Saturday, October 17, 2026
  • Nagu Saabsan
  • Nala Soo Xiriir
Radio Muqdisho
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir
  • Login
No Result
View All Result
Radio Muqdisho
Home Wararka

Ururka Hidda-dhoor oo ka qayb galay maalinta Dhaqamada Jaaliyadaha oo lagu qabtay dalka Belgium

Belgium

Shamis Hassan Harun by Shamis Hassan Harun
5 months ago
in Wararka
0
Ururka Hidda-dhoor oo ka qayb galay maalinta Dhaqamada Jaaliyadaha oo lagu qabtay dalka Belgium
0
SHARES
Share on FacebookShare on TwitterShare on WhatsAppShare on TelegramShare on LinkedIn

RADIO MUQDISHO:-Ururka Hidda Dhoor ayaa si weyn uga qeybgalay munaasabadda Maalinta Dhaqamada Jaaliyadaha ee lagu qabtay magaalada Kortrijk ee waddanka Belgium, halkaas oo lagu soo bandhigay hiddaha iyo dhaqamada kala duwan ee ay leeyihiin bulshooyinka ku nool magaaladaasi.

Ururka ayaa munaasabadda kusoo bandhigay ciyaaro dhaqameedyo, suugaan, heeso hidde iyo bandhigyo ka tarjumayay dhaqanka iyo taariikhda Soomaaliyeed, kuwaas oo si weyn u soo jiitay indhaha dadkii kasoo qeybgalay xafladda.

Related posts

Gurmad loo fidiyay dadkii ay daadadku ku saameeyeen Xarardheere

Gurmad loo fidiyay dadkii ay daadadku ku saameeyeen Xarardheere

October 17, 2026
Aqoon isweydaarsi ku saabsan warbaahinta oo xubno ka socda Wasaaradda Warfaafinta uga furmay dalka Shiinaha

Aqoon isweydaarsi ku saabsan warbaahinta oo xubno ka socda Wasaaradda Warfaafinta uga furmay dalka Shiinaha

October 17, 2026

Guddoomiyaha Ururka Hidda Dhoor, Cabdi Warsame, oo munaasabadda ka hadlay ayaa sheegay in ay muhiimad gaar ah leedahay ilaalinta hiddaha iyo dhaqanka Soomaaliyeed, gaar ahaan jiilasha ku koraya dalalka dibadda. Waxa uu xusay in munaasabaddan ay fursad muhiim ah u tahay in bulshada kale lagu baro dhaqanka, suugaanta iyo taariikhda Soomaalida.

Sidoo kale, guddoomiye ku xigeenka guud ee Jaaliyadda Soomaaliyeed ee waddanka Belgium, Xuseen  Xasan Xuseen, ayaa bogaadiyay dadaalka Ururka Hidda Dhoor iyo doorka muuqda ee ay ka qaadanayaan mideynta bulshada Soomaaliyeed iyo xoojinta isdhexgalka jaaliyadaha ku nool Belgium.

Dadkii kasoo qeybgalay munaasabadda ayaa si weyn u ammaanay bandhigga ay sameeyeen xubnaha Ururka Hidda Dhoor, iyagoo ku tilmaamay mid si qurux badan uga tarjumayay hodantinimada iyo bilicda dhaqanka Soomaaliyeed.

Previous Post

Ra’iisul Wasaare Ku-Xigeenka dalka oo Maka kula kulmay Dhaxal Sugaha Boqortooyada Sacuudiga

Next Post

Qorshe Mareykanku ku doonayo in Kenya xarun karantiil caafimaad looga dhiso oo muran badan ka dhaliyay Bariga Africa

Next Post
Qorshe Mareykanku ku doonayo in Kenya xarun karantiil caafimaad looga dhiso oo muran badan ka dhaliyay Bariga Africa

Qorshe Mareykanku ku doonayo in Kenya xarun karantiil caafimaad looga dhiso oo muran badan ka dhaliyay Bariga Africa

Gurmad loo fidiyay dadkii ay daadadku ku saameeyeen Xarardheere

Gurmad loo fidiyay dadkii ay daadadku ku saameeyeen Xarardheere

October 17, 2026
0

RADIO MUQDISHO:-Maamulka Degmada Xarardheere, oo uu ugu horreeyo Guddoomiyaha Degmada, Caseyr Ibrahim Mataan, iyo Ciidamada Xoogga Dalka Soomaaliyeed (XDS), ayaa...

Aqoon isweydaarsi ku saabsan warbaahinta oo xubno ka socda Wasaaradda Warfaafinta uga furmay dalka Shiinaha

Aqoon isweydaarsi ku saabsan warbaahinta oo xubno ka socda Wasaaradda Warfaafinta uga furmay dalka Shiinaha

October 17, 2026
0

RADIO MUQDISHO:-Tababar socon doona muddo 21 maalmood ah ayaa magaalada Jinhua ee gobolka Zhejiang, Jamhuuriyadda Shacabka Shiinaha, uga furmay 27...

Madaxweynd Xasan Sheekh oo kormeeray markabka shidaal-qodista Soomaaliya

Madaxweynd Xasan Sheekh oo kormeeray markabka shidaal-qodista Soomaaliya

October 17, 2026
0

RADIO MUQDISHO:-Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Xasan Sheekh Maxamuud ayaa kormeer shaqo ku tagay markabka Çağrı Bey, oo ku sugan...

WASIIRKA WARFAAFINTA XFS OO BOOQDAY BANDHIGGA SOM SOUK EXPO

WASIIRKA WARFAAFINTA XFS OO BOOQDAY BANDHIGGA SOM SOUK EXPO

October 15, 2026
0

Wasiirka Wasaaradda Warfaafinta, Dhaqanka iyo Dalxiiska Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Mudane Cabdifataax Qaasim Maxamuud ayaa caawa booqday bandhigga ganacsiga ee Som...

LIVE STREAM

KUBIIR ASXAABTEENNA

DHAGAYSO WARKA

Warka Subaxnimo

Warka Duhurnimo

Warka Fiidnimo

Facebook Twitter Telegram Instagram Youtube

TAARIIKHDA RAADIYAHA

Radio Muqdisho waxaa la aas aasay 1951 sagaal sano ka hor xorriyadda dalka, laga soo bilaabo 1960 ilaa maanta waa Raadiyaha kaliya ee Dalku leeyahay, wuxuuna leeyahay keyd weyn oo ay ku jirto taariikhda wadanka.

LASOO DEG APP-KEENA

Categories

  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

No Result
View All Result
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

Welcome Back!

Login to your account below

Forgotten Password?

Retrieve your password

Please enter your username or email address to reset your password.

Log In