Wasiiru dowlaha xafiiska Ra’iisul wasaaraha ee dhinaca Bay’ada ayaa maanta Tababar Horudhac ah u furay 30 qof oo loo diri doono Tabar ku Aadan Isbadalka Bay’ada kaasi oo ka dhici doona Dalka Kenya.
30kaan qof ee loo diiri doono Tababarkan ku Aadan Siyaasadda iyo ku dhaqanka Isbadalka Cilimada Ama Bay’ada oo ka dhici doona dalka Kenya 23’ka Bishaan illa 20’ka Bisha dambe ee soo socota ayaa waxa ay ka kala yimaadeen Gobollada dalka iyadoo ay dadkaasna ku jiree xubno ka socday Hay’adda Cilmi Baarista iyo Badaha Soomaaliya.
Wasiiru Dowlaha Xafiiska Ra’iisulwasaaraha xukumadda Soomaaliya ee dhinaca Bay’adda Mudane Burci Maxamed Xamsa oo furay Tabarka ayaa sharraxaad ka Bixiyey Muhiimadda Tabarkaan u leeyahay dadka iyo dalka Soomaaliya oo uu Sheegay in ay tahay in kor loo qaado Aqoonta Shaqaalaha Dowladda Dhexe iyo dowladaha xubnaha ka ah.
Qaar ka mid ah dhallin yaradda loo dirayo tabarkaan ayaa sheegay in ay Aad ugu faraxsan yihiin in ay ka qayb galaan tababarkaas islamarkaana ay waxbadan ka soo faa’iidaysan doonaan.
Tabarkaan loo dirayo 30 qof ayaa waxaa xigi doona 30 kale oo isla wadanka Kenya ku soo qaadan doona Aqoon kororsi la mid ah tabarkaan kuwaa oo uu ubillaaban doono 20 bisha Dambe ee soo socota- ilaa 10 oktoobar, tababarradaan guud ahaan waxa ay qayb ka noqonayaan hagaajinta iyo la qabsiga is badalka cimilada oo Caalamku uu dadaal badan ku bixinayo xiligaan.