Wednesday, August 27, 2025
  • Nagu Saabsan
  • Nala Soo Xiriir
Radio Muqdisho
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir
  • Login
No Result
View All Result
Radio Muqdisho
Home Wararka

Taliska Booliska oo guryo horey looga deganaa bankiga dhexe ku wareejiyay maamulka bankiga

Mohamed M Hassan by Mohamed M Hassan
August 13, 2015
in Wararka
0
Taliska booliska oo ka digay in qashinka la soo dhoobo hareeraha waddooyinka
0
SHARES
Share on FacebookShare on TwitterShare on WhatsAppShare on TelegramShare on LinkedIn

Taliska ciidanka booliska ayaa maanta guryo ay dowladdu lahayd oo si sharci darro ah loo deganaa dib ugu soo celisay gacanta dowladda.

Guryahana oo ku yiilay agaggaarka garoonka diyaaradaha ee Aadan Cadde gaar ahaan degmada Wadajir oo ahaa kuwa qoysas Soomaaliyeed ay si sharci darro ah u deganaayeen muddo, ayaa maanta lagu guuleystay in si rasmi ah loogu wareejiyo Madaxda bankiga dhexe ee dalka.

Related posts

Taliyaha Ciidanka Dhulka XDS iyo saraakiil kale oo kormeeray deegaanka Number 50

Taliyaha Ciidanka Dhulka XDS iyo saraakiil kale oo kormeeray deegaanka Number 50

August 26, 2025
Guddoomiyaha SoDMA oo mashruuc muhiim ah ka daah-furay Balcad

Guddoomiyaha SoDMA oo mashruuc muhiim ah ka daah-furay Balcad

August 26, 2025

Taliyaha ciidanka booliska Soomaaliyeed Sareeyo Gaas Maxamed Sheekh Xasan Xaamud oo guryaha ku wareejiyay maamulka bankiga dhexe ee Soomaaliya, ayaa balan qaaday in hay’adaha dowladda marka ay u baahdaan dhulalkooda iyo guryahooda dib loogu wareejn doono.

“Taliska ciidanka booliska Soomaaliyeed, waxa uu maanta si rasmi ah guddoomiyaha bankiga dhexe ku wareejiyay xaruntii deegaanka u ahayd saraakiisha bankiga dhexe, guyahan muddadii bur burka dalka, dad ayaa si sharci darro ah u deganaa, laakiin markii ay maamulka bankiga dhexe u baahdeen waxaan ku guuleysanay in aan dib ugu celino, hay’ad waliba oo awood u yeelato in ay dhisato guryahooda waxaan naga go’an in aan dib ugu wareejino” ayuu yiri Taliyaha booliska.

Guddoomiyaha bankiga dhexe ee Soomaaliya Bashiir Ciise Cali oo isna goobta hadal kooban ka jeediyay ayaa taliska booliska uga mahadceliyay sida ay ugu soo wareejiyeen guryahaasi.

“Aad ayaan ugu faraxsanahay in maanta aan nagu soo wareejisaan guryihii bankigu lahaa, runtii inta gacan ka geysatay waan uga mahadcelineynaa dadaalka aad ku bixiseen in guryahaan dib gacanta naloogu soo celiyo” ayuu yiri Guddoomiyaha Bankiga dhexe.

Dhanka kale akadeemiye goboleedka dhaqanka, fanka iyo sugaanta ee Aagah ayaa waxa maanta shahaado sharaf guddoonsiiyeen taliyaha ciidanka booliska Soomaaliyeed, taasi oo u ku muteystay dadaalka uu boolisku ugu jiro waxbarista ciidanka booliska.

Cabdi Xaaji Goobdoon oo ka mid ah Odoyaasha akadeemid goboleedka ayaa sheegay in ay aad ugu faraxsantahay qorshaha booliska uu ku horumarinayo afka hooyo.

Previous Post

Wasiirka Awqaafta iyo arrimaha Diinta oo maanta furay dib u dhiska masjidka Arbaco-rukun

Next Post

Dhageyso Warka Duhurnimo Ee Radio Muqdisho

Next Post
Dhageyso warka habeen ee Radio Muqdisho

Dhageyso Warka Duhurnimo Ee Radio Muqdisho

Taliyaha Ciidanka Dhulka XDS iyo saraakiil kale oo kormeeray deegaanka Number 50

Taliyaha Ciidanka Dhulka XDS iyo saraakiil kale oo kormeeray deegaanka Number 50

August 26, 2025
0

Taliyaha Ciidanka Dhulka Xoogga Dalka, Sareeye Guuto Sahal Cabdullaahi Cumar iyo Ganeraal Sebahattin Kalkan, Taliyaha Ciidanka Turk-Som, ayaa gaarey deegaanno...

Guddoomiyaha SoDMA oo mashruuc muhiim ah ka daah-furay Balcad

Guddoomiyaha SoDMA oo mashruuc muhiim ah ka daah-furay Balcad

August 26, 2025
0

Wafdi ballaaran oo uu hoggaaminayo Guddoomiyaha Hay’adda Maareynta Masiibooyinka Qaranka (SoDMA), Mudane Maxamuud Macallin Cabdille, ayaa maanta safar dhulka ah...

Ra’iisul Wasaare Xamsa oo kulan la yeeshay Hoggaanka Gobolka Ningxia ee dalka Shiinaha

Ra’iisul Wasaare Xamsa oo kulan la yeeshay Hoggaanka Gobolka Ningxia ee dalka Shiinaha

August 26, 2025
0

Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Xamsa Cabdi Barre, ayaa maanta kulan la yeeshay Hoggaamiyaha Gobolka Ningxia, ahna Xoghayaha...

Waddooyinka Muqdisho oo si casri ah loo dhisayo

Waddooyinka Muqdisho oo si casri ah loo dhisayo

August 26, 2025
0

Guddoomiye Ku-xigeenka Hawlaha Guud ee Maamulka Gobolka Banaadir, Mudane Cabdimajiid Daahir Aadan, ayaa maanta kormeeray waddada Buundooyinka oo isku xirta...

LIVE STREAM

KUBIIR ASXAABTEENNA

DHAGAYSO WARKA

Warka Subaxnimo

Warka Duhurnimo

Warka Fiidnimo

Facebook Twitter Telegram Instagram Youtube

TAARIIKHDA RAADIYAHA

Radio Muqdisho waxaa la aas aasay 1951 sagaal sano ka hor xorriyadda dalka, laga soo bilaabo 1960 ilaa maanta waa Raadiyaha kaliya ee Dalku leeyahay, wuxuuna leeyahay keyd weyn oo ay ku jirto taariikhda wadanka.

LASOO DEG APP-KEENA

Categories

  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

No Result
View All Result
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

Welcome Back!

Login to your account below

Forgotten Password?

Retrieve your password

Please enter your username or email address to reset your password.

Log In