Saturday, February 28, 2026
  • Nagu Saabsan
  • Nala Soo Xiriir
Radio Muqdisho
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir
  • Login
No Result
View All Result
Radio Muqdisho
Home Wararka

Taliska Booliska oo guryo horey looga deganaa bankiga dhexe ku wareejiyay maamulka bankiga

Mohamed M Hassan by Mohamed M Hassan
11 years ago
in Wararka
0
Taliska booliska oo ka digay in qashinka la soo dhoobo hareeraha waddooyinka
0
SHARES
Share on FacebookShare on TwitterShare on WhatsAppShare on TelegramShare on LinkedIn

Taliska ciidanka booliska ayaa maanta guryo ay dowladdu lahayd oo si sharci darro ah loo deganaa dib ugu soo celisay gacanta dowladda.

Guryahana oo ku yiilay agaggaarka garoonka diyaaradaha ee Aadan Cadde gaar ahaan degmada Wadajir oo ahaa kuwa qoysas Soomaaliyeed ay si sharci darro ah u deganaayeen muddo, ayaa maanta lagu guuleystay in si rasmi ah loogu wareejiyo Madaxda bankiga dhexe ee dalka.

Related posts

Dowladaha Soomaaliya iyo Sacuudiga oo ku heshiiyay xoojinta xiriirka labada Dowladood

Dowladaha Soomaaliya iyo Sacuudiga oo ku heshiiyay xoojinta xiriirka labada Dowladood

February 28, 2026
Tartamayaasha Buula-burte oo caawa u gudbay wareegga Labaad ee tartanka ”SAWIRRO”

Tartamayaasha Buula-burte oo caawa u gudbay wareegga Labaad ee tartanka ”SAWIRRO”

February 28, 2026

Taliyaha ciidanka booliska Soomaaliyeed Sareeyo Gaas Maxamed Sheekh Xasan Xaamud oo guryaha ku wareejiyay maamulka bankiga dhexe ee Soomaaliya, ayaa balan qaaday in hay’adaha dowladda marka ay u baahdaan dhulalkooda iyo guryahooda dib loogu wareejn doono.

“Taliska ciidanka booliska Soomaaliyeed, waxa uu maanta si rasmi ah guddoomiyaha bankiga dhexe ku wareejiyay xaruntii deegaanka u ahayd saraakiisha bankiga dhexe, guyahan muddadii bur burka dalka, dad ayaa si sharci darro ah u deganaa, laakiin markii ay maamulka bankiga dhexe u baahdeen waxaan ku guuleysanay in aan dib ugu celino, hay’ad waliba oo awood u yeelato in ay dhisato guryahooda waxaan naga go’an in aan dib ugu wareejino” ayuu yiri Taliyaha booliska.

Guddoomiyaha bankiga dhexe ee Soomaaliya Bashiir Ciise Cali oo isna goobta hadal kooban ka jeediyay ayaa taliska booliska uga mahadceliyay sida ay ugu soo wareejiyeen guryahaasi.

“Aad ayaan ugu faraxsanahay in maanta aan nagu soo wareejisaan guryihii bankigu lahaa, runtii inta gacan ka geysatay waan uga mahadcelineynaa dadaalka aad ku bixiseen in guryahaan dib gacanta naloogu soo celiyo” ayuu yiri Guddoomiyaha Bankiga dhexe.

Dhanka kale akadeemiye goboleedka dhaqanka, fanka iyo sugaanta ee Aagah ayaa waxa maanta shahaado sharaf guddoonsiiyeen taliyaha ciidanka booliska Soomaaliyeed, taasi oo u ku muteystay dadaalka uu boolisku ugu jiro waxbarista ciidanka booliska.

Cabdi Xaaji Goobdoon oo ka mid ah Odoyaasha akadeemid goboleedka ayaa sheegay in ay aad ugu faraxsantahay qorshaha booliska uu ku horumarinayo afka hooyo.

