Friday, October 17, 2025
  • Nagu Saabsan
  • Nala Soo Xiriir
Radio Muqdisho
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir
  • Login
No Result
View All Result
Radio Muqdisho
Home Wararka

Baarlamanka Galmudug oo ansixiyay guddi hoosaadyada Baarlamanka

Mohamed M Hassan by Mohamed M Hassan
10 years ago
in Wararka
0
Baarlamanka Galmudug oo ansixiyay guddi hoosaadyada Baarlamanka
0
SHARES
Share on FacebookShare on TwitterShare on WhatsAppShare on TelegramShare on LinkedIn

Kalfadhiga 1-aad ee Baarlamanka Galmudug kulankiisa 9-aad oo ay soo xaadireen 47-Xildhibaan ayaa  maanta waxaa shirgudoominayay Guddoomiye Cali Gacal Casir, waxaana  ajanduhu ahaa meelmarinta gudi hoosaadyada Baarlamanka oo dhawrkii maalmood ee la soo dhaafay samayntooda lagu guda jiray.

Gudiyadas oo tira ahaan gaaraya 9-gudi ayaa kala ah

Related posts

Hay’adda Maareynta Musiibooyinka Qaranka oo ka warbixisay qasaaraha fatahaadaha

Guddoomiyaha Hay’adda SoDMA oo si kooban u sharxay ahmiyadda shirweynaha cilmi-baarista aafooyinka Soomaaliya

October 17, 2025
Madaxweynaha JFS oo ka qeybgalay tacsida Ra’iisul Wasaarihii hore ee Kenya

Madaxweynaha JFS oo ka qeybgalay tacsida Ra’iisul Wasaarihii hore ee Kenya

October 17, 2025

1-Guddiga xeer hoosaadka iyo anshaxa

2- Guddiga dib u eegista Dastuurka iyo arrimaha gudaha

3- Guddiga garsoorka awqaafta iyo arrimaha diinta

4- Guddiga arrimaha bulshada

5- Guddiga Beeraha, Kheyraadka iyo Bii’ada

6- Guddiga dhaqaalaha iyo maaliyadda

7-Guddiga wadooyinka, Dekadaha iyo howlaha guud

8- Guddiga xuquuqul insaanka, Haweenka iyo arrimaha beni’aadanimada

9- Guddiga xuduudaha iyo amniga.

Dood dheer oo Baarlamanku ay ka yeesheen qaab dhismedka gudiyada ayaa ugu dambayn waxa ay ku ansixiyeen cod gacan taag ah

“Gudiyadu waa kala duwanyihiin maadama Xildhibaanada qaar maqanyihiin, guddiga xeer hoosaadka waxa uu ahaa 10-xubnood, gudiga Dastuurkuna waxa uu ahaa 10-xubnood, inta kalena waxa ay ahaayen min 9-xubnood,  Gudoomiyaashoodii way u dooranyihiin oo markii horaa midba meel laga keenay, iyadoo qolo walba ay u rabto inuu Gudomiye u noqdo, ku xigeenadii iyo xoghayntii, shaqada maanta sidaas ayay ahayd, Xildhibaanaduna si gacataag ah ayay ku ansixiyeen gudiyada, waxaana isku waafajinay gudi walba inay xaaladohooda ka soo tashadaan, kadibna la tusiyo xeerarka horyaal” ayuu yiri Guddoomiyaha baarlamaanka dowlad goboleedka Galmudug.

Meel marinta guddi hoosaadyada Baarlamanka ayaa ah talaabo muhiim ah, iyadoo guddi walbaa uu u howlgali doono qabashada waajibaadka horyaalla.

Previous Post

Dhalinyaro ku xanuunsan Xeryaah qaxootiga Dhadhaab oo codsaday in la caawiyo “SAWIRRO”

Next Post

Madaxweynaha Maamulka Koonfur Galbeed oo shacabka ka codsaday inay la shaqeeyaan ciidanka “SAWIRRO”

Next Post
Madaxweynaha Maamulka Koonfur Galbeed oo shacabka ka codsaday inay la shaqeeyaan ciidanka “SAWIRRO”

Madaxweynaha Maamulka Koonfur Galbeed oo shacabka ka codsaday inay la shaqeeyaan ciidanka “SAWIRRO”

Hay’adda Maareynta Musiibooyinka Qaranka oo ka warbixisay qasaaraha fatahaadaha

Guddoomiyaha Hay’adda SoDMA oo si kooban u sharxay ahmiyadda shirweynaha cilmi-baarista aafooyinka Soomaaliya

October 17, 2025
0

Guddoomiyaha Hay’adda Maareynta Masiibooyinka Qaranka mudane Maxamuud Macallin Cabdulle ayaa ka hadlay muhiimadda shirweynaha cilmi-baarista aafooyinka Soomaaliya. Guddoomiyuhu wuxuu carrabka...

