Xafiiska QM Midoobay ee Soomaaliya ayaa Aad u soo dhaweeyay heshiiskii Shalay lagu saxiixay Magaalada Muqdisho taa soo lagu heshiiyay dhismaha Dowlad Gobolleedka Hiiraan iyo shabeellaha Dhexe.
Ergeyga Gaarka ah ee Xoghayaha Guud ee QM Midoobay ee Soomaaliya (SRSG) Nicholas Kay ayaa sheegay in ay Aad u soo dhaweynayaan QM Midoobay wixii shalay ka dhacay Magaalada Muqdisho Isla markaana ay taageerayaa wax kasta oo tasiilaad ah oo ku baxaya dhismaha Dowlad Gobolleedka Hiiraan iy Shabeellaha Dhexe.
Xafiiska QM Midoobay ee Soomaaliya ayaa markasta u taagan ka hadalka Horumarada dalka Gaar ahaan Dadaallada Dowladda federaalka ah ee ku salaysan Horumarinta Hay’adaha Dowladda iyo dhamaystirka Inta ka hartay dhismaha dowladda Gobolleedyada dalka oo shalay muqdisho lagu saxiixay heshiis dhigaya Dhismaha Maamulka Gobollada Hiiraan iyo Shabeellaha Dhexe taas oo ku tusaysa dadaalka Dowladda dhexe.