Previous Post

Wasiirka Awqaafta iyo arrimaha Diinta oo maanta furay dib u dhiska masjidka Arbaco-rukun

Next Post

Dhageyso Warka Duhurnimo Ee Radio Muqdisho

Next Post
Dhageyso warka habeen ee Radio Muqdisho

Dhageyso Warka Duhurnimo Ee Radio Muqdisho

Dowladaha Soomaaliya iyo Sacuudiga oo ku heshiiyay xoojinta xiriirka labada Dowladood

Dowladaha Soomaaliya iyo Sacuudiga oo ku heshiiyay xoojinta xiriirka labada Dowladood

February 28, 2026
0

RADIO MUQDISHO:-Wasiiru Dowlaha Arrimaha Dibadda iyo Iskaashiga Caalamiga, Mudane Cali Cumar, ayaa kulan la qaatay Wasiirka ku xigeenka Arrimaha Dibadda...

Tartamayaasha Buula-burte oo caawa u gudbay wareegga Labaad ee tartanka ”SAWIRRO”

Tartamayaasha Buula-burte oo caawa u gudbay wareegga Labaad ee tartanka ”SAWIRRO”

February 28, 2026
0

Tartan cilmiyeedka bisha Ramadaan oo galay sanadkii Lix iyo tobnaad oo ay qabaneyso Warbaahinta Qaranka, isla markaana si toos ah...

𝐆𝐮𝐝𝐝𝐨𝐨𝐦𝐢𝐲𝐚𝐡𝐚 𝐇𝐚𝐲’𝐚𝐝𝐝𝐚 𝐒𝐨𝐃𝐌𝐀 𝐨𝐨 g𝐚𝐚𝐫𝐚𝐲 𝐆𝐚𝐥𝐦𝐮𝐝𝐮𝐠 𝐬𝐢 𝐮𝐮 u x𝐨𝐨𝐣𝐢𝐲𝐨 𝐆𝐮𝐫𝐦𝐚𝐝𝐤𝐚 𝐀𝐛𝐚𝐚𝐫𝐚𝐡𝐚

𝐆𝐮𝐝𝐝𝐨𝐨𝐦𝐢𝐲𝐚𝐡𝐚 𝐇𝐚𝐲’𝐚𝐝𝐝𝐚 𝐒𝐨𝐃𝐌𝐀 𝐨𝐨 g𝐚𝐚𝐫𝐚𝐲 𝐆𝐚𝐥𝐦𝐮𝐝𝐮𝐠 𝐬𝐢 𝐮𝐮 u x𝐨𝐨𝐣𝐢𝐲𝐨 𝐆𝐮𝐫𝐦𝐚𝐝𝐤𝐚 𝐀𝐛𝐚𝐚𝐫𝐚𝐡𝐚

February 27, 2026
0

Guddoomiyaha Hay’adda Maareynta Musiibooyinka Qaranka Soomaaliyeed (SoDMA), Mudane Maxamuud Macalin Cabdulle, ayaa maanta gaaray magaalada Dhuusamareeb, caasimadda Galmudug, si uu...

Wasiiru Dowlaha Arrimaha Dibadda XFS oo Jiddah uga qeybgalay kulanka Ururka Iskaashiga Islaamka

Wasiiru Dowlaha Arrimaha Dibadda XFS oo Jiddah uga qeybgalay kulanka Ururka Iskaashiga Islaamka

February 27, 2026
0

Wasiiru Dowlaha Arrimaha Dibadda XFS Mudane Cali Maxamed Cumar ayaa Magaalada Jiddah uga kulan looga hadlaayay qodobbo dhowr ah oo...

LIVE STREAM

KUBIIR ASXAABTEENNA

DHAGAYSO WARKA

Warka Subaxnimo

Warka Duhurnimo

Warka Fiidnimo

Facebook Twitter Telegram Instagram Youtube

TAARIIKHDA RAADIYAHA

Radio Muqdisho waxaa la aas aasay 1951 sagaal sano ka hor xorriyadda dalka, laga soo bilaabo 1960 ilaa maanta waa Raadiyaha kaliya ee Dalku leeyahay, wuxuuna leeyahay keyd weyn oo ay ku jirto taariikhda wadanka.

LASOO DEG APP-KEENA

Categories

  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

No Result
View All Result
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

Welcome Back!

Login to your account below

Forgotten Password?

Retrieve your password

Please enter your username or email address to reset your password.

Log In