Friday, December 19, 2025
  • Nagu Saabsan
  • Nala Soo Xiriir
Radio Muqdisho
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir
  • Login
No Result
View All Result
Radio Muqdisho
Home Wararka

Wasiir Maareeye iyo mas’uliyiin kale oo kormeeray xarun carruurta lagu daryeelo

Mohamed M Hassan by Mohamed M Hassan
10 years ago
in Wararka
0
Wasiir Maareeye: “3-da May awgeed waxaan hambalyo u dirayaa bahda saxaafadda Soomaaliyeed”
0
SHARES
Share on FacebookShare on TwitterShare on WhatsAppShare on TelegramShare on LinkedIn

Wasiirka Warfaafinta, dhaqanka iyo dalxiiska ee Xukuumadda Federaalka Soomaaliya oo ay waheliyaan safiirka dowladda Cumaan u qaabilsan geeska afrika iyo Jaziiradaha komoroos iyo mas’uuliyiin kale ayaa maanta booqday dugsiga hoose iyo dhexe ee loogu magac daray qoraagii Soomaaliyeed Allaha u naxriistee Dr Xuseen Sheeklh Axmed Kadarre oo hada ah xarun lagu dhaqan geliyo carruurta derba jiifka ah ee magaaladda Muqdisho oo taasoo ay aas-aastay marwada Madaxweynaha Sahro Cumar Xasan.

Mas’uuliyiintan ayaa kormeeray fasalada carruurtan ay wax ku bartaan iyo qeybaha kale ee lagu xanaaneeyo.

Related posts

Dadweynaha oo maanta oo Jimco ah fursad loo siiyay qaadashada kaarka codbixinta

Dadweynaha oo maanta oo Jimco ah fursad loo siiyay qaadashada kaarka codbixinta

December 19, 2025
Wasiirka Caafimaadka XFS oo booqday bukaanno loo qorsheeyay in loo qaado Masar

Wasiirka Caafimaadka XFS oo booqday bukaanno loo qorsheeyay in loo qaado Masar

December 19, 2025

Xaliimo Cabdulle Cali oo ah maamule ku-xigeenka xarunta ayaa mas’uuyliyiintii xarunta booqday waxa ay uga warbixisay xaaladaha ay carruurtan ku suganyihiin, iyadoo ugu baaqday dadka Soomaaliyeed gaar ahaan qurba joogta in carruurtan ay taageeraan.

“Caruurtan markii la keenayay xaaladaooda wey liidatay, hadana aad ayay u wanaagsan yihiin  oo waxa ay u egyihiin in waalidiintooda ay la joogaan,waxaan ugu baaqeynaa dadka Soomaaliyeed, gaar ahaan qurba joogta in caruurtan la taageero”ayay tiri Xaliimo.

Safiirka dowladda Cumaan u qaabilsan geeska afrika iyo Jaziiradaha Komoroos Abdalla Bin Mubarak Al Araimi ayaa sheegay in uu aad ugu farxay markuu arkay carruurta xaruntan lagu xanaaneeyo, sida ay u noolyihiin iyo waxbarashooda, isagoo tilmaamay in dowladda Cumaan ay sii wadi doonto taageerada ay siineyso shacabka Soomaaliyeed iyo dowladooda.

Wasiirka Warfaafinta, Dhaqanka iyo Dalxiiska Soomaaliya Mudane Maxamed Cabdi Xayir Maareeye ayaa uga mahadceliyay safiirka Cumaan kormeerka uu ku tagay xarunta carruurta derbi jiifka ah lagu xanaaneeyo, isagoo mahad gaar ah u jeediyay Marwada Madaxweynaha dalka oo xaruntasi dib u howlgelisay.

“Dowladda waxa ay hadda u jeesatay daryeelka carruurta Soomaaliyeed iyo sidoo kale maxaabaaiista oo hadda fursado sahqo abuuris ah iyo tababaro la siinayo, marka dowladda Cumaan aad ayay Soomaaliya u taageertaa” ayuu yiri Wasiir Maareeye.

Xaruntan oo lagu xanaaneeyo ku dhawaad 100 carruur oo ka mid ahaa kuwa derbi jiifka ah ee magaalada Muqdisho ayaa waxaa gacanta ku heysa ka warqabkooda Marwada Madxweynaha dalka Marwo Sahro Cumar Xasan, waxaana carruurta xaruntan ay ka helaan daryeel nololeed iyo mid waxbarasho.

Previous Post

Degmada Kaaraan oo laga hirgeliyay xarun wax lagu barayo agoon “SAWIRRO”

Next Post

Dhageyso warka duhur ee Radio Muqdisho

Next Post
Dhageyso Warka Habeennimo Ee Radio Muqdisho

Dhageyso warka duhur ee Radio Muqdisho

Dadweynaha oo maanta oo Jimco ah fursad loo siiyay qaadashada kaarka codbixinta

Dadweynaha oo maanta oo Jimco ah fursad loo siiyay qaadashada kaarka codbixinta

December 19, 2025
0

Maanta oo Jimco ah waxaa dadweynaha  fursad loo siiyay in ay qaataan kaarka codeynta,kaas oo si habsami leh uga socda...

Wasiirka Caafimaadka XFS oo booqday bukaanno loo qorsheeyay in loo qaado Masar

Wasiirka Caafimaadka XFS oo booqday bukaanno loo qorsheeyay in loo qaado Masar

December 19, 2025
0

Wasiirka Caafimaadka XFS Dr.Cali Xaaji Aadan Abuubakar iyo mas’uuliyiin kale ayaa xalay Cisbitaalka Degfeer ku booqday qoysa Soomaali ah oo...

Ciidanka Boliiska oo isu diyaariyay Xuska 82-aad ee ka soo wareegatay aas aaska Ciidanka

Ciidanka Boliiska oo isu diyaariyay Xuska 82-aad ee ka soo wareegatay aas aaska Ciidanka

December 19, 2025
0

Muqdisho(SONNA):-Booliska Soomaaliya oo diyaargarow ugu jira Xuska Sanad Guurada 82-aad ee kasoo wareegatay Aas Aaska Ciidanka Booliska Soomaaliyeed Taliyaha Ciidanka...

Wasiirka Amniga Gudaha Federaalka oo tababar u soo xiray gabdho ka tirsan Ciidanka Boliiska.

Wasiirka Amniga Gudaha Federaalka oo tababar u soo xiray gabdho ka tirsan Ciidanka Boliiska.

December 18, 2025
0

Wasiirka Amniga Gudaha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Cabdullaahi Sheekh Ismaaciil (Fartaag), ayaa maanta tababar usoo xiray gabdho ka tirsan Ciidanka...

LIVE STREAM

KUBIIR ASXAABTEENNA

DHAGAYSO WARKA

Warka Subaxnimo

Warka Duhurnimo

Warka Fiidnimo

Facebook Twitter Telegram Instagram Youtube

TAARIIKHDA RAADIYAHA

Radio Muqdisho waxaa la aas aasay 1951 sagaal sano ka hor xorriyadda dalka, laga soo bilaabo 1960 ilaa maanta waa Raadiyaha kaliya ee Dalku leeyahay, wuxuuna leeyahay keyd weyn oo ay ku jirto taariikhda wadanka.

LASOO DEG APP-KEENA

Categories

  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

No Result
View All Result
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

Welcome Back!

Login to your account below

Forgotten Password?

Retrieve your password

Please enter your username or email address to reset your password.

Log In