Guddiga amniga ee degmada Xamar weyne ayaa maanta loo soo gabo gabeeyay tababar lagu baranayay xalinta qilaafaadka iyo dowlad wanaaga, kaasi oo ay ka qeyb galeen maamulka degmada, qeybaha kala duwan ee bulshada iyo marti sharaf kale.
Tababarka oo socday muddo 12 cisho ah ayaa lagu baranayay xalinta qilaafaadka iyo sida lagu xoojin karo dowlad wanaaga, la dagaallanka musuqmaasuqa, kaasi oo uu soo qaban qaabiyay maamulka degmada Xamar Weyne laguna qabtay xarunta Degmada Xamar weyne ee gobolka Banaadir.
Guddoomiyaha guddiga nabadda ee degmada Xamar weyne Cabdiqaadir Suufi Axmed ayaa sheegay in tababarkan uu faa’iido badan u leeyahay ka qeyb galayaasha, isla markaana looga fadhiyo inay ku shaqeeyaan waxyaabihii ay tababarka k afaa’iideysteen.
“Tababarkan waa mid loo baahnaa oo mudo dheer aan sugeynay waaye, aana ka soo shaqeeyay guddiga amniga oo ka kooban 15 xubnood ayaa loo qabtay” ayuu Cabdiqaadir Suufi.
Guddoomiye ku-xigeenka arrimaha bulshada degmada Xamar weyne Maxamuud Cali Xasan oo ka hadlay munaasabada ayaa ku guubaabiyay dadka ka faa iideystay siminaarka inay u badalaan si ficil ah
Gudoomiye ku-xigeenka arrimaha siyaasadda iyo amniga ee degmada Xamar weyne ee gobolka Banaadir oo gabagabadii munaasabada ka hadlay ayaa sheegay in siminaarada nuucaan oo kale ay wax weyn ka badali doonaan horumarka nabadda ee ka jirta dalka, isagoo intaa ku daray inay joogteen doonaan kuwa nuucaan oo kale.