Saturday, June 7, 2025
  • Nagu Saabsan
  • Nala Soo Xiriir
Radio Muqdisho
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir
  • Login
No Result
View All Result
Radio Muqdisho
Home Wararka

Hawlgallo Ammaanka lagu xaqiijinayo oo ka billowday Galkacyo “Sawirro”

Abdirahman Gacaltooyo by Abdirahman Gacaltooyo
August 17, 2015
in Wararka
0
Hawlgallo Ammaanka lagu xaqiijinayo oo ka billowday Galkacyo “Sawirro”
0
SHARES
Share on FacebookShare on TwitterShare on WhatsAppShare on TelegramShare on LinkedIn

Ciidamo ka tirsan kuwa booliiska Galmudug iyo kuwa nabad sugida soomaaliyeed ee Nisa ayaa  howlga;lo looga gol lahaa xaqiijinta amaanka magaalada Galkacyo ee xarunta gobalka mudug maanta wax ay maanta si wadajir ah uga sameeyay qeybo ka mida ah magaalada

Howlgaladaan ayaa intii ay socdeen waxaa ciidamo ay baaritaano ku sameeynayeen gadiidka dadweynaha ee ka dhax shaqeeya gudaha magaalada galkacyo iyo kuwa gaarka loo leeyahay

Related posts

NISA oo gacanta ku dhigtay xubno u hoggaansamay baadda Khawaarijta

Howlgallo qorsheysan oo lagu dilay horjoogayaal ka tirsan Khawaarijta

June 7, 2025
Hay’adda Boqor Salmaan oo Hilib udxiyo ah ka qeybisay Dayniile

Hay’adda Boqor Salmaan oo Hilib udxiyo ah ka qeybisay Dayniile

June 7, 2025

Mas’uuliyiinta gobalka Mudug iyo kuwa dagmada Galkacyo oo ay wehliyeen saraakiisha ciidanka nabad galyada ayaana si wadajir ah ula hadlay warfidiyeennada ayagaoona sharaxaad ka bixiyay howlgalkaan iyo waxa uu ku salka ku hayo.

Duqa dagmada Galkacyo ee Dowlada Galmudug Mudane Bile Diini Cali ayaa sheegay  in Ciidanka booliiska iyo kuwa nabad sugidda ay maanta bilaabeen howlgal balaaran oo lagu sugayo ammaanka magaalada Gaalkacyo  “waxaa go’ aanku yahay howlgalkii awal socon jiray mid ka baaxadweyn inaan sameeyno ka degmo ahaana waxaan
digniin udirayaa dadka gawaaridooda xiliyada habeenkiiya waddada hareeraheeda dhiganaya waxaana mar kowwad iyo marlabaadba digniin udiraynaa qofkii lagu arko in laga wareegayo gaarigiisa” ayuu yiri duqa degmada Gaalkacyo.

Taliyaha qeybta booliiska gobalka Mudug ee dowlad gobaleedka Galmudug G/sare Maxamed Nuur Cali Gadaar oo isna goobta ka hadlay ayaa digniin u diray cid walba oo isku dayda in ay khal khal galiso amaanka magaalada Galkacyo hadeey  ahaan lahaayeen kooxda ururka gumaadka soomaaliyeed ee UGUS iyo cid kalaba.

“Maalmahaan waxaa soo ifbaxayay dad doonaya in magaaladaan ay ka abuuraan khal khal siyaasadeed waxaan leenahay idinka gamban meyno indhahana aanan ka qarsaneyn halkaana looma ogala maadaam uu ka jiro
maamul dowladeed cid khal khal ka abuuri kartana waxaan filayaa ineeysan dhalan cidii dhalatana jawaabteeda ayeey naga heli doontaa waxaan uga digayaa kuwa nabad diidkaa ee UGUS iyo kuwa wada khal khalka siyaasadeed ee galmudug lagu carqaladeynayo” ayuu yiri taliyaha qeybta booliiska Gaalkacyo.

