Thursday, July 3, 2025
  • Nagu Saabsan
  • Nala Soo Xiriir
Radio Muqdisho
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir
  • Login
No Result
View All Result
Radio Muqdisho
Home Wararka

Guddoomiye ku-xigeenka 2aad ee Baarlamaanka oo qaabilay wafdi ka socday UNDP

Mohamed M Hassan by Mohamed M Hassan
August 4, 2015
in Wararka
0
0
SHARES
Share on FacebookShare on TwitterShare on WhatsAppShare on TelegramShare on LinkedIn

Guddoomiye ku xigeenka Labaad ee Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya ayaa magaalada Muqdisho ku qaabilay wafdi ka socda hay’adda hormarinta mashaariicda u qaabilsan Qaramada Midoobay ee UNDP.

Kulanka uu Guddoomiye ku xigeenka Labaad ee Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya Mudane Mahad Cabdalla Cawad la qaatay wafdi ka socda hay’adda Qaramada Midoobay u qaabilsan horumarinta mashaariicda ee UNDP, waxaa ku wehliyey Xoghayaha Guud ee Golaha Shacbaka Mudane Cabddikariin Xaaji Cabdi (Buux) waxaana kulanka looga hadlay taageerada ay hay’adda UNDP siiso Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya.

Related posts

Wasiirka Arrimaha Dibadda Soomaaliya oo Koonfur Afrika u tegay furitaanka Safaaradda cusub

July 3, 2025
Danjire Cali Cabdi Awaare oo ku guuleystay Danjiraha Sanadka ee Somali Social Media Awards

Danjire Cali Cabdi Awaare oo ku guuleystay Danjiraha Sanadka ee Somali Social Media Awards

July 3, 2025

Kulanka ayaa intii uu socday waxaa si gaar ah loogu eegay howlaha Guddiyada Joogtada ah ee Baarlamaanka horyaalla mudada u harsan madasha Baarlamaanka 9aad, dardar gelinta qorshayaasha lagu howlgelinayo xafiisyo uu Baarlamaanka Soomaaliya ku yeesho gobollada kale ee Dalka iyo in lasii xoojiyo taageerrada guddiyada iyo shaqaalaha Baarlamaanka ay hada hay’addu siiso.

Mudane Mahad Cabdalla Cawad Guddoomiye ku xigeenka Labaad ee Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya ayaa uga mahad celiyey Hay’adda UNDP taageerrada joogtada ah ee ay siiso Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya, gaar ahaan Guddiyada Joogtada ah ee Golaha Shacabka waxaana uu xusay iney lagama maarmaan tahay taageerrada ceynkan ah.

Dhinaca mas’uuliyiinta ka socotay hay’adda UNDP ayaa aad u ammaanay sida ay xiligan u socdaan howlaha Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya si gaar ahna shaqooyinka guddiyada Joogtada ah ee Baarlamaanka ay qabtaan waxaana ay ballan qaadeen iney sii xoojin doonaan taageerradooda.

Hay’adda hormarinta mashaariicda u qaabilsan Qaramada Midoobay ee UNDP ayaa ka mid ah hay’adaha sida joogtada ah u taageera Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya ayadoo kulankan uu Guddoomiye ku xigeenka Labaad ee Baarlamaanka la qaatayna uu muhiim u yahay sii xoojinta iyo wada shaqeynta labada dhinac.

 

 

 

Previous Post

Ciidanka Hay’adda Nabad sugidda oo bur buriyay baro ay si dhuumaleysi ah u sameysteen Shabaab

Next Post

Ciidanka booliska Galmudug oo qabtay lacago been abuur ah oo la soo geliyay suuqa Gaalkacyo

Next Post
Qoysas danyar ah oo deeq Raashin ah loogu Qeybiyay Gaalkacyo “Sawirro”

Ciidanka booliska Galmudug oo qabtay lacago been abuur ah oo la soo geliyay suuqa Gaalkacyo

Wasiirka Arrimaha Dibadda Soomaaliya oo Koonfur Afrika u tegay furitaanka Safaaradda cusub

July 3, 2025
0

Wasiirka Arrimaha Dibadda Dowladda Federaalka Soomaaliya, Mudane Cabdisalaan Cabdi Cali, ayaa soo gaaray dalka Koonfur Afrika, halkaas oo uu u...

Danjire Cali Cabdi Awaare oo ku guuleystay Danjiraha Sanadka ee Somali Social Media Awards

Danjire Cali Cabdi Awaare oo ku guuleystay Danjiraha Sanadka ee Somali Social Media Awards

July 3, 2025
0

Danjire Cali Cabdi Awaare, Danjiraha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya u fadhiya dalka Masar ahna Wakiilka Joogtada ah ee Soomaaliya u fadhiya...

Mareykanka oo bogaadiyay in Soomaaliya ay qalab casri ah dhigtay Xuduudaha dalka.

Mareykanka oo bogaadiyay in Soomaaliya ay qalab casri ah dhigtay Xuduudaha dalka.

July 2, 2025
0

Bayaan ka soo baxay Safaaradda Mareykanka ee xafiiska Muqdisho ayaa lagu sheegay in Dowladda Soomaaliya ay si rasmi ah u...

Ra’iisul Wasaare ku-xigeenka oo kulan doceed kula yeeshay Ku-xigeenka Xoghayaha Guud ee QM

Ra’iisul Wasaare ku-xigeenka oo kulan doceed kula yeeshay Ku-xigeenka Xoghayaha Guud ee QM

July 2, 2025
0

Ra’iisul Wasaare ku-xigeenka Xukuumadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Saalax Axmed Jaamac, ayaa kulan doceed kula yeeshay magaalada Sevilla ee uu ka...

LIVE STREAM

KUBIIR ASXAABTEENNA

DHAGAYSO WARKA

Warka Subaxnimo

Warka Duhurnimo

Warka Fiidnimo

Facebook Twitter Telegram Instagram Youtube

TAARIIKHDA RAADIYAHA

Radio Muqdisho waxaa la aas aasay 1951 sagaal sano ka hor xorriyadda dalka, laga soo bilaabo 1960 ilaa maanta waa Raadiyaha kaliya ee Dalku leeyahay, wuxuuna leeyahay keyd weyn oo ay ku jirto taariikhda wadanka.

LASOO DEG APP-KEENA

Categories

  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

No Result
View All Result
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

Welcome Back!

Login to your account below

Forgotten Password?

Retrieve your password

Please enter your username or email address to reset your password.

Log In