Gudmoomiyaha Gobolka Banaadir Ahna Duqa Magaalada Muqdisho Mudane XasanMaxamed Xusein “Muuungaab ” ayaa caawa si diiran loogu soo dhaweeyey Magaalada Zurich ee Dalka Switzerland, waxaana Asaga iyo Wefdigiisa loo GelbiyeyMagaalada Baden oo lagu wado inuu halkaasi kula Kulmo Mas’uuliyiin uu horkacayo Duqa magaaladaasi BADEN, ahna xubin Katirsan Baarlamaanka Sitzerland Islamarkaana Dowlada Swiss una qaabilsan Arimaha Dibada Baarlamaanka.
Gudoomiye Muungaab iyo xubnaha Wefdigiisa ayaa waxaa Garoonka
Magaalada Zurich Kusoo Dhaweeyey Mas’uuliyiinta Hay’adda Swiss Kalmo,Bashiir Goobdoon, Xasan Cismaan oo Somali Diaspora kasocdey, Bashiir C.qaadir Bootaan oo Isku xiraha Soomaalida iyo Walaalaha Turkiga ka socdey, iyo Rag kaloo ka kala yimid Gobolada Zurich Deriska La ah.
Maalinta Beri ah ayaa Wefdiga Guddoomiyaha Gobalka Banaadir Ahna Duqa Magaalada Muqdisho Mudane Xasan Maxamed Xuseen Muungaab iyo Masuuliyiinta Maamulka Magaada Baden oo uu horkacayo
Duqa magaaladaasi ay wada qaadan doonaan Kulan gaar ah oo lagu mataaneynayo Magaalooyinka Muqdisho iyo BADEN, waxaana ajandaha ku jira in Nidaamka Federaalka Swistzerland , nidaamka Axzaabta, iyo qaabka xoojinta Swiss iyo Soomaali ay ka wada hadli doonaan.
Guddoomiyaha Gobalka Banaadir ayaa Sidoo kale kulan la qaadan doona Soomalaida ku nool Dalkaasi si uu ugu dhiirrigaliyo In ay ka qeybqaataan dib u dhiska iyo Maalgashiga dalka Soomaaliya kadib markii Muqdisho ay ku talaabsatay Nabad iyo Degganaasho sababtay in uu Caalamkii dib ugu soo laabtay soomaaliya
Wafdiga Gudoomiyaha ayaa ugu dambeyntii la kulmi doona Masuuliyinta Wasaradda Arimaha Dibadda Dalkaasi Swistzerland iyaga oo ka wada hadli doona Xoojinta Xiriirka Soomaaliya iyo Swiss.
Sawir Qaade :Fahad M. Abukar