Gudoomiyaha Gobalka Mudug ee Dowlada Galmudug Mudane Aweeys Cali Saciid ayaa ugu baaqay waxgaradka ganacsatada iyo qeybaha kala duwan ee bulshada Galkacyo ineey la shaqeeyaan ciidamada Amaanka si loo adkeeyo ammaanka guud ee deegaanada Galmudug.

vlcsnap-2015-08-17-15h53m05s136 vlcsnap-2015-08-17-15h53m15s46 vlcsnap-2015-08-17-15h53m28s174 vlcsnap-2015-08-17-15h53m39s10 vlcsnap-2015-08-17-15h53m48s133 vlcsnap-2015-08-17-15h54m34s76 vlcsnap-2015-08-17-15h55m17s217 vlcsnap-2015-08-17-15h55m41s229

Sawir Qaadistii Wariye C/risaaq Maxamed Axmed Galkacyo

Previous Post

Culimada Soomaaliyeed oo baaq u diray Dhallinyarada Aaminsan Fikirka Shabaab

Next Post

Dhageyso warka duhur ee Radio Muqdisho

Next Post
Dhageyso Warka Habeennimo Ee Radio Muqdisho

Dhageyso warka duhur ee Radio Muqdisho

NISA oo gacanta ku dhigtay xubno u hoggaansamay baadda Khawaarijta

Howlgallo qorsheysan oo lagu dilay horjoogayaal ka tirsan Khawaarijta

June 7, 2025
0

Horjoogeyaal kale oo ka tirsan Khawaarijta Al-Shabaab ayaa ku geeriyooday howlgal qorshaysan oo si wadajir ah ay u fuliyeen Ciidanka...

Hay’adda Boqor Salmaan oo Hilib udxiyo ah ka qeybisay Dayniile

Hay’adda Boqor Salmaan oo Hilib udxiyo ah ka qeybisay Dayniile

June 7, 2025
0

Xarunta Gargaarka iyo Howlaha Bani’aadantinimada ee Boqor Salmaan oo kaashanaysa hay’adda Xikmo Charity ayaa maanta markale degmada Dayniile ee gobolka...

Guddoomiyaha Hay’adda SoDMA oo Geneva uga qeybgalay shir muhiim ah

Guddoomiyaha Hay’adda SoDMA oo Geneva uga qeybgalay shir muhiim ah

June 7, 2025
0

Guddoomiyaha Hay’adda Maareeynta Musiibooyinka (SoDMA) Mudane Maxamuud Macallin Cabdulle iyo wafti uu hoggaaminayo ayaa Xarunta Qaramada Midoobay ee Geneva -...

Danjiraha Cusub ee Soomaaliya ee Yemen oo Gudbiyay Warqadaha Aqoonsiga Safiirnimo

Danjiraha Cusub ee Soomaaliya ee Yemen oo Gudbiyay Warqadaha Aqoonsiga Safiirnimo

June 5, 2025
0

Danjiraha cusub ee Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya u qaabilsanaan doona dalka Yemen mudane Cabdixakiin Maxamed Axmed (Dhoobo Daareed),ayaa warqadaha aqoonsiga danjirannimo...

LIVE STREAM

KUBIIR ASXAABTEENNA

DHAGAYSO WARKA

Warka Subaxnimo

Warka Duhurnimo

Warka Fiidnimo

Facebook Twitter Telegram Instagram Youtube

TAARIIKHDA RAADIYAHA

Radio Muqdisho waxaa la aas aasay 1951 sagaal sano ka hor xorriyadda dalka, laga soo bilaabo 1960 ilaa maanta waa Raadiyaha kaliya ee Dalku leeyahay, wuxuuna leeyahay keyd weyn oo ay ku jirto taariikhda wadanka.

LASOO DEG APP-KEENA

Categories

  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

No Result
View All Result
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

Welcome Back!

Login to your account below

Forgotten Password?

Retrieve your password

Please enter your username or email address to reset your password.

Log In