Sunday, January 18, 2026
  • Nagu Saabsan
  • Nala Soo Xiriir
Radio Muqdisho
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir
  • Login
No Result
View All Result
Radio Muqdisho
Home Wararka

Dooni ay saarnaayeen tahriibayaal oo ku degtay xeebaha dalka Liibiya

Abdirahman Gacaltooyo by Abdirahman Gacaltooyo
10 years ago
in Wararka
0
Dooni ay saarnaayeen tahriibayaal oo ku degtay xeebaha dalka Liibiya
0
SHARES
Share on FacebookShare on TwitterShare on WhatsAppShare on TelegramShare on LinkedIn

Inkabadan boqol ruux oo tahriibayaal ah ayaa lagu la’ yahay badda Medetereraneanka kadib markii doon ay saarnaayeen ay kua dagtay meel ka fog xeebaha dalka Libya.

Doontan oo ay saarnaayeen dad gaaray 600 oo ruux ayaa waxaa laga soo badbaadiyay 400 oo ka mid ah dadkaas halka la helay maydadka 25 ruux.

Related posts

MADAXWEYNE XASAN SHEEKH OO KULAN LA QAATAY BOQOR BURHAAN BOQOR MUUSE IYO QAAR KA MID AH ISIMADA DHAQANKA PUNTLAND

MADAXWEYNE XASAN SHEEKH OO KULAN LA QAATAY BOQOR BURHAAN BOQOR MUUSE IYO QAAR KA MID AH ISIMADA DHAQANKA PUNTLAND

January 18, 2026
Madaxweyne Xasan Sheekh “Laascaanood waa magaaladii midnimada Soomaaliya, waa astaantii midnimada, waa astaantii Soomaalinimada”

Madaxweyne Xasan Sheekh “Laascaanood waa magaaladii midnimada Soomaaliya, waa astaantii midnimada, waa astaantii Soomaalinimada”

January 17, 2026

Illaa saddex markab ayaa baadigoob ugu jira doontan iyo dadkii la socday halkii ay ku dambeeyeen. Doontan ayaa la sheegay in ay baddu ku kacday xalay iyadoo maraysa meel u jirta 25km xeebta dalka Libya.

Qul-qulka Muhaajiriinta iyo dhimashada ay wajahayaan ayaa si weynsasnadkan kor ugu kacdey, waxaana qayb ka ah mushkiladda ka taagan dalka Libiya.

Inka badan 2000 muhaajiriin u badan Afrikaan ayaa sanadkan oo keliya ku dhintey xeebaha Libya iyo Talyaaniga u dhaxeeya iyagoo isku dayaya in ay u gudbaan qaaradda Yurub si ay nolol cusub uga sameystaan.

Sanadkasta boqolaal qof ayaa ku dhinta badda u dhexeysa Waqooyiga Afrika iyo Koonfurta Yurub, Soomaali badan ayaa naftooda ku biimeeya baddaas si ay u gaaraan Koonfurta Yurub.

Lama oga in dadkan la la’ yahay iyo kuwa la badbaadiyay ay ku jiraan muwaadiniin Soomaali ah, waxana ay ku soo beegmaysaa shilkan ugu dambeeyay ee ka dhacay xeebaha dalka Libya iyadoo boqolaal dhalinyaro Soomaali ah ay ku sii qulqulayaan dalka Libya si ay ugaga sii gudbaan dalka Talyaaniga.

Previous Post

Dhageyso barnaamijka dhacdooyinka maanta

Next Post

Dhageyso warka subax ee Radio Muqdisho

Next Post

Dhageyso warka subax ee Radio Muqdisho

MADAXWEYNE XASAN SHEEKH OO KULAN LA QAATAY BOQOR BURHAAN BOQOR MUUSE IYO QAAR KA MID AH ISIMADA DHAQANKA PUNTLAND

MADAXWEYNE XASAN SHEEKH OO KULAN LA QAATAY BOQOR BURHAAN BOQOR MUUSE IYO QAAR KA MID AH ISIMADA DHAQANKA PUNTLAND

January 18, 2026
0

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xasan Sheekh Maxamuud ayaa kulan la qaatay, qaar ka mid ah Odayaasha, Isimmada iyo Cuqaasha...

Madaxweyne Xasan Sheekh “Laascaanood waa magaaladii midnimada Soomaaliya, waa astaantii midnimada, waa astaantii Soomaalinimada”

Madaxweyne Xasan Sheekh “Laascaanood waa magaaladii midnimada Soomaaliya, waa astaantii midnimada, waa astaantii Soomaalinimada”

January 17, 2026
0

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xasan Sheekh Maxamuud ayaa maanta ka qeyb galay munaasabadda caleemo-saarka Madaxweynaha Dowlad-goboleedka Waqooyi Bari Soomaaliya...

Ra’iisul Wasaare Xamsa oo adkeeyay muhiimadda Difaaca Dalkeenna

Ra’iisul Wasaare Xamsa oo adkeeyay muhiimadda Difaaca Dalkeenna

January 17, 2026
0

Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda JFS Mudane Xamsa Cabdi Barre, ayaa kala qeyb-galay Madaxweynaha Jamhuuriyadda Soomaaliya Mudane Xasan Sheekh Maxamuud, munaasabadda caleemo-saarka...

SAWIRRO:CALEEMA-SAARKA MADAXWEYNAHA MAAMULKA WAQOOYI BARI

SAWIRRO:CALEEMA-SAARKA MADAXWEYNAHA MAAMULKA WAQOOYI BARI

January 17, 2026
0

RADIO MUQDISHO(LAASCAANOOD):-Munaasabad ballaaran oo si heer qaran ah loo soo agaasimay kana qayb galayaan madaxda ugu sarreysa ee dalka,ayaa maanta...

LIVE STREAM

KUBIIR ASXAABTEENNA

DHAGAYSO WARKA

Warka Subaxnimo

Warka Duhurnimo

Warka Fiidnimo

Facebook Twitter Telegram Instagram Youtube

TAARIIKHDA RAADIYAHA

Radio Muqdisho waxaa la aas aasay 1951 sagaal sano ka hor xorriyadda dalka, laga soo bilaabo 1960 ilaa maanta waa Raadiyaha kaliya ee Dalku leeyahay, wuxuuna leeyahay keyd weyn oo ay ku jirto taariikhda wadanka.

LASOO DEG APP-KEENA

Categories

  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

No Result
View All Result
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

Welcome Back!

Login to your account below

Forgotten Password?

Retrieve your password

Please enter your username or email address to reset your password.

Log In