Uruurka Marwo oo ah urur ka shaqeeya daryeelka carruurta iyo haweenka ayaa maanta kalmo lacageed gaarsiiyay haween xanuunsan oo ku jiro mid ka mid ah isbitaalada magaalada Muqdisho.
Gabdhaha ku midoobay Ururka Marwo oo ah urur ka shaqeeya arrimaha samafalka iyo daryeelka Hooyada iyo carruurta ayaa maanta iyaga oo xil iska saaraya walaalahooda dhibataysan deeq lacageed gaarsiiyay dhibaneyaal ay ka mid yihiin Maryan Xasan Xiireey oo muddo la xanuunsanaysay dhibaato ka soo gaartay rasaas uga dhacday labada lugood, taas oo sababtay in Maryan aanay awoodin in labadeeda lugood ku socoto iyo dhibane Madiino Abuukar Sheekh oo iyana la xanuun sanaysa dhibaato uu kuhayo cudurka In-fection-ka kaas oo sababay in Madiino muuqaalka jirkeeda uu isbadalo cudaurkaasnay ay ku weyso xubin ka mid ah jirkeeda.
Qaar ka mid ah dhibanayaasha maanta kaalmada lacageed la gaarsiiyay oo ay ka mid ahayd Maryan Xasan Xiireey iyo labo kale ayaa ka hadlay xaaladooda caafimaad, iyagoo codsaday in deeq caafimaad oo dibadda ah loo qaado, maadaama aan dalka wax looga qaban Karin.
Mid ka mid ah Dhaqaatiirta qaliinka qaabilsan ee isbitaalka ayaa sheegay in Maryan aan dalka wax looga qaban Karin, ayna u baahantahay kaalmo caafimaad oo dibadda ah.
“Wax ka maqan seedo muhiim ah hada dhaqtar arrimaahasi qaabilsan nooma joogo laakiin wax ayaan ka qabaneyna xaaladda heysata gabadhani ay no keeneen ururka Marwo”
Guddoomiyaha Ururka Marwo Nashaad Bashiir Axmed ayaa sheegtay in gabdhaha ku midoobay Ururka Marwo ay dadaal badan kaddib u suurto gashay in maanta lakeeno dhibane Maryan Xasan Xiireey Isbitaalka DEVA, ayna lacago guddoonsiiyeen Maryan iyo bukaano kale, iyadoo intaa ku dartay in ay dadaal badan ku bixin doonaan sidii haweenka dhiban waxloogu qaban lahaa.
Ururka Marwo oo ah urur ay ku mideysanyihiin gabdho Soomaaliyeed ayaa ka mid ah ururrada u dhaqdhaqaaqa daryeelka carruurta iyo haweenka, waxaana ay maanta ku guuleysteen in Isbitaalka DEVA ay geeyaan Maryan Xasan Xiireey oo muddo la xanuunsanaysay dhibaato ka soo gaartay rasaas uga dhacday labada lugood.