Wednesday, November 26, 2025
  • Nagu Saabsan
  • Nala Soo Xiriir
Radio Muqdisho
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir
  • Login
No Result
View All Result
Radio Muqdisho
Home Wararka

Wasaaradda Maaliyadda oo heshiis lagu taageerayo Ciidanka Boliiska la saxiixatay dowladda Maraykanka”sawirro”

Abdirahman Gacaltooyo by Abdirahman Gacaltooyo
10 years ago
in Wararka
0
Wasaaradda Maaliyadda oo heshiis lagu taageerayo Ciidanka Boliiska la saxiixatay dowladda Maraykanka”sawirro”
0
SHARES
Share on FacebookShare on TwitterShare on WhatsAppShare on TelegramShare on LinkedIn

Wasiirka Wasaaradda Maaliyadda XFS mudane Maxamed Aden Ibrahim (Fargeeti) ayaa Ergeyga Gaarka ah ee Dowladda Mareykanka u Fadhiya Soomaaliya, James P. McAnulty magaalada Muqdisho kula saxiixday heshiis ay dowlada Maraykanku ugu deeqday lacag dhan  $1.5 malyan oo  lagu taageerayo dib u habeynta Ciidanka Booliska Soomaaliyeed.

Xafladda lagu saxiixday heshiiskaan ayaa waxaa goobjoog ka ahaa Taliyaha Ciidanka Booliska Soomaaliyeed S/Gaas Maxamed Sheekh Xaamud.

Related posts

Golaha Shacabka ee BJFS oo ka dooday heshiiska aas-aasida ciidanka heeganka Bariga Afrika.

Golaha Shacabka ee BJFS oo ka dooday heshiiska aas-aasida ciidanka heeganka Bariga Afrika.

November 26, 2025
Wasiirka Caddaaladda oo soo xiray kulan lagu qiimeeyay horumarka Caddaaladda iyo Asluubta.

Wasiirka Caddaaladda oo soo xiray kulan lagu qiimeeyay horumarka Caddaaladda iyo Asluubta.

November 26, 2025

Hay’adda Mareykanka ee loo yaqaan Bureau of International Narcotics and Law Enforcement Affairs (INL) ayaa waxay bixisay deeqdan taa soo fududeynayso in labada dowladood isaga kaashadaan, si wada jir ahna uga wada shaqeeyaan, sidii loo taa kulayn lahaa Ciidanka Boolisk  Soomaaliyeed si sare loogu qaado ciidanka tayadiisa si ay uga hortagaan dembiyada abaabulan.

Mashruucdaya la fulinayaa ayaa waxaa ka mid ah tababarada, dhaqangelinta nidaamka shaqada iyo sare u qaadida kartida Ciidamada Booliska Soomaaliyeed iyadoo ahmiyada la siinayo Waaxda Dembi Baarista(CID).

Mashruuca wuxuu kaloo awood siin doonaa Booliska gobolada ee dhowaan la dhisay kuwaasoo laga caawini doono sidii ay uga hortagi lahaayeen dembiyada iyo argagixisnimada.

Wasiirka Maaliyadda Maxamed Aden Farkeeti oo hadal gaaban halkaas ka jeediyey ayaa wuxuu u mahadceliyey Dowladda Mareykanka sida ay mar walba u garab taagan yihiin Dowladda iyo shacabka Soomaaliyeed.

Ergayga Gaarka ah ee Doladda Mareykana ayaa isna sheegay inuu aad ugu faraxsan yahay xiriirka labada wadan, ayna ka go’an tahay dowladiisa inay garab intaan ka balaaran siin doonto Soomaaliya.

Gebagadii Taliyaha Ciidamada Booliska Soomaliyeed, S/Gaas Maxamed Sheekh ayaa ku tilmaamay heshiiskan inuu yahay mid wax weyn ka badeli doono tayada Ciidamada Booliska Soomaaliyeed.

2 3 4

Previous Post

Wasaaradda Gashaandhigga oo Soo saari doonta Warshad Samaysa dareeska Ciidamada Xoogga

Next Post

Dhageyso Warka Subax ee Radio Muqdsho

Next Post
Dhageyso Warka Habeennimo Ee Radio Muqdisho

Dhageyso Warka Subax ee Radio Muqdsho

Golaha Shacabka ee BJFS oo ka dooday heshiiska aas-aasida ciidanka heeganka Bariga Afrika.

Golaha Shacabka ee BJFS oo ka dooday heshiiska aas-aasida ciidanka heeganka Bariga Afrika.

November 26, 2025
0

Mudanayaasha Golaha Shacabka ee Baarlamaanka Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya ayaa xarunta Golaha Shacabka ku yeeshay kalfadhiga todobaad kulankiisa 15-aad, waxaana shir...

Wasiirka Caddaaladda oo soo xiray kulan lagu qiimeeyay horumarka Caddaaladda iyo Asluubta.

Wasiirka Caddaaladda oo soo xiray kulan lagu qiimeeyay horumarka Caddaaladda iyo Asluubta.

November 26, 2025
0

Wasiirka Caddaaladda iyo Arrimaha Dastuurka ee Xukuumadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Xasan Macallin Maxamuud, ayaa maanta si rasmi ah u soo...

Waxaa maalintii seddexaad galay shirweynahan Culimada Soomaaliyeed. 

Waxaa maalintii seddexaad galay shirweynahan Culimada Soomaaliyeed. 

November 26, 2025
0

Shirweynahan oo ay soo qaban qaabisay Wasaaradda Awqaafta iyo Arrimaha Islaamka XFS, ayaa maanta diiradda lagu saaray dood cilmiyeedyo kala...

Wasiirka Warfaafinta oo Qaahira uga qeyb-galaya Shirka 55-aad ee Wasiirrada Warfaafinta Carabta.

Wasiirka Warfaafinta oo Qaahira uga qeyb-galaya Shirka 55-aad ee Wasiirrada Warfaafinta Carabta.

November 26, 2025
0

Wasiirka Warfaafinta, Dhaqanka iyo Dalxiiska ee Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Mudane Daa’uud Aweys Jaamac iyo wafdi uu hoggaaminayo ayaa gaaray magaalada...

LIVE STREAM

KUBIIR ASXAABTEENNA

DHAGAYSO WARKA

Warka Subaxnimo

Warka Duhurnimo

Warka Fiidnimo

Facebook Twitter Telegram Instagram Youtube

TAARIIKHDA RAADIYAHA

Radio Muqdisho waxaa la aas aasay 1951 sagaal sano ka hor xorriyadda dalka, laga soo bilaabo 1960 ilaa maanta waa Raadiyaha kaliya ee Dalku leeyahay, wuxuuna leeyahay keyd weyn oo ay ku jirto taariikhda wadanka.

LASOO DEG APP-KEENA

Categories

  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

No Result
View All Result
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

Welcome Back!

Login to your account below

Forgotten Password?

Retrieve your password

Please enter your username or email address to reset your password.

Log In