Wednesday, July 6, 2022
  • Nagu Saabsan
  • Nala Soo Xiriir
Radio Muqdisho
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir
  • Login
No Result
View All Result
Radio Muqdisho
Home Wararka

Ciidanka booliska Galmudug oo qabtay lacago been abuur ah oo la soo geliyay suuqa Gaalkacyo

August 4, 2015
in Wararka
0
Qoysas danyar ah oo deeq Raashin ah loogu Qeybiyay Gaalkacyo “Sawirro”
0
SHARES
Share on FacebookShare on TwitterShare on WhatsAppShare on TelegramShare on LinkedIn

Iyadoo mudooyinkii u danbeeyayba ay soo ifbaxayeen walaac laga muujinayay lacago shilin Soomaali been abuur ah, isla markaana lasoo galiyay magaalada Gaalkacyo ee xarunta gobalka Mudug ayaa waxaa maanta ciidamada booliiska ee dowlad gobaleedka Galmudug ay gacanta kusoo dhigeen qaar ka mida lacagahaasi ee soo galay suuqyada magaalada Gaalkacyo

Saraakiisha ciidanka booliiska oo lacagtaasi been abuurkaa saxaafada usoo bandhigay ayaa ka warbixiyay soo qabashada lacagtaan been abuurka iyo waxa kaga qorsheeysan ciddii lagu qabto iyadoo magaalada soo galineeysa

Related posts

Ra’iisul Wasaare Xamse  oo la kulmay danjiraha Sacuudi u fadhiya Soomaaliya

Ra’iisul Wasaare Xamse  oo la kulmay danjiraha Sacuudi u fadhiya Soomaaliya

July 6, 2022
Weerar ay dad ku dhinteen oo ka dhacay Mareykanka

Weerar ay dad ku dhinteen oo ka dhacay Mareykanka

July 6, 2022

Dambi baare Gaashaanle Cawil Nuur Rooble ayaa ugu horeeyn ka hadlay lacagtaan iyo waxa ay uga duwantahay lacagaha shilinka Soomaaligaa ee haatan la isticmaalo.

“Waa lacag faalsa ah oo been abuur ah dambiilayaashii lagu soo qabtayna, gacantaan ku heeynaa Maxkamad waan ku soo saareeynaa, dadka waxaan uga digeeynaa hantidooda ineeysan faalsadaasi kala bixin, iskana ilaaliyaan meeshii ay ku arkaana ay soo sheegaan, si looga qabto inaan lagu dhicin xaashidaas kalarka loo soo yeelay, meeleey ka socatana aysan jirin, waxaana khadka ay soo gashay lacagtaan 28/07/2015 saakana dadbaan ku qabanay, walina waa kusii daba jirnaa cidii lagu arkana sharciga ayaa la marsiin doonaa”.ayuu yiri Cawil.

Duqa Dagmada Galkacyo ee dowlad Gobaleedka Galmudug mudane Bile Diini Cali oo isna ka hadlay madasha lagu soo bandhigay lacagtaan been abuurka ah ee ay soo qabteen ciidanka booliska Galmudug ayaa uga mahad celiyay dadaalka ay u hayaan bulshadooda

“Marka hore waxaan salaan hawada u marinayaa guud ahaan ciidamada booliiska Galmudug ee had iyo goor u taagan ineey ilaaliyaan dadka raba ineey dhibaateeyaan shacabka reer Galmudug qaasatan ciidamada booliiska ee ka howl gala dagmada galkacyo waxaan u heynaa ammaan aad u balaaran hadaan nahay shacab iyo maamulba waxaad halkaan ku arkeeysaan lacagtaas faalsada ah waad ujeedaan waa xaashi rinji  lasoo mariyay xaashidaas waxaa loogu talagalay in lagu dhaco hantida Ummadda Soomaali”ayuu yiri Duqa Gaalkacyo.

Ma ahan markii u horeeysay oo bulshada Soomaaliyeed ee ku nool guud ahaan gobalada dalkeena ay walaac ceynkaan oo kale ah ka muujiyaan lacagaha shilinka Soomaaliga ee lasoo sameeysto ayagoo been abuur ah.

Previous Post

Guddoomiye ku-xigeenka 2aad ee Baarlamaanka oo qaabilay wafdi ka socday UNDP

Next Post

Gudiga Baarlamaanka u qaabilsan Maaliyadda,Qorsheynta iyo La Xisaabtanka Dowlada oo Siminaar Loogu Soo Gabagabeeyay Nairobi”Sawirro”

Next Post
Gudiga Baarlamaanka u qaabilsan Maaliyadda,Qorsheynta iyo La Xisaabtanka Dowlada oo Siminaar Loogu Soo Gabagabeeyay Nairobi”Sawirro”

Gudiga Baarlamaanka u qaabilsan Maaliyadda,Qorsheynta iyo La Xisaabtanka Dowlada oo Siminaar Loogu Soo Gabagabeeyay Nairobi"Sawirro"

Ra’iisul Wasaare Xamse  oo la kulmay danjiraha Sacuudi u fadhiya Soomaaliya

Ra’iisul Wasaare Xamse  oo la kulmay danjiraha Sacuudi u fadhiya Soomaaliya

July 6, 2022
0

Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Fedaraalka Soomaaliya Mudane Xamse Cabdi Barre, ayaa xafiiskiisa ku qaabilay danjiraha Dowladda Boqortooyada Sacuudi Carabiya u fadhiya...

Weerar ay dad ku dhinteen oo ka dhacay Mareykanka

Weerar ay dad ku dhinteen oo ka dhacay Mareykanka

July 6, 2022
0

Booliiska magaaladda Minneapolis ee dalka Mareykanka ayaa sheegay in wiil 17 jir ah uu dhintay, wiil kale oo 16-sanno jirana...

Dalal IGAD oo Maalintii labaad Shir ugu socdo Kenya

Dalal IGAD oo Maalintii labaad Shir ugu socdo Kenya

July 6, 2022
0

Waxaa Maalintii labaad oo xiriir ah magaalada Nairobi ee Caasimadda dalka Kenya uu Shir uga socdaa Madaxweynayeyaasha iyo wakiilada qaar...

Jamhuuriyadda Chile ee Koonfurta America oo Codsi Diblomaasiyadeed u soo dirtay Soomaaliya.

Jamhuuriyadda Chile ee Koonfurta America oo Codsi Diblomaasiyadeed u soo dirtay Soomaaliya.

July 5, 2022
0

Ku Simaha Safiirka Safaaradda Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya ee Ethiopia ahna u qaybsanaha safaaradda JFS ee Midowga Africa iyo Hay’adda dhaqaalaha...

LIVE STREAM

KUBIIR ASXAABTEENNA

DHAGAYSO WARKA

Warka Subaxnimo

Warka Duhurnimo

Warka Fiidnimo

Facebook Twitter Telegram Instagram Youtube

TAARIIKHDA RAADIYAHA

Radio Muqdisho waxaa la aas aasay 1951 sagaal sano ka hor xorriyadda dalka, laga soo bilaabo 1960 ilaa maanta waa Raadiyaha kaliya ee Dalku leeyahay, wuxuuna leeyahay keyd weyn oo ay ku jirto taariikhda wadanka.

LASOO DEG APP-KEENA

Categories

  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

No Result
View All Result
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

Welcome Back!

Login to your account below

Forgotten Password?

Retrieve your password

Please enter your username or email address to reset your password.

Log In