Kulankaan oo looga hadlayay sharciga nidaaminta shidaalka Soomaaliya oo ay soo qaban qaabisay Wasaarada batroolka iyo macdanta Xukuumadda Soomaaliya ayaa maanta lagu qabtay magaalada Muqdisho, kaasi oo ay ka qeyb galeen Wasiiro, Xildhibaanno iyo qaar ka mid ah ganacsatada shidaalka.
Kulanka ayaa lagu soo bandhigay qabyo qoraalka xeerkaan oo ay soo diyaarisay Wasaaradda Batroolka, isla markaana dhawaan ay meel marisay Xukuumadda Federaalka, waxaan xubnaha ka qayb galay ka mid ahaa Wasiirka batroolka iyo macdanta. Wasiirka dekadaha iyo gaadiidka badda iyo Wasiiru dowlaha Wasaarada ganacsiga, madaxda rugta ganacsiga Soomaaliya iyo xubno kale.
Guddoomiyaha rugta ganacsiga Soomaaliya Cabdikariin Gabeyre oo ka hadlay kulankaas ayaa waxaa uu sheegay in muhiimad weyn ay u tahay ganacsatada in xeer loo sameeyo shidaalka Soomaaliya ayna ku taageerayaan arrintaa Wasaaradda ku shaqada leh.
Xildhibaan Khaliif Maxamed Xaaji oo xubin ka ah guddiga Kheyraadka ee Baarlamaanka Soomaaliya oo ka hadlay kulankaas ayaa xusay in nidaamka sharcigan uu marayo marka Baarlamaanka loo gudbiyo marxalado kala duwan, ayna muhiimtahay in hadda laga baaraan dego waxyaabaha ka maqan.
Wasiiru dowlaha Wasaaradda ganacsiga iyo Warshadaha Xukuumadda Soomaaliya ayaa waxaa uu ganacsatada ku bogaadiyay in ay bixiyaan canshuurta si dowladda ay u noqoto dowlad adag oo wadanka ku baahda.
Wasiirka Wasaaradda Batroolka iyo Macdanta ee Xukuumadda Federaalka ah ee Soomaaliya Maxamed Muqtaar Ibraahim ayaa tilmaamay in sharcigan uu soo maray heerar kala duwan, isagoo ganacsatada weydiistay in Wasaaradda ay la shaqeeyaan.
Wasiirka Dekadaha iyo Gaadiidka badda Xukuumadda Soomaaliya mudane Nuur Faarax Jimcaale oo gaba gabadii ka hadlay kulankaan ayaa sheegay in dowlad nimada Soomaaliya ee curdunka ah ay muhiim u tahay wada shaqeyn in laga wada qayb , isagoo hoosgta ka xariiqay ahmiyada uu sharcigan u leeyahay bulshada Soomaaliyeed, gaar ahaan ganacsatada.