Friday, January 30, 2026
  • Nagu Saabsan
  • Nala Soo Xiriir
Radio Muqdisho
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir
  • Login
No Result
View All Result
Radio Muqdisho
Home Wararka

Shaqsiyaad bulshada u dhaq dhaqaaqa oo la abaar mariyay

Mohamed M Hassan by Mohamed M Hassan
10 years ago
in Wararka
0
Xoojinta amniga degmada Xamarweyne oo laga shiray “SAWIRRO”
0
SHARES
Share on FacebookShare on TwitterShare on WhatsAppShare on TelegramShare on LinkedIn

Ra’iisulwasaare ku-xigeenka dalka iyo xubno ka tirsan labada gole ee dowladda Soomaaliya ayaa maanta Muqdisho uga qeybgalay munaasabad lagu abaalmarinaayay shakhsiyaadka u ololeeya dadka tabaaleysan ee qaba baahida gaarka ah, sidii ay u heli lahaayeen adeegyo waxbarasho, caafimaad iyo mid shaqo.

Qaar ka mid ah mas’uuliyiinta ka hadlay goobta waxa ay sheegeen in dadka aan lixaadooda dhameystirneyn ay u baahanyihiin daryeel dhinac waliba leh, loona baahanyahay in dowladda ay u istaagto sidii dadka naafada ah ay u heli lahaayeen xaquuqda dadka aan lixaadooda dhameystirneyn.

Related posts

Guddiga Wasiiradda ee XFS ugu xilsaaran wadahadallada oo kulan la yeeshay Ururrada Siyaasadda

Guddiga Xukuumadda iyo Ururrada Siyaasadda oo War-saxaafadeed soo saaray

January 29, 2026
Guddiga Wasiiradda ee XFS ugu xilsaaran wadahadallada oo kulan la yeeshay Ururrada Siyaasadda

Guddiga Wasiiradda ee XFS ugu xilsaaran wadahadallada oo kulan la yeeshay Ururrada Siyaasadda

January 29, 2026

Wasiirka Haweenka iyo Xuquuqda aadanaha ee Xukuumadda Soomaaliya Sahro Maxamed Cali Samatar ayaa sheegtay in Wasaaraddu ay ku howlantahay dhameystirka sharciga xuquuqul insaanka, kaasi oo ay ku tilmaamtay inay ku cadahay xuquuqda dadka naafada ah.

Wasiirka Caafimaadka ee Xukuumadda Soomaaliya Drs Xaawo Xasan Maxamed ayaa hoosta ka xariiqday in isbitaallada dalka ay dhawaan gaarsiiyeen dawooyin loogu talagalay in loogu adeego bulshada Soomaaliyeed, gaar ahaan kuwooda tabaaleysan.

Ra’iisul wasaare ku-xigeenka Soomaaliya Mudane Maxamed Cumar Carte Qaalib ayaa bogaadiyay shaqsiyaadka abaalmarinta la guddoonsiiyay ee u taagnaa sidii walaalahood ay u heli lahaayeen waxa ay heystaan dadka kale ee lixaadooda dhameystirantahay.

“In dadka aan lixaadooda dhameystirneyn loo istaago oo wax loo qabto, waa mid waajib nagu ah, hooyinka ayaa inta badan dhibka dadka dhimirka la’ la qeybsada, marka waxaan dooneynaa in wixii aan ka qaban karno aan ka qabano, dadka kale arrimahan wax ka qaban karo, dhankooda ay u istaagaan, oo Wasiirka caafimaadka ay gacan ka geysato sidii dib loo furi lahaa isbitaalka dadka dhimirka la’.”ayuu yiri Ra’iisul wasaare ku-xigeenka

Shaqsiyaadka abaal marinta la guddoonsiiyay ayaa isugu jiray mas’uuliyiin ka tirsan dowladda iyo bulshada qeybaheeda kala duwan, kuwaasi oo ku muteystay dadaalka ay wax u qabashada

Previous Post

Madaxweynaha dowlad goboleedka Puntland oo furay shir wada tashi ah “SAWIRRO”

Next Post

Dhageyso Warka Habeen ee Radio Muqdisho

Next Post
Dhageyso Warka Habeennimo Ee Radio Muqdisho

Dhageyso Warka Habeen ee Radio Muqdisho

Guddiga Wasiiradda ee XFS ugu xilsaaran wadahadallada oo kulan la yeeshay Ururrada Siyaasadda

Guddiga Xukuumadda iyo Ururrada Siyaasadda oo War-saxaafadeed soo saaray

January 29, 2026
0

Guddiga Xukuumadda iyo Ururrada Siyaasadda ee ka qeyb qaatay doorashada goleyaasha deegaanka ee Qof iyo Cod ayaa kulankooda maanta ka...

Guddiga Wasiiradda ee XFS ugu xilsaaran wadahadallada oo kulan la yeeshay Ururrada Siyaasadda

Guddiga Wasiiradda ee XFS ugu xilsaaran wadahadallada oo kulan la yeeshay Ururrada Siyaasadda

January 29, 2026
0

Guddiga Wasiiradda ee XFS ugu xilsaaran wadahadallada ayaa maanta oo taariikhdu tahay Jannaayo 29, 2026 wadatashi layeeshay ururrada siyaasadda. Kulankan...

Ergada Dowladda Soomaaliya ee QM oo kulan casho sharaf ah u sameeyay diblomaasiyiin

Ergada Dowladda Soomaaliya ee QM oo kulan casho sharaf ah u sameeyay diblomaasiyiin

January 29, 2026
0

Ergada Dowladda Federaalka Soomaaliya ee Qaramada Midoobay ayaa munaasabad casho sharaf ah u qabatay Danjireyaasha iyo Diblomaasiyiinta ka howlgala Xarunta...

Muqdisho oo martigelinaysa Shirweynaha Qaran ee kaabayaasha Dijitaalka (DPI).

Muqdisho oo martigelinaysa Shirweynaha Qaran ee kaabayaasha Dijitaalka (DPI).

January 29, 2026
0

Wasaaradda Isgaarsiinta iyo Xafiiska Ra’iisul Wasaaraha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, oo kaashanaya hay'adaha kala ah: Bangiga Dhexe ee Soomaaliya (CBS), Hay’adda...

LIVE STREAM

KUBIIR ASXAABTEENNA

DHAGAYSO WARKA

Warka Subaxnimo

Warka Duhurnimo

Warka Fiidnimo

Facebook Twitter Telegram Instagram Youtube

TAARIIKHDA RAADIYAHA

Radio Muqdisho waxaa la aas aasay 1951 sagaal sano ka hor xorriyadda dalka, laga soo bilaabo 1960 ilaa maanta waa Raadiyaha kaliya ee Dalku leeyahay, wuxuuna leeyahay keyd weyn oo ay ku jirto taariikhda wadanka.

LASOO DEG APP-KEENA

Categories

  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

No Result
View All Result
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

Welcome Back!

Login to your account below

Forgotten Password?

Retrieve your password

Please enter your username or email address to reset your password.

Log In