Saturday, October 11, 2025
  • Nagu Saabsan
  • Nala Soo Xiriir
Radio Muqdisho
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir
  • Login
No Result
View All Result
Radio Muqdisho
Home Wararka

Cabdi Jiinow “Dhismaha Maamulka Gobollada Hiiraan iyo Sh/Dhexe waxa uu kaalin ka qaadan karaa dhaqaalaha dalka”

Mohamed M Hassan by Mohamed M Hassan
10 years ago
in Wararka
0
Cabdi Jiinow “Dhismaha Maamulka Gobollada Hiiraan iyo Sh/Dhexe waxa uu kaalin ka qaadan karaa dhaqaalaha dalka”
0
SHARES
Share on FacebookShare on TwitterShare on WhatsAppShare on TelegramShare on LinkedIn

Dowladda Federaalka ee Soomaaliya ayaa ku howlan dhismaha Maamulka gobollada Hiiraan iyo Shabeelaha dhexe xili Maamulkan uu yahay kan kaliya ee la sugayo dhismihiisa marka loo eego  dhameystirka iyo hirgelinta Nidaamka Federaalka ah ee ay dowladdu qaadatay.

Guddoomiyihii hore ee gobolka Shabeelaha dhexe Cabdi Jiinoow Calasow oo la hadlay Radio Muqdisho ayaa sheegay in uu soo dhaweynayo in hal Maamul loo sameeyo Shabeelaha dhexe iyo Hiiraan islamarkaana la dadajiyo arrintaasi.

Related posts

Taliska Ciidanka Xoogga oo Digniin Adag Ka Soo Saaray Isticmaalka Qaldan Ee Astaamaha Ciidanka XDS

Taliska Ciidanka Xoogga oo Digniin Adag Ka Soo Saaray Isticmaalka Qaldan Ee Astaamaha Ciidanka XDS

October 11, 2025
TURKSOM kaalin intee ah ayeey ku leeyihiin dhismaha ciidanka dalka?

TURKSOM kaalin intee ah ayeey ku leeyihiin dhismaha ciidanka dalka?

October 10, 2025

“Waan soo dhaweyneynaynaa dhismaha maamulka Gobolada Hiiraan iyo Shabeelaha dhexe, runtii way mudanyihiin in la da dajiyo dhismaha maamulkaasi” ayuu yiri Cabdi Jiinow

Cabdi Jiinoow ayaa sheegay in gobolada Hiiraan iyo Shabeelaha dhexe ay yihiin kuwa ahmiyad weyn u leh dalka oo leh wax soo saar kaabi kara dhaqaalaha Dowladda Federaalka iyo Dadka deegaanka intaba.

“Waa labo gobol oo miisaaniyadda ka timaada qeyb lixaad leh ka qaadan kara dhaqaalaha dalka, waxa ay ka midyihiin gobolada kaabayaasha dhaqaalaha ee dalka, runtii waxaan dhihi karaa haddii la isku daro inay noqonayaan maamul u taagan dhaqaale ahaan iyo siyaasad ahaan, isla markaana uu noqon doono maamul ay ku tiirsanaadaan gobollada kale ee dalka” ayuu yiri Cabdi Jiinow.

Gudoomiyihii hore ee gobolka Shabeelaha dhexe ayaa soo jeediyay in laga fogaado wax waliba oo dib u dhigi kara dhismaha Maamulka, oo wadatashi la geliyo arrimaha keeni kara khilaafka sida halka lagu qabanayo Shirka Maamul u sameynta oo uu ku tilmaamay inay u baahatanay in la geliyo wada tashi.

“Masiirku dad ayuu kala dhexeeyaa, waana labo gobol oo la isku darayo, marka in hal qof uu dhaho aniga ayaa marti gelinayo shirka, waxa ay u baahantahay in laga wada tashado, marka ma cuntameyso in qof kaliya uu kaligiis go’aan iska gaaro” ayuu hadalkiisa ku daray Guddoomiyihii hore ee Gobolka Shabeelaha Dhexe.

Previous Post

Maamulka Gobolka Bakool oo ku wajahan deegaanka Garasweyne

Next Post

Dhageyso Warka Subax ee Radio Muqdisho

Next Post
Dhageyso Warka Habeennimo Ee Radio Muqdisho

Dhageyso Warka Subax ee Radio Muqdisho

Taliska Ciidanka Xoogga oo Digniin Adag Ka Soo Saaray Isticmaalka Qaldan Ee Astaamaha Ciidanka XDS

Taliska Ciidanka Xoogga oo Digniin Adag Ka Soo Saaray Isticmaalka Qaldan Ee Astaamaha Ciidanka XDS

October 11, 2025
0

RADIO MUQDISHO:- Taliska Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliyeed oo Digniin Adag Ka Soo Saaray Isticmaalka Calaamadaha iyo Astaamaha Ciidanka XDS Taliska...

TURKSOM kaalin intee ah ayeey ku leeyihiin dhismaha ciidanka dalka?

TURKSOM kaalin intee ah ayeey ku leeyihiin dhismaha ciidanka dalka?

October 10, 2025
0

Ciidamada Qalabka Sida ee Turkiga (TSK) ayaa laga soo bilaabo sanadkii 2017-kii illaa hadda sii wada Tababarada iyo dhoolatusyada ciidan...

Xamaas oo heshay dammaanad-qaad iyo Israel oo ogolaatay xabbad joojinta Gaza

Xamaas oo heshay dammaanad-qaad iyo Israel oo ogolaatay xabbad joojinta Gaza

October 10, 2025
0

Xukuumadda Israa’iil ayaa ansixisay qorshaha wajiga koowaad ee xabad joojinta Gaza,kaas oo dhigaya in qeybo kamid ah gaza ay Israel...

Adeeg loogu talagalay maareynta gal-dacwadeedyada oo Muqdisho laga hirgaliyay

Adeeg loogu talagalay maareynta gal-dacwadeedyada oo Muqdisho laga hirgaliyay

October 10, 2025
0

Qaar kamid ah madaxda hay’adaha ugu sareeya Cadaaladda dalka ayaa ka qeybgalay kulan la xiriiray soo bandhigga adeeg dhanka computerka...

LIVE STREAM

KUBIIR ASXAABTEENNA

DHAGAYSO WARKA

Warka Subaxnimo

Warka Duhurnimo

Warka Fiidnimo

Facebook Twitter Telegram Instagram Youtube

TAARIIKHDA RAADIYAHA

Radio Muqdisho waxaa la aas aasay 1951 sagaal sano ka hor xorriyadda dalka, laga soo bilaabo 1960 ilaa maanta waa Raadiyaha kaliya ee Dalku leeyahay, wuxuuna leeyahay keyd weyn oo ay ku jirto taariikhda wadanka.

LASOO DEG APP-KEENA

Categories

  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

No Result
View All Result
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

Welcome Back!

Login to your account below

Forgotten Password?

Retrieve your password

Please enter your username or email address to reset your password.

Log In