Tuesday, September 1, 2026
  • Nagu Saabsan
  • Nala Soo Xiriir
Radio Muqdisho
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir
  • Login
No Result
View All Result
Radio Muqdisho
Home Wararka

Safiirka Soomaaliya ee kuwait Oo Xariga Ka Jaray  Dugsi Xagaageedka Jaaliyadda “Sawirro”

Abdirahman Gacaltooyo by Abdirahman Gacaltooyo
11 years ago
in Wararka
0
Safiirka Soomaaliya ee kuwait Oo Xariga Ka Jaray  Dugsi Xagaageedka Jaaliyadda “Sawirro”
0
SHARES
Share on FacebookShare on TwitterShare on WhatsAppShare on TelegramShare on LinkedIn

 

Safiirka Soomaaliya u fadhiya dalka kuwait Amb.C/qaadir Amin shiikh ayaa xariga ka jarey dugsi xagaageed loogu talagaley ardayda jaaliyadda oo ay soo qabanqaabiyeen Golaha Hiddaha iyo Dhaqanka Soomaaliyeed.

Related posts

Hay’adda SoDMA oo deeq raashin ah gaarsiisay kumannaan qoys oo ku nool Boosaaso

Hay’adda SoDMA oo deeq raashin ah gaarsiisay kumannaan qoys oo ku nool Boosaaso

September 1, 2026
Shirweynaha Qaran ee Amniga Gudaha oo maanta ka furmay Muqdisho

Shirweynaha Qaran ee Amniga Gudaha oo maanta ka furmay Muqdisho

September 1, 2026

Ugu horeyntii ayaa waxaa halkaas ku soo dhaweeyey Safiirka Golaha Hiddaha iyo Dhaqanka oo uu horkacayey Gudoomiyaha Golaha Eng.Maxamed Axmed Daahir sharaxaadna ka bixiyey dugsiga iyo waxyaalaha lagu dhiganayo yirina “Sacaadatu Safiir waxaan aad kaaga mahadcelineynaa si aad noogu dheeragelisay qabanqaabadad dugsigaan iyo taakuleyntiisa adoo sponsorgareeyey sacaadatu dugsidaan waxaa dhigta hadda arday gaareysa 60 arday da’doona tahay 5-14 jir waxaan lagu barayaa Afka soomaaliga,Af ingiriiska, quraanka kariimka ah, Farshaxanka,iyo culuum keli”.

Intaasi kaddib ayaa sidoo kale waxaa isna halkaas ka hadley Guddoomiyaha Jaaliyadda Mudane Maxamed Xaaji Axmed Khumeyni oo mahadcelin ka dibna ka sheekeeyey faa’iddad uu leeyahay dugsi xagaageedkan oo keli yirina waa tijaabadii koowaad oo ay jaaliyaddu qabato dugsi noocaan oo keli ah waxaan rajeyneynaa sanadka danbe in ay ardeydu gaarto 200.

Sidoo Kale waxaa hadalo dheeri gelin iyo mahadcelin ah ka jeediyey madasha u qaabilsanaha saafaarad dhanka waxbarashada  iyo qaar ka mid ah waalidiinta iyo macalimiinta wax ka dhigeysa dugsigaan.

intaas ka dib ayaa waxaa lagu soo dhaweeyey Safiirka soomaaliya u fadhiya kuwait Amb.C/qaadir Amin Shiikh oo madasha ka jeediyey hadal aad u soo jiitay ka soo qeybgalayaasha waxeyn aad ula dhaceyn iskuna bishaareyeen markii u safiirka u sheegay xubnaha jaaliyadda ineysan waxba ka jirin warar aan sal iyo raadtoona lahayn oo beryahan laga sheegay qaar ka mid ah warbaahinta soomaaliyeed oo ahaa in  dowlada kuwait ay joojisay tiradoodna aad loo yareeyey waxbarashada ardayda soomaaliyeed ee dugsiga hoose.

Safiirka ayaa yiri “waxaan idin ku bishaareynayaa in ay tahay waxba kama jiraan wararka been abuurka ah oo in badan oo waalidiinta ka mid ah dareen weyn ku abuurey dowlada kuwait amiir iyo xukuumad iyo shacab waa dad walaalahood soomaaliyeed mar walba garabkooda taagan waana ogtihiin qadarinta iyo tixgelinta aan ku haysano dalkaan mahad haka gaarto walaalaheen Kuwiat, wararka noocaas oo keli ahna waxey la mid yihin wararkii hore oo inta yar ee horumarka jaaliyaddan ka xun ay isku dayaan in ay bal wax uun ka sheegaan lakin ilaah mahadiis waxaad tihiin jaaliyad isku duuban soomaalinimaduna ku weyn tahay” munaasabad furitaanka dugsigaan ayaa ku soo idlaatey jawi farxad iyo rayn rayn leh.

