Magaalada Muqdisho ayaa maanta waxaa lagu soo bandhigay diyaarad cusub oo ku soo biireysa diyaaradaha ganacsiga ee rakaabka ah islamarkaana isaga kala goosha gobolada dalka, iyadoo diyaaradani oo ah nooca 120-ka lagu magacaabo Star Som
Axmed Daahir Nuur oo ka mid ah maamulka diyaarada Star Som Air oo aan kula kulanay garoonka Aadan Cabdulle Aadan Cadde ayaa sheegay in sababta ay ugu dhiiradeen diyaaradani ka shaqeyneysa goollada dalka in ay tahay markii ay isu furmeen Bulshada oo dhan, loona baahan yahay in dadka Soomaaliyeed ay helaan adeegyada ay u baahan yihiin.
Diyaaradda Star Som Air ayaa safarkii ugu horeeyey u aaday magaalooyinka Gaalkacyo iyo Beladweyne, waxaana ay sameyn doontaa fursado kale oo ay dadku ku geyso deegaannada ay u baahan yihiin. iyadao xafiisyo ka hirgalinaysa adeegyadeeda ay ka heli doonaan degmooyinka gobolada dalka iyo caasimada waana diyaradii ugu horeysay oo duulimaad toos ah ka bilowda muqdisho iyo garoowe, waxaana markii raaci kara 30-ruux.
Nabadda iyo horumarka dalka Soomaaliya sannadihii u dambeeyey ka jiray waxa uu noqdey mid sii xoogeysta oo isu keenna bulshada gobollada iyo deegaanna dalka, taas oo kor u qaadey muraalka dadka daneeya wax soo saarka, sida maalgelinta iyo ganacsiga dalka gudahiisa ah.
Sawir Qaade:Qadar Cali Nuur