Saturday, July 12, 2025
  • Nagu Saabsan
  • Nala Soo Xiriir
Radio Muqdisho
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir
  • Login
No Result
View All Result
Radio Muqdisho
Home Wararka

Degmada Kaaraan oo laga hirgeliyay xarun wax lagu barayo agoon “SAWIRRO”

Mohamed M Hassan by Mohamed M Hassan
August 26, 2015
in Wararka
0
Degmada Kaaraan oo laga hirgeliyay xarun wax lagu barayo agoon “SAWIRRO”
0
SHARES
Share on FacebookShare on TwitterShare on WhatsAppShare on TelegramShare on LinkedIn

Xaruntan cusub oo lagu magacaabo Geesdiir foundation, looguna talagalay in wax lagu baro carruurta danta yar ee aan waalidintooda awoodin inay geeyaan goobaha waxbarashada ee sida gaarka ah loo leeyahay, gaar ahaan kuwa agoonta ayaa maanta laga hirgeliyay degmada Karaan, halkaasi oo ay ka qeyb galeen mas’uuliyiin ka tirsan maamulka degmada, qeybaha bulshada iyo xubno kale.

Caasho Cumar Geesdiir Guddoomiyihii hore ee Ururka Haweenka Qaranka oo hirgelisay xaruntan ayaa sheegtay inay wax lagu bari doono carruurta iyo haweenka ka soo jeeda qoysaska danta yar, iyadoo xustay inay isugu jirto Dugsi Hoose iyo dhexe oo ka kooban shan fasal, ayna wax ku baran doonaan 90 arday.

Related posts

Ciidamada Nabad Sugidda NISA oo horjoogayaal iyo maleeshiyaad ku beegsaday gobolka Shabeellaha Dhexe

Ciidamada Nabad Sugidda NISA oo horjoogayaal iyo maleeshiyaad ku beegsaday gobolka Shabeellaha Dhexe

July 12, 2025
Ku xigeenka madaxweynaha Galmudug iyo Guddoomiyaha SODMA oo yeeshay kulan muhiim ah

Ku xigeenka madaxweynaha Galmudug iyo Guddoomiyaha SODMA oo yeeshay kulan muhiim ah

July 12, 2025

Guddoomiye ku-xigeenka Arrimaha bulshada ee degmada Karaan Cabdiqaadir Axmed Maxamed ayaa sheegay in kan maamul ahaan ay la shaqeyn doonaan maamulka Xaruntan, waxaana uu Caasho uga mahadceliyay sida ay u garab taagantahay dadka tabaaleysan.

Xaruntan cusub ee laga hirgeliyay degmada Kaaraan, ayaa waxa ay wax weyn ka tari doontaa wax u qabashada carruurta aan nasiibka u yeelan inay waalidiintooda ay geeyaan goobaha waxbarashada ee sida gaarka ah loo leeyahay.

DSC02613 DSC02620 DSC02623 DSC02639 DSC02641 DSC02643 DSC02644 DSC02651 DSC02654 DSC02656 DSC02657 DSC02660 DSC02664 DSC02665 DSC02669 DSC02694 DSC02700 DSC02705 DSC02712 DSC02725 DSC02733 DSC02735 DSC02736 DSC02737 DSC02738 DSC02741 DSC02742 DSC02745

 

Sawir Qaade:- Farxaan Suleymaan Daahir

Previous Post

Dhageyso Warka Subax ee Radio Muqdisho

Next Post

Wasiir Maareeye iyo mas’uliyiin kale oo kormeeray xarun carruurta lagu daryeelo

Next Post
Wasiir Maareeye: “3-da May awgeed waxaan hambalyo u dirayaa bahda saxaafadda Soomaaliyeed”

Wasiir Maareeye iyo mas’uliyiin kale oo kormeeray xarun carruurta lagu daryeelo

Ciidamada Nabad Sugidda NISA oo horjoogayaal iyo maleeshiyaad ku beegsaday gobolka Shabeellaha Dhexe

Ciidamada Nabad Sugidda NISA oo horjoogayaal iyo maleeshiyaad ku beegsaday gobolka Shabeellaha Dhexe

July 12, 2025
0

Ciidamada Hay’adda Sirdoonka iyo Nabadsugidda Qaranka (NISA) ayaa qaaday howlgallo qorsheysan oo ka dhacay deegaanno dhowr ah oo ka tirsan...

Ku xigeenka madaxweynaha Galmudug iyo Guddoomiyaha SODMA oo yeeshay kulan muhiim ah

Ku xigeenka madaxweynaha Galmudug iyo Guddoomiyaha SODMA oo yeeshay kulan muhiim ah

July 12, 2025
0

Guddoomiyaha Hay’adda Maareynta Musiibooyinka Qaranka (SoDMA), Mudane Maxamuud Macallin Cabdulle, ayaa xarunta dhexe ee hay’adda ku qaabilay Madaxweyne Ku-xigeenka Dowlad...

Madaxweyne Xasan Sheekh oo la kulmay dhiggiisa dalka Turkiga

Madaxweyne Xasan Sheekh oo la kulmay dhiggiisa dalka Turkiga

July 12, 2025
0

Madaxweynaha JFS Mudane Dr. Xasan Sheekh Maxamuud , oo booqasho ku joogo dalka Turkiga, ayaa maanta xarunta madaxtooyada dalkaas kula...

Wasiirka Isgaarsiinta XFS oo Geneva kaga qayb galay shir Caalami ah

Wasiirka Isgaarsiinta XFS oo Geneva kaga qayb galay shir Caalami ah

July 12, 2025
0

Wasiirka Wasaaradda Isgaarsiinta iyo Tiknoolajiyada JFS, Mudane Maxamed Axmed Aadan Macalin, ayaa magaalada Geneva ee dalka Switzerland kaga qaybgalay kulanka...

LIVE STREAM

KUBIIR ASXAABTEENNA

DHAGAYSO WARKA

Warka Subaxnimo

Warka Duhurnimo

Warka Fiidnimo

Facebook Twitter Telegram Instagram Youtube

TAARIIKHDA RAADIYAHA

Radio Muqdisho waxaa la aas aasay 1951 sagaal sano ka hor xorriyadda dalka, laga soo bilaabo 1960 ilaa maanta waa Raadiyaha kaliya ee Dalku leeyahay, wuxuuna leeyahay keyd weyn oo ay ku jirto taariikhda wadanka.

LASOO DEG APP-KEENA

Categories

  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

No Result
View All Result
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

Welcome Back!

Login to your account below

Forgotten Password?

Retrieve your password

Please enter your username or email address to reset your password.

Log In