Wednesday, April 22, 2026
  • Nagu Saabsan
  • Nala Soo Xiriir
Radio Muqdisho
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir
  • Login
No Result
View All Result
Radio Muqdisho
Home Wararka

Baarlamanka Galmudug oo ansixiyay guddi hoosaadyada Baarlamanka

Mohamed M Hassan by Mohamed M Hassan
11 years ago
in Wararka
0
Baarlamanka Galmudug oo ansixiyay guddi hoosaadyada Baarlamanka
0
SHARES
Share on FacebookShare on TwitterShare on WhatsAppShare on TelegramShare on LinkedIn

Kalfadhiga 1-aad ee Baarlamanka Galmudug kulankiisa 9-aad oo ay soo xaadireen 47-Xildhibaan ayaa  maanta waxaa shirgudoominayay Guddoomiye Cali Gacal Casir, waxaana  ajanduhu ahaa meelmarinta gudi hoosaadyada Baarlamanka oo dhawrkii maalmood ee la soo dhaafay samayntooda lagu guda jiray.

Gudiyadas oo tira ahaan gaaraya 9-gudi ayaa kala ah

Related posts

Wasiir Fiqi oo ka hadlay guulaha laga gaaray sugidda amniga & xoojinta Xasillinta dalka

Wasiir Fiqi oo ka hadlay guulaha laga gaaray sugidda amniga & xoojinta Xasillinta dalka

April 22, 2026
Soomaaliya oo mar kale Xaqiijisay Taageeradeeda Midnimada Carabta

Soomaaliya oo mar kale Xaqiijisay Taageeradeeda Midnimada Carabta

April 22, 2026

1-Guddiga xeer hoosaadka iyo anshaxa

2- Guddiga dib u eegista Dastuurka iyo arrimaha gudaha

3- Guddiga garsoorka awqaafta iyo arrimaha diinta

4- Guddiga arrimaha bulshada

5- Guddiga Beeraha, Kheyraadka iyo Bii’ada

6- Guddiga dhaqaalaha iyo maaliyadda

7-Guddiga wadooyinka, Dekadaha iyo howlaha guud

8- Guddiga xuquuqul insaanka, Haweenka iyo arrimaha beni’aadanimada

9- Guddiga xuduudaha iyo amniga.

Dood dheer oo Baarlamanku ay ka yeesheen qaab dhismedka gudiyada ayaa ugu dambayn waxa ay ku ansixiyeen cod gacan taag ah

“Gudiyadu waa kala duwanyihiin maadama Xildhibaanada qaar maqanyihiin, guddiga xeer hoosaadka waxa uu ahaa 10-xubnood, gudiga Dastuurkuna waxa uu ahaa 10-xubnood, inta kalena waxa ay ahaayen min 9-xubnood,  Gudoomiyaashoodii way u dooranyihiin oo markii horaa midba meel laga keenay, iyadoo qolo walba ay u rabto inuu Gudomiye u noqdo, ku xigeenadii iyo xoghayntii, shaqada maanta sidaas ayay ahayd, Xildhibaanaduna si gacataag ah ayay ku ansixiyeen gudiyada, waxaana isku waafajinay gudi walba inay xaaladohooda ka soo tashadaan, kadibna la tusiyo xeerarka horyaal” ayuu yiri Guddoomiyaha baarlamaanka dowlad goboleedka Galmudug.

Meel marinta guddi hoosaadyada Baarlamanka ayaa ah talaabo muhiim ah, iyadoo guddi walbaa uu u howlgali doono qabashada waajibaadka horyaalla.

Previous Post

Dhalinyaro ku xanuunsan Xeryaah qaxootiga Dhadhaab oo codsaday in la caawiyo “SAWIRRO”

Next Post

Madaxweynaha Maamulka Koonfur Galbeed oo shacabka ka codsaday inay la shaqeeyaan ciidanka “SAWIRRO”

Next Post
Madaxweynaha Maamulka Koonfur Galbeed oo shacabka ka codsaday inay la shaqeeyaan ciidanka “SAWIRRO”

Madaxweynaha Maamulka Koonfur Galbeed oo shacabka ka codsaday inay la shaqeeyaan ciidanka “SAWIRRO”

Wasiir Fiqi oo ka hadlay guulaha laga gaaray sugidda amniga & xoojinta Xasillinta dalka

Wasiir Fiqi oo ka hadlay guulaha laga gaaray sugidda amniga & xoojinta Xasillinta dalka

April 22, 2026
0

Wasiirka Wasaaradda Gaashaandhigga Xukuumadda Federaalka Soomaaliya (XFS) Axmed Macallin Fiqi oo ka hadlay Madasha Qaran ee Isku Duwidda Xasilinta ayaa...

Soomaaliya oo mar kale Xaqiijisay Taageeradeeda Midnimada Carabta

Soomaaliya oo mar kale Xaqiijisay Taageeradeeda Midnimada Carabta

April 22, 2026
0

Wasiir Ku-xigeenka Wasaaradda Arrimaha Dibadda iyo Iskaashiga Caalamiga ah ee Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xasan Maxamed Cali ayaa Talaadadii ka...

Ethiopian Air Force says it killed 35 Al-Shabab militants in Somalia

In ka badan 30 ka tirsan Khawaarijta oo howlgallo lagu dilay

April 21, 2026
0

Ciidanka Hay’adda Sirdoonka iyo Nabadsugidda Qaranka (NISA), oo kaashanaya saaxiibada caalamka, ayaa howlgallo qorsheysan oo lagu dilay in ka badan...

Xafiiska Hantidhowraha oo bayaan soo saaray

Xafiiska Hantidhowraha oo bayaan soo saaray

April 21, 2026
0

Xafiiska Hantidhowrka Guud ee JFS waxa uu dadweynaha ku wargelinayaa in xogta rasmiga ah ee la xiriirta howlaha baarista, hantidhowrista,...

LIVE STREAM

KUBIIR ASXAABTEENNA

DHAGAYSO WARKA

Warka Subaxnimo

Warka Duhurnimo

Warka Fiidnimo

Facebook Twitter Telegram Instagram Youtube

TAARIIKHDA RAADIYAHA

Radio Muqdisho waxaa la aas aasay 1951 sagaal sano ka hor xorriyadda dalka, laga soo bilaabo 1960 ilaa maanta waa Raadiyaha kaliya ee Dalku leeyahay, wuxuuna leeyahay keyd weyn oo ay ku jirto taariikhda wadanka.

LASOO DEG APP-KEENA

Categories

  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

No Result
View All Result
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

Welcome Back!

Login to your account below

Forgotten Password?

Retrieve your password

Please enter your username or email address to reset your password.

Log In