1 2 3 4 5 6

Previous Post

Barnaamijka Kulanka Todobaadka Oo Looga Hadlay Mooshinka Xildhibaanno Ka Tirsan Baarlamaanka Ay Ka Keeneen Madaxweynaha “Sawirro+Dhageyso”

Next Post

Wasaaradda waxbarashada oo soo saartay natiijada imtixaanka sanad dugsiyeedka 2014/15

Next Post

Wasaaradda waxbarashada oo soo saartay natiijada imtixaanka sanad dugsiyeedka 2014/15

Hay’adda SoDMA oo deeq raashin ah gaarsiisay kumannaan qoys oo ku nool Boosaaso

Hay’adda SoDMA oo deeq raashin ah gaarsiisay kumannaan qoys oo ku nool Boosaaso

September 1, 2026
0

Hay’adda Maareynta Musiibooyinka Qaranka Soomaaliyeed (SoDMA) ayaa deeq gargaar raashin ah gaarsiisay kumannaan qoys oo nugul oo ku nool magaalada...

Shirweynaha Qaran ee Amniga Gudaha oo maanta ka furmay Muqdisho

Shirweynaha Qaran ee Amniga Gudaha oo maanta ka furmay Muqdisho

September 1, 2026
0

Shirweynaha Qaran ee Amniga Gudaha ayaa maanta si rasmi ah uga furmay magaalada Muqdisho, iyadoo diiradda lagu saarayo xoojinta amniga...

𝐖𝐚𝐟𝐝𝐢 𝐤𝐚 𝐬𝐨𝐜𝐝𝐚 𝐗𝐚𝐟𝐢𝐢𝐬𝐤𝐚 𝐑𝐚’𝐢𝐢𝐬𝐮𝐥 𝐖𝐚𝐬𝐚𝐚𝐫𝐚𝐡𝐚 𝐨𝐨 𝐛𝐨𝐨𝐪𝐚𝐬𝐡𝐨 𝐫𝐚𝐬𝐦𝐢 𝐚𝐡 𝐤𝐮 𝐭𝐞𝐠𝐚𝐲 𝐓𝐚𝐧𝐳𝐚𝐧𝐢𝐚

𝐖𝐚𝐟𝐝𝐢 𝐤𝐚 𝐬𝐨𝐜𝐝𝐚 𝐗𝐚𝐟𝐢𝐢𝐬𝐤𝐚 𝐑𝐚’𝐢𝐢𝐬𝐮𝐥 𝐖𝐚𝐬𝐚𝐚𝐫𝐚𝐡𝐚 𝐨𝐨 𝐛𝐨𝐨𝐪𝐚𝐬𝐡𝐨 𝐫𝐚𝐬𝐦𝐢 𝐚𝐡 𝐤𝐮 𝐭𝐞𝐠𝐚𝐲 𝐓𝐚𝐧𝐳𝐚𝐧𝐢𝐚

August 31, 2026
0

Wafdi ka socda Xafiiska Ra’iisul Wasaaraha XFS oo uu hoggaaminayo Wasiiru Dowlaha Xafiiska Ra’iisul Wasaaraha, Mudane Xirsi Jaamac Gaani, ayaa...

Madaxweynaha Jamhuuriyadda iyo Wafdi Uu Hoggaaminayo Oo Gaaray Dalka Serbia

Madaxweynaha Jamhuuriyadda iyo Wafdi Uu Hoggaaminayo Oo Gaaray Dalka Serbia

August 31, 2026
0

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Xasan Sheekh Maxamuud iyo wafdi uu hoggaaminayo ayaa gelinkii dambe ee maanta gaaray magaalada Belgrade...

LIVE STREAM

KUBIIR ASXAABTEENNA

DHAGAYSO WARKA

Warka Subaxnimo

Warka Duhurnimo

Warka Fiidnimo

Facebook Twitter Telegram Instagram Youtube

TAARIIKHDA RAADIYAHA

Radio Muqdisho waxaa la aas aasay 1951 sagaal sano ka hor xorriyadda dalka, laga soo bilaabo 1960 ilaa maanta waa Raadiyaha kaliya ee Dalku leeyahay, wuxuuna leeyahay keyd weyn oo ay ku jirto taariikhda wadanka.

LASOO DEG APP-KEENA

Categories

  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

No Result
View All Result
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

Welcome Back!

Login to your account below

Forgotten Password?

Retrieve your password

Please enter your username or email address to reset your password.

Log In