Munaasabad loogu magacdaray soo nooleynta dhaqanka, hiddaha, farshaxanka iyo isdhexgalka bulshada ayna soo qaban qaabisaty wasaaradda warfaafinta, dhaqanka iyo dalkiisa ayaa markii labaad maanta lagu qabtay xarunta degmada Boondheere ee maagaalada Muqdisho.
Wasiirk ku xigeenka wasaaradda warfaafinta dhaqanka iyo dalxiiska mudane C/laahi Colaad Rooble, guddoomiye ku xigeenka arrimaha bulshada ee maamulka gobolka Banaadir Imaan Nuur Iikar, guddoomiyaha ururka haweenka gobolka Banaadir Jawaahir Baarqab, gudoomiyaha degmada Boondheere Qaasin C/le iyo dadweyne aad u farabadan ayaa ka qeybgalay xaflaaddaasi.
Munaasabadda ayaa lagu soo bandhigay heeso waddani ah oo ka hadlaya qiimaha dhaqankeena suuban, ciyaaro hiiddaha iyo dhaqanka ah oo kala duwan iyo farshaxanka, iyadoo dadweynihii ka qeybgalay xafladda ay aad ugu riyaaqeen una jecleysteen ciyaarahaasi.
Mudane C/laahi Colaad Rooble wasiir ku xigeenka wasaaradda warfaafinta dhaqanka iyo dalxiiska oo munaasabadda ka hadlay ayaa sheegay in ujeedada barnaamijkani uu yahay sidii loo soo nooleyn lahaa dhaqanka iyo hiddaheena Soomaaliya, islamarkaana loo abuuri lahaa jawi isdhexgalka bulshada ah, wuxuuna intaa ku daray in barnaamijkani uu soo socday muddo sadex bilood ah, isagoo tilmaamay in uu sii socon doono barnaamijkan lagu weyneynayo dhaqanka.
Imaan Nuur Ikar gudoomiye ku xigeenka arrimaha bulshada ee maamulka gobolka Banaadir iyo Jawaahir Baarqab oo ah gudoomiyaha ururka haweenka gobolka Banaadir ayaa wasaaradda warfaafinta ku amaanay dadaalka ay ugu jirto soo nooleynta dhaqanka iyo isdhexgalka bulshada, iyagoo muujiyay baahida loo qabo sii wadadi barnaamijyada noocan oo kale ah.
Barnaamijkan ayaa muddo sadex bilood ah ka socday gobolka Banaadir iyo labada shabeele, waana markii labaad ee lagu qabto degmada Boondheere.
Sawiqaade Cabdulaahi Muxudiin “Codka”