Wednesday, October 15, 2025
  • Nagu Saabsan
  • Nala Soo Xiriir
Radio Muqdisho
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir
  • Login
No Result
View All Result
Radio Muqdisho
Home Wararka

Wafdi ka socda Midowga Afrika oo gaaray magaalada Baardheere

Mohamed M Hassan by Mohamed M Hassan
10 years ago
in Wararka
0
Maleeshiyaadka Shabaab Ee Ku Sugan Baardheere Oo Baqdin Soo Foodsaartay Iyo Ciidamada Qalabka Sida Oo Ku Wajahan
0
SHARES
Share on FacebookShare on TwitterShare on WhatsAppShare on TelegramShare on LinkedIn

Wafdi ka socda Qaramada Midoobay iyo Midowga Afrika oo gaaray magaalada Baardheere  gobolka Gedo, ayaa halkaasi kulamo kula qaatay maamulka degmada iyo qeybaha bulshada.

Saraakiishan ka socotay Midowga Afrika ee gaaray Baardheere ayaa u jeedka socdaalkooda la xiriirta u kuurgelidda xaaladaha amni iyo tan nololeed ee ka jirta degmada Baardheere oo ka mid ah meelihii dhawaan laga xoreeyay maleeshiyada Al-Shabaab.

Related posts

Wasiirka Caafimaadka Soomaaliya oo ka qeyb galay shirka 72-aad ee WHO 

Wasiirka Caafimaadka Soomaaliya oo ka qeyb galay shirka 72-aad ee WHO 

October 15, 2025
Soomaaliya oo ka qeybgal Shirweynaha Wasiirrada Qorshaynta iyo Dhaqaalaha Afrika

Soomaaliya oo ka qeybgal Shirweynaha Wasiirrada Qorshaynta iyo Dhaqaalaha Afrika

October 15, 2025

Saraakiishan ayaa kulamo la qaatay maamulka degmada iyo qeybaha bulshada, kuwaasi oo ay ka dhageysteen xaaladaha guud ee ka jirta degmadaasi, gaar ahaan tan beni’aadanimo.

Guddoomiyaha Degmada Baardheere Cadow Nuur Xasan oo la hadlay Radio Muqdisho ayaa tilmaamay in wafdiga ka socda Midowga Afrika ay soo kormeereen qeybaha ay ka koobantahay magaalada, isla markaana ay ka wada hadleen sidii ay uga qeyb qaatan lahaayeen gurmad u fidinta shacabka degmadaasi ku nool.

Guddoomiyaha degmada oo hadalkiisa sii wata ayaa carabka ku adkeeyay in wafdigan ay kala hadleen xoojinta la dagaallanka maleeshiyada Al-Shabaab.

Dhawaan ayaa la filayaa in wafdiga ka socda Maamulka KMG ah ee Jubaland ay gaaraan magaalada Baardheere ee gobolka Gedo, halkaasi oo ay kula kulmi doonaan saraakiisha booqashada ku jooga magaaladaasi.

 

Previous Post

Xuska maalinta caalamiga ah ee dhalinyarada oo ka socoto Muqdisho

Next Post

Cabdi Jiinow oo ka hadlay Arrimaha Gobollada Hiiraan iyo Shabeellaha Dhexe+Dhagayso

Next Post
Cabdi Jiinow oo ka hadlay Arrimaha Gobollada Hiiraan iyo Shabeellaha Dhexe+Dhagayso

Cabdi Jiinow oo ka hadlay Arrimaha Gobollada Hiiraan iyo Shabeellaha Dhexe+Dhagayso

Wasiirka Caafimaadka Soomaaliya oo ka qeyb galay shirka 72-aad ee WHO 

Wasiirka Caafimaadka Soomaaliya oo ka qeyb galay shirka 72-aad ee WHO 

October 15, 2025
0

Wasiirka Caafimaadka iyo Daryeelka Bulshada ee Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Dr. Cali Xaaji Aadan, ayaa maanta ka qeyb galay Shirka 72-aad...

Soomaaliya oo ka qeybgal Shirweynaha Wasiirrada Qorshaynta iyo Dhaqaalaha Afrika

Soomaaliya oo ka qeybgal Shirweynaha Wasiirrada Qorshaynta iyo Dhaqaalaha Afrika

October 15, 2025
0

Wasiirka Wasaaradda Qorsheynta, Maalgashiga iyo Horumarinta Dhaqaalaha ee Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Maxamuud Sheekh Faarax (Beenebeene), ayaa ka qeybgalay Shirka...

Duqa Muqdisho oo vasho sharaf u sameeyay Guddoomiyaha Golaha Wakiillada Waqooyi Bari.

Duqa Muqdisho oo vasho sharaf u sameeyay Guddoomiyaha Golaha Wakiillada Waqooyi Bari.

October 15, 2025
0

Guddoomiyaha Gobolka Banaadir ahna Duqa Magaalada Muqdisho, Dr. Xasan Maxamed Xuseen (Muungaab), ayaa xalay casho sharaf ku maamuusay Guddoomiyaha Golaha...

Xuska 14-ka Oktoobar ee Qaraxii Soobbe

Xuska 14-ka Oktoobar ee Qaraxii Soobbe

October 14, 2025
0

14-ka Oktoobar,gaar ahaab 2017-kii waaa dhacdo aad u xanuun badan oo laheyd naxdin iyo amakaag,,kadib kolkii maalin qura ay dhibaatooyin...

LIVE STREAM

KUBIIR ASXAABTEENNA

DHAGAYSO WARKA

Warka Subaxnimo

Warka Duhurnimo

Warka Fiidnimo

Facebook Twitter Telegram Instagram Youtube

TAARIIKHDA RAADIYAHA

Radio Muqdisho waxaa la aas aasay 1951 sagaal sano ka hor xorriyadda dalka, laga soo bilaabo 1960 ilaa maanta waa Raadiyaha kaliya ee Dalku leeyahay, wuxuuna leeyahay keyd weyn oo ay ku jirto taariikhda wadanka.

LASOO DEG APP-KEENA

Categories

  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

No Result
View All Result
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

Welcome Back!

Login to your account below

Forgotten Password?

Retrieve your password

Please enter your username or email address to reset your password.

Log In