Wasiirka Caafimaadka ee Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Drs Xaawo Xasan Maxamed oo ay wehliyaan masโuuliyiin ka tirsan Hayโadda Caaafimaadka ee WHO iyo qeybta arrimaha beniโaadanimada ee Qaramada Midoobay ayaa ka qeyb galay xuska sanad guurada koowaad ee ka soo wareegtay markii halsano laga waayay Soomaaliya kiis la xiriira cudurka Polio ama dabaysha, iyagoo si wada jir ah carruur Soomaaliyeed u siiyeen talaalka labo dhibcood oo ah ka hortagga cudurka dabeysha.
Dr Buubaal oo ah madaxa Soomaaliya ee hayโadda WHO ayaa wax lagu farxo ku tilmaamay in halsano aan Soomaaliya laga helin cudurka dabaysha, kaddib dadaal badan oo hayโadaha caafimaadka ay arrintan ku bixiyeen
โMaanta aad ayaan ugu faraxsanahay inaan xusno halsano oo aan wax cudurka dabaysha ah aan laga helin Soomaaliya, waxaan xasuustaa bishiiย May sanadkii 2015 qiyaastii la sameeyay,ย waxaan u imaanay in aan ka qeyb qaadano cirib tirka cudurkan, waxaan rabaa inaan uga mahad celiyo dadaalada dowladda Soomaaliya, gaar ahaan Wasaaradda cafimaadka madaxdeeda iyo shaqaalaheeda ee ku aadanย cirib tirka cudurka dabaysha, sidoo kale waxaan u mahad celinayaa hayโadaha dowladda soomaaliya ka taageeray cirib tirka cudurkan kuwaasoo dhamaantood ku dadaalay in mudo 12 bilood ah Soomaaliya laga waayo cudurka dabayshaโ ayuu yiri Dr Buubaal.
Pitter Digler ku-xigeenka Wakiilka gaarka ah xoghayaha guud ee Qaramada Midoobay u qaabilsan Soomaaliya, isla markaana ah isu duwaha gar gaarka beniโaadanimo ee Qaramada Midoobay ayaa fariin ku aadan ka hortaga cudurka dabaysha u diray Waaldiinta Soomaaliyeed
โWaxaan rabaa inaan halkaan fariin ugu diro walidiinta Soomaaliyeed, fariintaas oo ah in cudurkan uusan laheyn wax dawo ah oo ay tahay oo keliya in laga hortago, waalidiinta waxaan u sheegayaa in carruurtooda ay talaalaan oo aysan carruurtooda u dhiman laba dhibic oo quraโ ayuu yiri Pitter.
Wasiirka Caafimaadka ee Soomaaliya Drs Xaawo Xasan Maxamed ayaa ka hadashay marxaldihii cudurkan dabaysha uu soo maray, iyadoo sheegtay in Soomaaliya cudurkan laga cirib tiro ay dadaalkeeda kaalin weyn ka qaateen hayโadaha dhinaca caafimaadka ee Qaramada Midoobay.
โWaxaan halkaan mahad balaaran ugu jeedinayaa shaqaalaha WHO oo dadaal badan noo sameeyay, waana farxad in halsano aan wax cudurka dabaysha ah aan laga helin Soomaaliya waan xasuustaa sanadkii 2013-kii oo 198 carruur oo la xanuunsan aan Soomaaliya ka helnay waxa ay ka badnaayeen dadka adduunka oo dhan ee cudurka qaba,ย marka waxaan sii wadeynaa qabka aan carruurta ku talaaleyno ee looga hortago halista cudurka dabeyshaโ ayay tiri Wasiirka Caafimaadka Soomaaliya Drs Xaawo.
Sawir Qaade:- Maxamed Cabdiweli Maxamed