Munaasabadaan shahaado sharaf lagu guddoonsiinayay Sheekh Maxamuud Aw-cabdulle Cariif oo muddo afar sano ah casharka tafsiirka Qur’aanka Kariimka ah ka akhrinayay Idaacadda Kulmiye ee magaalada Muqdisho ayaa waxaa ka qeyb galay culimaa’udiin, Golaha Abwaanada Soomaaliyeed, maamulka Idaacadda iyo marti sharaf kale, kaasi oo lagu xarunta xarunta Idaacadda Kulmiye ee Muqdisho.
Agaasimaha Idaacadda Kulmiye Abwaan Cismaan Cabdullaahi Guure oo ugu horeyn madasha hadal kooban ka jeediyay ayaa sheegay in u jeedka xafladda ay tahay in Sheekh Maxamuud Aw-Cabdulle Cariif ay guddoonsiiyaan shahaado sharaf oo ku saabsan weyneynta Qur’aanka Kariimka.
Sheekh Abuukar Xasan Maalin oo ka mid ah culimada Soomaaliyeed ayaa sheegay in Sheekha uu muddo bulshada u gudninayay casharka tafsiirka Qu’aarka Kariimka, isla markaana uu uga mahadcelinayo sida uu bulshada u fahamsiiyo casharada la xiriira tafsiira Qura’anka.
Sheekh Maxamuud Aw-Cabdulle Cariif oo gabo gabadii xafladda hadal ka jeediya ayaa uga mahadceliyay maamulka Idaacadda Kulmiye shahaado sharafta ay guddoonsiiyeen
Xigasho Sawirrada:-Radio Kulmiye