Wednesday, August 17, 2022
  • Nagu Saabsan
  • Nala Soo Xiriir
Radio Muqdisho
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir
  • Login
No Result
View All Result
Radio Muqdisho
Home Wararka

Gudiga Baarlamaanka u qaabilsan Maaliyadda,Qorsheynta iyo La Xisaabtanka Dowlada oo Siminaar Loogu Soo Gabagabeeyay Nairobi”Sawirro”

August 4, 2015
in Wararka
0
Gudiga Baarlamaanka u qaabilsan Maaliyadda,Qorsheynta iyo La Xisaabtanka Dowlada oo Siminaar Loogu Soo Gabagabeeyay Nairobi”Sawirro”
0
SHARES
Share on FacebookShare on TwitterShare on WhatsAppShare on TelegramShare on LinkedIn

Gudiga Baarlamaanka Soomaaliya u qaabilsan Maaliyadda,qorsheynta iyo la xisaabtanka dowlada ayaa galabta magaalada Nairobi ee caasimada dalka Kenya loogu soo gabagabeeyay siminaar u socday mudo todobo maalmood ah,kaasi oo lagu barayay sharciga iibka qaranka iyo qandaraasyada maalgashiga,gadidda qalabka duugoobay oo ay dowladu iska iibineyso iyo sharciyada la xiriira waxyaabaha ay dowlada leedahay oo ay maamulaan shirkadaha ajnabiga ah sida garoomada diyaaradaha iyo dekadaha.

Siminaarkan oo ay soo qaban qaabisay hay’adda qaramada midoobay u qaabilsan horumarinta barnaamijada ee UNDP ayaa waxaa casharo ka bixinayay Daahir Cilmi Warsame oo ah khabiir ku takhasusay sharciyadasi.

Related posts

Wasiirka Isgaarsiinta iyo Teknolojiyada oo Shir la qaatay Madaxda Shirkadaha Isgaarsiinta

Wasiirka Isgaarsiinta iyo Teknolojiyada oo Shir la qaatay Madaxda Shirkadaha Isgaarsiinta

August 17, 2022
Xafiiska Xalka Waara oo kulan la qaatay ganacsatada Jubbaland

Xafiiska Xalka Waara oo kulan la qaatay ganacsatada Jubbaland

August 17, 2022

Hay’ada IBTCI ayaa sidoo kale hubineysay hab sami u socodka siminaarkan oo socday intii u dhaxeysay 29-July ilaa 4-tii bishan Augusto.

Gudoomiyaha gudiga baarlamaanka Soomaaliya u qaabilsan Maaliyadda,Qorsheynta iyo la Xisaabtanka dowlada xildhibaan Samaan Maxamed Shiikh Daahir ayaa sheegay in xildhibaanada gudiga ku jira gudiga ay wax badan kaa faa’ideen siminaarkan,islamarkaana ay baarlamaanka Soomaaliya dib ugu celin doonaan waxyaabihii ay barteen.

Xildhibaanada kala ah Dr Cilmi Maxmuud Nuur iyo xildhibaan Nuur Iidow Beyle ayaa sheegay in sharciyadan ay wax badan ka qaban doonaan in aan la musuqmaasuqin marka ay dowladu wax soo iibsaneyso ama ay wax iska iibineyso.

Gudiga Baarlamaanka u qaabilsan Maaliyadda,Qorsheynta iyo la Xisaabtanka dowlada ayaa sheegay in marka ay ku laabtaan magaalada muqdisho dib u eegis ku sameyn doonaan sharciyadaasi, loo hor geeyo baarlamaanka,iyagoo sheegay in qaar ka mid ah sharciyadaasi horey baalamaanka loo hor geeyay,islamarkaana ay mareen aqrinta koowaad.

IMG_0076 IMG_0077 IMG_0079 IMG_0082 IMG_0085 IMG_0086 IMG_0090 IMG_0091 IMG_0099 IMG_0102 IMG_0103 IMG_0105 IMG_0107 IMG_0109 IMG_0111 IMG_0114 IMG_0117 IMG_0132 IMG_0134 IMG_0137 IMG_0140 IMG_0142 IMG_0146

Sawir qaade:-C/raxmaan Cumar Cabdi(Somali)

Previous Post

Ciidanka booliska Galmudug oo qabtay lacago been abuur ah oo la soo geliyay suuqa Gaalkacyo

Next Post

Maxaa is bedelay booqashadii 1aad ee Erdogan kadib? “Sawirro”

Next Post
Maxaa is bedelay booqashadii 1aad ee Erdogan kadib? “Sawirro”

Maxaa is bedelay booqashadii 1aad ee Erdogan kadib? "Sawirro"

Wasiirka Isgaarsiinta iyo Teknolojiyada oo Shir la qaatay Madaxda Shirkadaha Isgaarsiinta

Wasiirka Isgaarsiinta iyo Teknolojiyada oo Shir la qaatay Madaxda Shirkadaha Isgaarsiinta

August 17, 2022
0

Wasiirka Isgaarsiinta iyo Teknolojiyada Mudane Jaamac Xasan Khaliif ayaa maanta xarunta Wasaaradda waxa uu shir gaar ah kula yeeshay Madaxda...

Xafiiska Xalka Waara oo kulan la qaatay ganacsatada Jubbaland

Xafiiska Xalka Waara oo kulan la qaatay ganacsatada Jubbaland

August 17, 2022
0

Xafiiska Xalka Waara ee Wasaaradda Qorsheynta, Maalgashiga iyo Hormarinta Dhaqaalaha Dowladda Federalka Soomaaliya ayaa maanta kullan wadatashi ah magaalada Kismaayo...

Soomaaliya oo guddoomindoonta Wakaaladda CDC ee Bariga Afrika

Soomaaliya oo guddoomindoonta Wakaaladda CDC ee Bariga Afrika

August 17, 2022
0

Wafdi uu hogaaminaayo Wasiir-kuxigeenka Wasaaraadda Caafimaadka ee Dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa ka qeyb galay shir ay soo qabanqaabisay Wakaaladda CDC...

Wasiirka Qorsheynta Qaranka oo kormeeray shaqooyinka wasaaradda

Wasiirka Qorsheynta Qaranka oo kormeeray shaqooyinka wasaaradda

August 17, 2022
0

Wasiirka Wasaaradda Qorsheynta, Qaranka, Mudane Maxamuud Cabdiraxmaan Beena-beena oo ay weheliyaan Wasiiru dowlaha Mudane Cabdirashiid Jire, Wasiir ku xigeenka Maxamed...

LIVE STREAM

KUBIIR ASXAABTEENNA

DHAGAYSO WARKA

Warka Subaxnimo

Warka Duhurnimo

Warka Fiidnimo

Facebook Twitter Telegram Instagram Youtube

TAARIIKHDA RAADIYAHA

Radio Muqdisho waxaa la aas aasay 1951 sagaal sano ka hor xorriyadda dalka, laga soo bilaabo 1960 ilaa maanta waa Raadiyaha kaliya ee Dalku leeyahay, wuxuuna leeyahay keyd weyn oo ay ku jirto taariikhda wadanka.

LASOO DEG APP-KEENA

Categories

  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

No Result
View All Result
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

Welcome Back!

Login to your account below

Forgotten Password?

Retrieve your password

Please enter your username or email address to reset your password.

Log In