Saturday, December 13, 2025
  • Nagu Saabsan
  • Nala Soo Xiriir
Radio Muqdisho
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir
  • Login
No Result
View All Result
Radio Muqdisho
Home Wararka

Safiirkii hore ee Soomaaliya u fadhiyay dalka Kenya oo ka hadlay socdaalkiisa ku aadan gobollada dalka “Dhageyso”

Mohamed M Hassan by Mohamed M Hassan
10 years ago
in Wararka, Wararka Raadiyahaa
0
Maxamed Cali Ameeriko oo kulan soo dhaweyn ah loogu sameeyay Garoowe “SAWIRRO
0
SHARES
Share on FacebookShare on TwitterShare on WhatsAppShare on TelegramShare on LinkedIn

Safiirkii hore ee Soomaaliya u fadhiyay dalka Kenya Maxamed Cali Nuur Ameeriko oo socdaal ku maraya qaar ka mid ah dowlad goboleedyada dalka ka jira ayaa sheegay in socdaalkiisa ay la xiriirto sidii uu bulshada u tusi lahaa inay dalka ay ka jirto Nabad, isla markaana ay shacabka isaga kala gooshi karaan meelkasta oo ay rabaan.

Maxamed Cali Ameeriko oo la hadlay Radio Muqdisho ayaa sheegay in muddo 8-sano kaddib markii uu xilka safiirnimada wareejiyay uu socdaal ku tegay dalka dibadiisa oo uu casuumaad ka helay qaar ka mid ah Jaaliyadda Soomaaliyeed ee dalka dibadiisa ku dhaqan, waxaana uu intaa ku daray in markii uu dalka dib ugu soo laabtay uu casuumaad ka helay Madaxweynayaasha dowlad goboleedyada Jubaland, Koonfur Galbeed iyo Puntland.

Related posts

Maareeyaha Dekedda Muqdisho oo la kulmay wafdi ka socday Dalka Sudan

Maareeyaha Dekedda Muqdisho oo la kulmay wafdi ka socday Dalka Sudan

December 12, 2025
Wasiir Xasan Macallin “Xeerka Ciqaabta Soomaaliya waxaa uu la jaanqaadayaa diinta islaamka iyo dhaqanka Soomaalida

Wasiir Xasan Macallin “Xeerka Ciqaabta Soomaaliya waxaa uu la jaanqaadayaa diinta islaamka iyo dhaqanka Soomaalida

December 12, 2025

Safiirkii hore ee Soomaaliya u fadhiyay dalka Kenya ayaa xusay in sidoo kale uu socdaal ku tegi doono deegaannada dowlad goboleedka Galmudug oo uu martiqaad ka helay madaxweynaha Maamulkaasi, waxaana uu ka mahadceliyay sida diiran ee loogu soo dhaweeyay deegaannadii uu socdaalkii ku tegay.

“Waxaan rabaa in dadku ay arkaan in Wadanku uu isbadal ka jiro, isla markaana dadku markii ay wanaag sameeyaan lagu amaano, aniga inta aan socdaalka ku tegay aad ayaan ugu farxay waxa aan ku soo arkay, marka waxaan rabaa in aan bulshada ugu baaqo in laga wada shaqeeyo Nabadda” ayuu yiri Maxamed Cali Ameeriko.

Dhageyso Wareysiga oo dhameystiran

http://www.radiomuqdisho.so/wp-content/uploads/2015/08/WARAYSI-MAXAMED-C-ALI-NUUR-AMEERICA-.mp3
Previous Post

Safiirka cusub ee Soomaaliya u qaabilsan dalka Turkiga oo lagu soo dhaweeyay Ankara “Dhageyso+sawirro”

Next Post

Dhageyso Barnaamijka Dhacdooyinka ee Radio Muqdisho

Next Post
Dhageyso barnaamijka bandhigga wareysiyada ee ka baxa Radio Muqdisho

Dhageyso Barnaamijka Dhacdooyinka ee Radio Muqdisho

Maareeyaha Dekedda Muqdisho oo la kulmay wafdi ka socday Dalka Sudan

Maareeyaha Dekedda Muqdisho oo la kulmay wafdi ka socday Dalka Sudan

December 12, 2025
0

Maareeyaha Guud ee Dekadda Muqdisho Danjire Maxamed Cali Nuur (Ameerico) ayaa xafiiskiisa ku qaabilay wafdi ka socdayu Dalka Suudaan oo...

Wasiir Xasan Macallin “Xeerka Ciqaabta Soomaaliya waxaa uu la jaanqaadayaa diinta islaamka iyo dhaqanka Soomaalida

Wasiir Xasan Macallin “Xeerka Ciqaabta Soomaaliya waxaa uu la jaanqaadayaa diinta islaamka iyo dhaqanka Soomaalida

December 12, 2025
0

Wasiirka Cadaaladda iyo Dastuurka XFS Xasan Macallin Maxamuud oo ka qeybgalay kulanka todobaadka warb aahinta qaranka ayaa ka warbixiyay xeerka...

Guddiga Doorashooyinka oo ku dhawaaqay liiska musharaxiinta ee golaha deegaanka

Guddiga Doorashooyinka oo ku dhawaaqay liiska musharaxiinta ee golaha deegaanka

December 12, 2025
0

Guddigga Madaxa Bannaan ee Doorashooyinka Qaranka iyo Sohdimaha.isagoo gudanaya waajibaadkiisa dastuuriga ah, awoodaha uu siinayo dastuurka JFS ,sharciga doorashooyinka qaranka,...

Wasiirka Warfaafinta Soomaaliya oo ka qeyb galay TRIPOLI MEDIA DAYS.

Wasiirka Warfaafinta Soomaaliya oo ka qeyb galay TRIPOLI MEDIA DAYS.

December 11, 2025
0

Tripoli, 11 December 2025: Wasiirka Warfaafinta, Dhaqanka iyo Dalxiiska ee Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Daa’uud Aweys Jaamac, ayaa ka qeybgaley...

LIVE STREAM

KUBIIR ASXAABTEENNA

DHAGAYSO WARKA

Warka Subaxnimo

Warka Duhurnimo

Warka Fiidnimo

Facebook Twitter Telegram Instagram Youtube

TAARIIKHDA RAADIYAHA

Radio Muqdisho waxaa la aas aasay 1951 sagaal sano ka hor xorriyadda dalka, laga soo bilaabo 1960 ilaa maanta waa Raadiyaha kaliya ee Dalku leeyahay, wuxuuna leeyahay keyd weyn oo ay ku jirto taariikhda wadanka.

LASOO DEG APP-KEENA

Categories

  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

No Result
View All Result
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

Welcome Back!

Login to your account below

Forgotten Password?

Retrieve your password

Please enter your username or email address to reset your password.

Log In