Wafdigan uu hogaaminayay madaxwayanaha dawlad goboleedka Galmudug C/kariin Xuseen Guuleed oo ay qayb ka ahaayeen Xildhibaano ka tirsan Baarlamanka Galmudug iyo mas’uuliyiin kale oo maanta gaaray deegaanka Galinsoor ee gobolka Galgaduud ayaa si wanaagsan loogu soo dhaweeyay halkaasi.
Mudane C/kariim iyo wafdigiisa ayaa halkaas u tagay arrimo la xiriira dib u heshiisiinta bulshada iyo u kuurgalidda nolosha bulshada, waxaana munaasabad soo dhaweyn ah oo loo sameeyay ka hadlay qaar ka mid ah waxgaardka deegaanka.
Suldaan Maxamuud Ereg ayaa sheegay in ay soo dhawaynayaan wafdiga madaxwaynaha islamarkaana ay ka filayaan maamulkan cusub inuu wax ka qabto adeega bulshada oo Galinsoor ay ka liidato.
Maxamed Axmed Caalin oo gudoomiye u ah gudi uu dhawaan madaxwaynaha Galmudug u magacaabay arrimaha dib u heshiisiinta oo munaasabadaas ka hadlay ayaa sheegay in shacabka looga baahanyahay inay la shaqeeyaan maamulka lagana heshiiiyo dhacdooyinkii dib u dhaca keenay.
C/kariin Xuseen Guuleed Madaxwaynaha dowlad goboleedka Soomaaliueed ee Galmudug ayaa sheegay in ka maamul ahaan ay wax ka qabanayaan baahida bulshada reer Galinsoor.
“Galinsoor waxa ay u baahantahay waxbarasho, caafimaad, biyo iyo dhammaan qof kasta oo bini’aadam ah waxa uu u baahanyahay, hadaan nahay dawlad goboleedka Galmudug diyaar waxaan u nahay intii karaankeena ah inaan ka haqabtirno, waa marka reer Galinsoor si wax loogu qabto si hormar loo gaarsiiyo ayagana ay muujiyaan waxa dawladnimo u baahantahay” ayuu yiri Madaxwayne C/kariin.
Madaxwayne C/kariin ayaa sidoo kale kormeeray xarumaha danta guud sida Saldhiga Booliska Galinsoor oo burbur uu ka muuqdo, waxaana Wafdiga madaxwaynaha Galmudug ay caawa ku hoyanayaan deegaanka Galinsoor ee gobolka Galgaduud.