

Taliyaha booliska ayaa tilmaamay in safiirka uu ka guddoomay dhambaalka uu uga siday dhigiisa dalka Turkiga, isla markaana ay isla meel dhigeen xoogga saarayaan sidii ciidanka booliska ay u heli lahaayeen tababaro.

Related posts

Soomaaliya oo ka qaybgashay shirka Hindisaha Iskaashiga Istiraatiijiga ah ee Khaliijka iyo Afrika

Soomaaliya oo ka qaybgashay shirka Hindisaha Iskaashiga Istiraatiijiga ah ee Khaliijka iyo Afrika

July 23, 2026
Soomaaliya iyo Kuuriyada koofureed oo ka wada hadlay xoojinta xiriirka labada dal

Soomaaliya iyo Kuuriyada koofureed oo ka wada hadlay xoojinta xiriirka labada dal

July 23, 2026

“Waxaan maanta xarunta taliska booliska aan ku qaabilnay safiirka Turkiga u fadhiya dalka, Danjire Olgen Baker, waxa uu dhambaal iiga siday dhigeyga dalka Turkiga, runtii xiriirka labada ciidan boolis, horey ayuu u jiray, waxaana ka wada hadalnay sidii loo dar dar gelin lahaa, aniga waxaan qorsheynayaa inaan dib u soo bilowno, ciidanka booliska waa ciidanka ugu faca weyn ee dalka, tani waxa ay qeyb ka tahay sidii dalalka daneynayaa arrimaha Soomaaliya, aan kala kaashano sidii loo tayayn lahaa ciidanka booliska oo ay u heli lahaayeen tababaro kala duwan” ayuu yiri Taliyaha booliska.

Previous Post

Faahin Faahin dheeri ah oo ka soo baxaysa qarax ka dhacay Hotel Jazeera

Next Post

Madaxweynaha oo ka qeybgaley tukashada salaadda jannaasada ee Marxuum Xildhibaan Cabdullaahi Xuseen Maxamuud (Bantu)

Next Post
Madaxweynaha oo mar kale ku boorriyey xukuumadda xalinta tabashooyinkii ka dhashey dhismaha baarlamanka maamulka Jubba

Madaxweynaha oo ka qeybgaley tukashada salaadda jannaasada ee Marxuum Xildhibaan Cabdullaahi Xuseen Maxamuud (Bantu)

Soomaaliya oo ka qaybgashay shirka Hindisaha Iskaashiga Istiraatiijiga ah ee Khaliijka iyo Afrika

Soomaaliya oo ka qaybgashay shirka Hindisaha Iskaashiga Istiraatiijiga ah ee Khaliijka iyo Afrika

July 23, 2026
0

Waxaa magaalada Addis Ababa ee dalka Itoobiya lagu soo gebagebeeyay shirkii ugu horreeyay ee heer gobol ee Hindisaha Iskaashiga Istiraatiijiga...

Soomaaliya iyo Kuuriyada koofureed oo ka wada hadlay xoojinta xiriirka labada dal

Soomaaliya iyo Kuuriyada koofureed oo ka wada hadlay xoojinta xiriirka labada dal

July 23, 2026
0

Wasiir kuxigeenka Wasaaradda Arrimaha Dibedda iyo Iskaashiga Caalamiga ah ee XFS, Mudane Xasan Maxamed Cali ayaa xafiiskiisa ku qaabilay Safiirka...

Ethiopian Air Force says it killed 35 Al-Shabab militants in Somalia

Taliska Ciidanka XDS oo faahfaahin ka bixiyay howlgalkii ka dhacay deegaanka Teedaan

July 22, 2026
0

Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliyeed, oo kaashanaya Saaxiibbada Caalamka, ayaa 21-kii bishan fuliyay howlgal duqeyn cirka ah oo lagu bartilmaameedsaday deegaanka...

Shir Madaxeedka 25-aad ee Aan Caadiga Ahayn ee Midowga Afrika oo lagu qabtay dalka Ghana

Shir Madaxeedka 25-aad ee Aan Caadiga Ahayn ee Midowga Afrika oo lagu qabtay dalka Ghana

July 22, 2026
0

Wasiirka Caafimaadka iyo Daryeelka Bulshada ee Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Dr. Cali Xaaji Aadam, oo ku matalayay Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya,...

LIVE STREAM

KUBIIR ASXAABTEENNA

DHAGAYSO WARKA

Warka Subaxnimo

Warka Duhurnimo

Warka Fiidnimo

Facebook Twitter Telegram Instagram Youtube

TAARIIKHDA RAADIYAHA

Radio Muqdisho waxaa la aas aasay 1951 sagaal sano ka hor xorriyadda dalka, laga soo bilaabo 1960 ilaa maanta waa Raadiyaha kaliya ee Dalku leeyahay, wuxuuna leeyahay keyd weyn oo ay ku jirto taariikhda wadanka.

LASOO DEG APP-KEENA

Categories

  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

No Result
View All Result
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

Welcome Back!

Login to your account below

Forgotten Password?

Retrieve your password

Please enter your username or email address to reset your password.

Log In