Saturday, August 23, 2025
  • Nagu Saabsan
  • Nala Soo Xiriir
Radio Muqdisho
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir
  • Login
No Result
View All Result
Radio Muqdisho
Home Wararka

Ciidanka Hay’adda Nabad sugidda oo bur buriyay baro ay si dhuumaleysi ah u sameysteen Shabaab

Mohamed M Hassan by Mohamed M Hassan
August 4, 2015
in Wararka
0
Howlgallo amniga lagu sugayo oo xalay laga sameeyay Degmada Hodan
0
SHARES
Share on FacebookShare on TwitterShare on WhatsAppShare on TelegramShare on LinkedIn

Ciidamada Hay’adda Nabad sugidda iyo Sirdoonka Qaranka ayaa howgallo ay ka fuliyeen inta u dhexeysa Muqdisho iyo Afgooye ku bur buriyay baro ay ku dhuumaaleysanayeen maleeshiyaadka Al-Shabaab, halkaasi oo ka mid ah goobo ay ka soo duuli jireen.

Howlgalkan oo bilowday xalay ayaa ciidamadu waxa ay ku bartilmaameedsanayeen barro si dhuumaaleysi ah ay maleeshiyaadka Shabaab uga sameysteen deegaanno ku yaalla inta u dhexeysa Afgooye iyo Muqdisho, kuwaasi oo ay ka soo abaabuli jireen weeraro qarsoodi ah oo ay ku qaadi jireen deegaanka Lafoole iyo goobo kale.

Related posts

Ra’iisul wasaaraha XFS oo kulan la qaatay Danjiraha Shiinaha ee Soomaaliya

Ra’iisul wasaaraha XFS oo kulan la qaatay Danjiraha Shiinaha ee Soomaaliya

August 23, 2025
Madaxweynaha JFS oo hambalyo u diray guddoomiyaha Baarlamaanka DGWB

Madaxweynaha JFS oo hambalyo u diray guddoomiyaha Baarlamaanka DGWB

August 23, 2025

Ciidamada oo mid mid u baarayay baraha ay xogtooda hayeen ayaa ku guuleystay inay bur buriyeen fariisin qarsoodi u ahayd maleeshiyada xagjirka ah ee Al-Shabaab, halkaasi oo ay ciidamadu ka heleen waxyaabo ay goobta uga carareen maleeshiyada Shabaab ee deegaankaasi ku dhuumaaleysan jirtay.

Howlgalladan lagu bartilmaameesanayo maleeshiyaadka Al-Shabaab ayaa ah mid lagu cirib tirayo deegaannada ay kaga dhuumaaleysanayaan qaar ka mid ah gobollada dalka, iyadoo howlgalkii xalay lagu bur buriyay ay dhabar jab u tahay maleeshiyaadka doonayay inay si qarsoodi ah u sameystaan baro ay bulshada ka dhibaateeyaan.

Previous Post

Baarlamaanka Galmudug oo guda galay sameynta guddi hoosaadyada baarlamaankaasi

Next Post

Guddoomiye ku-xigeenka 2aad ee Baarlamaanka oo qaabilay wafdi ka socday UNDP

Next Post

Guddoomiye ku-xigeenka 2aad ee Baarlamaanka oo qaabilay wafdi ka socday UNDP

Ra’iisul wasaaraha XFS oo kulan la qaatay Danjiraha Shiinaha ee Soomaaliya

Ra’iisul wasaaraha XFS oo kulan la qaatay Danjiraha Shiinaha ee Soomaaliya

August 23, 2025
0

RADIO MUQDISHO Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xamsa Cabdi Barre, ayaa xafiikiisa ku qaabilay Danjiraha Dowladda Shiinaha u...

Madaxweynaha JFS oo hambalyo u diray guddoomiyaha Baarlamaanka DGWB

Madaxweynaha JFS oo hambalyo u diray guddoomiyaha Baarlamaanka DGWB

August 23, 2025
0

RADIO MUQDISHO: Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xasan Sheekh Maxamuud ayaa hambalyo u diray Dr. Aadan Cabdullaahi Aw-xasan oo loo...

Ra’iisul wasaaraha XFS oo hambalyo u diray guddoomiyaha la doortay ee Golaha Wakiillada DGWB

Ra’iisul wasaaraha XFS oo hambalyo u diray guddoomiyaha la doortay ee Golaha Wakiillada DGWB

August 23, 2025
0

RADIO MUQDISHO: Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Xamsa Cabdi Barre, ayaa hambalyo u diray Guddoomiyaha cusub ee Golaha...

Dr.Aadan Cabdillaahi Aw Xasan oo loo doortay guddoomiyaha Golaha Wakiillada Waqooyi Bari

Dr.Aadan Cabdillaahi Aw Xasan oo loo doortay guddoomiyaha Golaha Wakiillada Waqooyi Bari

August 23, 2025
0

RADIO MUQDISHO(LAASCAANOOD): Dr.Aadan Cabdullahi Aw-Xasan ayaa loo doortay Guddoomiyaha Golaha Wakiillada Dowlad Goboleedka Waqooyi Bari Soomaaliya, wuxuuna ku soo baxay...

LIVE STREAM

KUBIIR ASXAABTEENNA

DHAGAYSO WARKA

Warka Subaxnimo

Warka Duhurnimo

Warka Fiidnimo

Facebook Twitter Telegram Instagram Youtube

TAARIIKHDA RAADIYAHA

Radio Muqdisho waxaa la aas aasay 1951 sagaal sano ka hor xorriyadda dalka, laga soo bilaabo 1960 ilaa maanta waa Raadiyaha kaliya ee Dalku leeyahay, wuxuuna leeyahay keyd weyn oo ay ku jirto taariikhda wadanka.

LASOO DEG APP-KEENA

Categories

  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

No Result
View All Result
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

Welcome Back!

Login to your account below

Forgotten Password?

Retrieve your password

Please enter your username or email address to reset your password.

Log In