Madaxweynaha JFS oo ka qeybgalay tacsida Ra’iisul Wasaarihii hore ee Kenya

Madaxweynaha JFS oo ka qeybgalay tacsida Ra’iisul Wasaarihii hore ee Kenya

October 17, 2025
0

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xasan Sheekh Maxamuud ayaa maanta ka qaybgalay tacsida Raiisul Wasaarihii hore ee Jamhuuriyadda Kenya, Raila...

𝐖𝐚𝐬𝐢𝐢𝐫𝐤𝐚 𝐌𝐚𝐚𝐥𝐢𝐲𝐚𝐝𝐝𝐚 𝐗𝐅𝐒 𝐨𝐨 𝐌𝐚𝐚𝐧𝐭𝐚 𝐒𝐡𝐢𝐫-𝐆𝐮𝐝𝐝𝐨𝐨𝐦𝐢𝐲𝐚𝐲 𝐊𝐮𝐥𝐚𝐧𝐤𝐢𝐢 𝟐𝟔-𝐚𝐚𝐝 𝐞𝐞 𝐖𝐚𝐬𝐢𝐢𝐫𝐚𝐝𝐚 𝐌𝐚𝐚𝐥𝐢𝐲𝐚𝐝𝐝𝐚 𝐃𝐚𝐥𝐚𝐥𝐤𝐚 𝐈𝐬𝐤𝐚𝐚𝐬𝐡𝐢𝐠𝐚 𝐆𝐞𝐞𝐬𝐤𝐚 𝐀𝐟𝐫𝐢𝐤𝐚.

𝐖𝐚𝐬𝐢𝐢𝐫𝐤𝐚 𝐌𝐚𝐚𝐥𝐢𝐲𝐚𝐝𝐝𝐚 𝐗𝐅𝐒 𝐨𝐨 𝐌𝐚𝐚𝐧𝐭𝐚 𝐒𝐡𝐢𝐫-𝐆𝐮𝐝𝐝𝐨𝐨𝐦𝐢𝐲𝐚𝐲 𝐊𝐮𝐥𝐚𝐧𝐤𝐢𝐢 𝟐𝟔-𝐚𝐚𝐝 𝐞𝐞 𝐖𝐚𝐬𝐢𝐢𝐫𝐚𝐝𝐚 𝐌𝐚𝐚𝐥𝐢𝐲𝐚𝐝𝐝𝐚 𝐃𝐚𝐥𝐚𝐥𝐤𝐚 𝐈𝐬𝐤𝐚𝐚𝐬𝐡𝐢𝐠𝐚 𝐆𝐞𝐞𝐬𝐤𝐚 𝐀𝐟𝐫𝐢𝐤𝐚.

October 17, 2025
0

Wasiirka Maaliyadda XFS Mudane Biixi Imaan Cige ayaa maanta shir-guddoominayay kulanka 26-aad ee Wasiirada Maaliyadda Madasha Iskaashiga Dalalka Geeska Afrika,...

Masar iyo Soomaaliya oo kawada hadlay arrimo muhiim ah..

Masar iyo Soomaaliya oo kawada hadlay arrimo muhiim ah..

October 17, 2025
0

ALi SHiGaL: Qaahira, Masar, 17-ka Oktoobar 2025: Iyada oo lagu guda jiro Todobaadka Shirweynaha Biyaha ee Qaahira (Meertada 8-aad), ayaa...

LIVE STREAM

KUBIIR ASXAABTEENNA

DHAGAYSO WARKA

Warka Subaxnimo

Warka Duhurnimo

Warka Fiidnimo

Facebook Twitter Telegram Instagram Youtube

TAARIIKHDA RAADIYAHA

Radio Muqdisho waxaa la aas aasay 1951 sagaal sano ka hor xorriyadda dalka, laga soo bilaabo 1960 ilaa maanta waa Raadiyaha kaliya ee Dalku leeyahay, wuxuuna leeyahay keyd weyn oo ay ku jirto taariikhda wadanka.

LASOO DEG APP-KEENA

Categories

  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

No Result
View All Result
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

Welcome Back!

Login to your account below

Forgotten Password?

Retrieve your password

Please enter your username or email address to reset your password.

Log In