Saturday, February 28, 2026
  • Nagu Saabsan
  • Nala Soo Xiriir
Radio Muqdisho
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir
  • Login
No Result
View All Result
Radio Muqdisho
Home Wararka

Wafdi ka socda Midowga Afrika oo gaaray magaalada Baardheere

Mohamed M Hassan by Mohamed M Hassan
11 years ago
in Wararka
0
Maleeshiyaadka Shabaab Ee Ku Sugan Baardheere Oo Baqdin Soo Foodsaartay Iyo Ciidamada Qalabka Sida Oo Ku Wajahan
0
SHARES
Share on FacebookShare on TwitterShare on WhatsAppShare on TelegramShare on LinkedIn

Wafdi ka socda Qaramada Midoobay iyo Midowga Afrika oo gaaray magaalada Baardheere  gobolka Gedo, ayaa halkaasi kulamo kula qaatay maamulka degmada iyo qeybaha bulshada.

Saraakiishan ka socotay Midowga Afrika ee gaaray Baardheere ayaa u jeedka socdaalkooda la xiriirta u kuurgelidda xaaladaha amni iyo tan nololeed ee ka jirta degmada Baardheere oo ka mid ah meelihii dhawaan laga xoreeyay maleeshiyada Al-Shabaab.

Related posts

Mareykanka iyo Israa’iil oo weeraro duqaymo ah ka gaystay Iiraan

Mareykanka iyo Israa’iil oo weeraro duqaymo ah ka gaystay Iiraan

February 28, 2026
Ciidanka Xoogga Dalka oo hawlgal amni xaqiijin ah ka fuliyay qaybo kamid ah bariga Hiiraan

Ciidanka Xoogga Dalka oo hawlgal amni xaqiijin ah ka fuliyay qaybo kamid ah bariga Hiiraan

February 28, 2026

Saraakiishan ayaa kulamo la qaatay maamulka degmada iyo qeybaha bulshada, kuwaasi oo ay ka dhageysteen xaaladaha guud ee ka jirta degmadaasi, gaar ahaan tan beni’aadanimo.

Guddoomiyaha Degmada Baardheere Cadow Nuur Xasan oo la hadlay Radio Muqdisho ayaa tilmaamay in wafdiga ka socda Midowga Afrika ay soo kormeereen qeybaha ay ka koobantahay magaalada, isla markaana ay ka wada hadleen sidii ay uga qeyb qaatan lahaayeen gurmad u fidinta shacabka degmadaasi ku nool.

Guddoomiyaha degmada oo hadalkiisa sii wata ayaa carabka ku adkeeyay in wafdigan ay kala hadleen xoojinta la dagaallanka maleeshiyada Al-Shabaab.

Dhawaan ayaa la filayaa in wafdiga ka socda Maamulka KMG ah ee Jubaland ay gaaraan magaalada Baardheere ee gobolka Gedo, halkaasi oo ay kula kulmi doonaan saraakiisha booqashada ku jooga magaaladaasi.

Previous Post

Xuska maalinta caalamiga ah ee dhalinyarada oo ka socoto Muqdisho

Next Post

Cabdi Jiinow oo ka hadlay Arrimaha Gobollada Hiiraan iyo Shabeellaha Dhexe+Dhagayso

Next Post
Cabdi Jiinow oo ka hadlay Arrimaha Gobollada Hiiraan iyo Shabeellaha Dhexe+Dhagayso

Cabdi Jiinow oo ka hadlay Arrimaha Gobollada Hiiraan iyo Shabeellaha Dhexe+Dhagayso

Mareykanka iyo Israa’iil oo weeraro duqaymo ah ka gaystay Iiraan

Mareykanka iyo Israa’iil oo weeraro duqaymo ah ka gaystay Iiraan

February 28, 2026
0

RADIO MUQDISHO:-Israa’iil ayaa sheegtay inay gantaal ku weerartay Iiraan, halka sarkaal Mareykan ah uu u sheegay Al Jazeera in Mareykanku...

Ciidanka Xoogga Dalka oo hawlgal amni xaqiijin ah ka fuliyay qaybo kamid ah bariga Hiiraan

Ciidanka Xoogga Dalka oo hawlgal amni xaqiijin ah ka fuliyay qaybo kamid ah bariga Hiiraan

February 28, 2026
0

RADIO MUQDISHO(HIIRAAN):-Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliyeed ayaa maanta fuliyay howlgal qorsheysan oo ka dhacay bariga gobolka Hiiraan, kaas oo qayb ka...

Safaaradda Soomaaliya ee Kenya oo kulan Afurin ah ku qabatay xarunta Safaaradda ee magaalada Nairobi

Safaaradda Soomaaliya ee Kenya oo kulan Afurin ah ku qabatay xarunta Safaaradda ee magaalada Nairobi

February 28, 2026
0

RADIO MUQDISHO(NAIROBI):-Safaaradda Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya ee Nairobi ayaa martigelisay  Cashadii Sannadlaha ahayd ee Afurka, taas oo xalay lagu qabtay Xarunta...

Dowladaha Soomaaliya iyo Sacuudiga oo ku heshiiyay xoojinta xiriirka labada Dowladood

Dowladaha Soomaaliya iyo Sacuudiga oo ku heshiiyay xoojinta xiriirka labada Dowladood

February 28, 2026
0

RADIO MUQDISHO:-Wasiiru Dowlaha Arrimaha Dibadda iyo Iskaashiga Caalamiga, Mudane Cali Cumar, ayaa kulan la qaatay Wasiirka ku xigeenka Arrimaha Dibadda...

LIVE STREAM

KUBIIR ASXAABTEENNA

DHAGAYSO WARKA

Warka Subaxnimo

Warka Duhurnimo

Warka Fiidnimo

Facebook Twitter Telegram Instagram Youtube

TAARIIKHDA RAADIYAHA

Radio Muqdisho waxaa la aas aasay 1951 sagaal sano ka hor xorriyadda dalka, laga soo bilaabo 1960 ilaa maanta waa Raadiyaha kaliya ee Dalku leeyahay, wuxuuna leeyahay keyd weyn oo ay ku jirto taariikhda wadanka.

LASOO DEG APP-KEENA

Categories

  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

No Result
View All Result
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

Welcome Back!

Login to your account below

Forgotten Password?

Retrieve your password

Please enter your username or email address to reset your password.

Log In