Sunday, June 7, 2026
  • Nagu Saabsan
  • Nala Soo Xiriir
Radio Muqdisho
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir
  • Login
No Result
View All Result
Radio Muqdisho
Home Wararka

Madaxweynaha Maamulka Koonfur galbeed oo socdaal ku tegay Bardaale si diiranna loo soo dhaweeyay

Abdirahman Gacaltooyo by Abdirahman Gacaltooyo
11 years ago
in Wararka
0
Mudanayaal iyo waxgarad soo dhaweeyay baqii nabadeed ee madaxweynaha maamulka K/galbeed
0
SHARES
Share on FacebookShare on TwitterShare on WhatsAppShare on TelegramShare on LinkedIn

Madaxweynaha Koofur galbeed ee Soomaaliya Shariif Xassan Sheekh Aadan ayaa maanta booqday degmada Bardaale ee gobolka Baay si uu ugu kuurgalo xaaladda deegaannadii u dambeeyay oo ay la wareegeen ciidamada xoogga Dalka iyo AMISOM..

Socdaalka Madaxweynaha Maamulka koonfur galbeed waxaa ku wehliya Wasiirro ka tirsan Maamulka koonfur Galbeed Soomaaliya sida ,wasiirka Dhaqan celinta Maleeshiyaadka iyo Tababarrada ciidamadda, wasiirka Caafimaadka, Guddoomiyaha Gobolka Baay iyo qaar ka mid ah wakiillo ka socda hay’adaha ka howlgala Gobolka Baay kuwaas oo u kuurgalaya Xaaladaha Nololeed ee bulshada ku dhaqan degmada Bardaale.

Related posts

Guddoomiye Ku-xigeenka Guddiga Doorashooyinka oo shir-guddoomiyay kulan looga arrinsanayay amniga doorashooyinka

Guddoomiye Ku-xigeenka Guddiga Doorashooyinka oo shir-guddoomiyay kulan looga arrinsanayay amniga doorashooyinka

June 7, 2026
Shariif Xasan oo guddoomay shahaadada musharraxnimo ee Hoggaamiyaha Koonfur Galbeed

Shariif Xasan oo guddoomay shahaadada musharraxnimo ee Hoggaamiyaha Koonfur Galbeed

June 7, 2026

Madxweynaha maamulka koonfur galbeed iyo wafdigiisa waxaa si diiran u soo Dhaweeyay Shacabka degmada Bardaale ee Gobolka Baay kuwaas oo Aad ugu faraxsanaa imaanshiyaha Wafdiga Madaxweynaha Koonfur galbeed Shariif xasan Sheekh Aadan.

Wasiirka Dhaqan Celinta Maleeshiyaadka  iyo Tababarrada Ciidamada Xasan Xuseen Maxamed ” Xasan Eelaay” oo la hadlay Radio Muqdisho ayaa sheegay in  horjoogayaal badan oo ka tirsan kooxda shabaab ay isku soo dhiibeen Ciidamada xoogga dalka ee ka howlgala Gobollada Baay iyo Bakool, isagoo sheegay in horjoogihii ugu dambeeyay  uu isku soo dhiibay Ciidamada xoogga kaas oo lagu magacabo Sheekh Bakistaan isla markaana iminka uu kujiro gacanta Maamulka koonfur Galbeed.

Si doo kale Wasiirka ayaa sheegay in Tababar ay u furayaan maanta ciidamada Maamulka Koonfur galbeed ee ka howlgala Degmada Bardaale ee Gobolka Baay islamarkaana ay sii socon doonaan Howlgallada lagu laaynayo Kooxda shabaab.

Previous Post

Dhageyso Warka Subax ee Radio Muqdisho

Next Post

Taliska AMISOM oo baaraya fal lagu dilay dad rayid ah oo marayay Halgan

Next Post
AMISOM oo beenisay inay dad rayid ah ku dileen magaalada Marka

Taliska AMISOM oo baaraya fal lagu dilay dad rayid ah oo marayay Halgan

Guddoomiye Ku-xigeenka Guddiga Doorashooyinka oo shir-guddoomiyay kulan looga arrinsanayay amniga doorashooyinka

Guddoomiye Ku-xigeenka Guddiga Doorashooyinka oo shir-guddoomiyay kulan looga arrinsanayay amniga doorashooyinka

June 7, 2026
0

RADIO MUQDISHO:-Guddoomiye Ku-xigeenka ahna Ku-simaha Guddoomiyaha Guddiga Madaxa-bannaan ee Doorashooyinka Qaranka, Mudane Saadiq Abshir Garaad, oo ay weheliyaan xubno ka...

Shariif Xasan oo guddoomay shahaadada musharraxnimo ee Hoggaamiyaha Koonfur Galbeed

Shariif Xasan oo guddoomay shahaadada musharraxnimo ee Hoggaamiyaha Koonfur Galbeed

June 7, 2026
0

RADIO MUQDISHO:-Shariif Xasan Sheekh Aadan oo ka mid ah musharraxiinta u tartamaya xilka Hoggaamiyaha Dowlad Goboleedka Koonfur Galbeed Soomaaliya, ayaa...

Taliska Qaybta Guud Ee Gobolka Banaadir oo soo bandhigay hub sharci-darro ah oo lagu soo ururiyay hawl ka dhacay degmada Cabdalcasiis

Taliska Qaybta Guud Ee Gobolka Banaadir oo soo bandhigay hub sharci-darro ah oo lagu soo ururiyay hawl ka dhacay degmada Cabdalcasiis

June 7, 2026
0

RADIO MUQDISHO:-Taliska Qeybta Guud ee Gobolka Banaadir ayaa degmada Cabdicasiis ku soo bandhigay hub noocyo kala duwan leh oo lagu...

Guddoomiye Aadan Madoobe oo guddoomay shahaadada musharraxnimo ee hoggaamiyaha Koonfur Galbeed

Guddoomiye Aadan Madoobe oo guddoomay shahaadada musharraxnimo ee hoggaamiyaha Koonfur Galbeed

June 6, 2026
0

RADIO MUQDISHO:-Guddoomiyaha Golaha Shacabka ee BJFS, Sheekh Aadan Maxamed Nuur (Madoobe), ayaa maanta ka guddoomay Guddiga Madaxa-bannaan ee Doorashooyinka iyo...

LIVE STREAM

KUBIIR ASXAABTEENNA

DHAGAYSO WARKA

Warka Subaxnimo

Warka Duhurnimo

Warka Fiidnimo

Facebook Twitter Telegram Instagram Youtube

TAARIIKHDA RAADIYAHA

Radio Muqdisho waxaa la aas aasay 1951 sagaal sano ka hor xorriyadda dalka, laga soo bilaabo 1960 ilaa maanta waa Raadiyaha kaliya ee Dalku leeyahay, wuxuuna leeyahay keyd weyn oo ay ku jirto taariikhda wadanka.

LASOO DEG APP-KEENA

Categories

  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

No Result
View All Result
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

Welcome Back!

Login to your account below

Forgotten Password?

Retrieve your password

Please enter your username or email address to reset your password.

Log In