Tuesday, August 26, 2025
  • Nagu Saabsan
  • Nala Soo Xiriir
Radio Muqdisho
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir
  • Login
No Result
View All Result
Radio Muqdisho
Home Wararka

Maxkamadda Ciidamada Qalabka Sida Ee Gobolka Hiiraan Oo Xukuno Kale Duwan Riday

Abdirahman Gacaltooyo by Abdirahman Gacaltooyo
August 27, 2015
in Wararka
0
0
SHARES
Share on FacebookShare on TwitterShare on WhatsAppShare on TelegramShare on LinkedIn

Maxkamadda Ciidamada Qalabka sida Xafiiskeeda Gobolka Hiiraan oo dacwad ciqaabeed loo heystay 9 eedeysane oo la horgeeyay maxkamadda ayaa xukuno kale duwan lagu riday, iyadoo qareeno u doodayay eedeysanayaashaasi iyo xafiiska xeer ilaaliyaha ay dood kulul ku dhexmartay halka maxkamada ay ka socotay.

Intaasi kaddib  ayaa xafiiska xeer ilaalinta waxa uu soo bandhigay cadeymo muujinaya in ay eedeeeysanayaasha ay galeeen dambiyada lagu soo oogay  waxaana guddoomiyaha maxkamada ciidamada qalabka sida xafiiskeeda gobolka Hiiraan C/casiis Cabdulaahi Xasan uu ku dhawaaqay xukunadani.

Related posts

Ra’iisul Wasaare Xamsa oo gaaray dalka Shiinaha

Ra’iisul Wasaare Xamsa oo gaaray dalka Shiinaha

August 25, 2025
Guddoomiyaha Hay’adda SoDMA oo qaabilay Mas’uuliyiin ka tirsan Hirshabeelle

Guddoomiyaha Hay’adda SoDMA oo qaabilay Mas’uuliyiin ka tirsan Hirshabeelle

August 25, 2025

“Maalintii taariikhda ay aheyd 11. 08. 2015,  maxkamada  ciidamada qalabka sida waxa ay u fariisatay eedii loo heystay eedeysane Mahad  Maxamed  Xuseen  26 jir ah ina xaawo xuseen  ku dhashay degan Xaafadda Nuur Xawaad  kaasi oo xafiiska xeer ilaalinta ku soo eedeysay in uu dilay taariikhdu markii ay aheyd  17.07. 2015  2-da marxuum  oo lagu magacaabi jiray  Cali Shuuriye Jimcaale iyo  C/ qaadir Cismaan  Ceymooy,   dood dheer kadib markii ay maxkamada aragtay  eedii uusoo jeediyay xeer lilaaliyaha maxkamada ciidamada qalabka sida ee gobolka hiiraan  kuna xusneed  aayada 178 suuratu  Al Baqra  oo lala akhriyo qodobka  xeerka ciqaabta  ciidamada qalabka sida  markii ay dhageysatay  qiraalkii eedeysanaha  uu maxkamada ka hor qirtay  in uu dilay marxuumiinta kala ahaa  Cabdi Shuuriye Jimcaale  iyo  C/qaadir Cismaan Ceeymooy, sidaasi darteed waxaa markamada u cadaatay in gacan ku dhiigle Mahad Maxamed Xuseen uu galay dambiga lagu soo eedeeyay, waxaana ay maxkamadu ku xukuntay dil toogasho ah”.

Eedeysanayaasha soo haray ee 8-da ah ayaa waxaa lagu kala sida soo socota  Cawaale Maxamed Faarax iyo Mowliid Maxamed Wehliye  oo horey  dil u geystay waxaa ay maxkamadu ku xukuntay  in ay bixiyaan diyo dhan min boqol halaad oo geel ah,  Axmed Maxamed Cabdi oo ka tirsanaa maleeshiyaadka UGUS ayaa lagu xukumay sedex sano oo Xabsi Ciidan ah,   sidoo kale  Dalmar Makaraan Cabdi oo lagu eedeeyay  burcad nimo  ayaa maxakamada waxa ay ku xukuntay 1 sano  oo xabsi ciidan ah  Maxamed  Faarax Jimcaale oo lagu soo eedeeyay  burcadnimo  ayaa waxa ay ku xukuntay  2 sano oo xabsi ah  iyo in  uu bixiyo 450 dolar uu horey u dhacay, Cabduqaadir Cabdulle Salaad iyo Cali Xaashi Shire oo lagu helay iyagoo daraagis ku dhex iibinaya xero ciidan ayaa waxa ay maxkamadu ku xukuntay hal sano oo xabsi Ciidan ah.

 

Previous Post

Maamulka Galmudug Iyo Ahlusunna Waljameeca Oo Heshiis Ku Kala Saxiixday Cadaado

Next Post

Golaha Wasiirada oo kulankoodii joogtada ahaa kaga hadlay qodobo kale duwan

Next Post
Golaha Wasiirada oo kulankoodii joogtada ahaa kaga hadlay qodobo kale duwan

Golaha Wasiirada oo kulankoodii joogtada ahaa kaga hadlay qodobo kale duwan

Ra’iisul Wasaare Xamsa oo gaaray dalka Shiinaha

Ra’iisul Wasaare Xamsa oo gaaray dalka Shiinaha

August 25, 2025
0

Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Xamsa Cabdi Barre, ayaa gaaray dalka Shiinaha, halkaas oo uu uga qayb gali...

Guddoomiyaha Hay’adda SoDMA oo qaabilay Mas’uuliyiin ka tirsan Hirshabeelle

Guddoomiyaha Hay’adda SoDMA oo qaabilay Mas’uuliyiin ka tirsan Hirshabeelle

August 25, 2025
0

Guddoomiyaha Hay’adda Maareynta Masiibooyinka Qaranka SoDMA, Mudane Maxamuud Macallin Cabdulle, ayaa maanta xarunta dhexe ee hay’adda kulan kula qaatay Masuuliyiin...

War-murtiyeedka shirka Madaxda DFS iyo Madasha Samatabixinta

War-murtiyeedka shirka Madaxda DFS iyo Madasha Samatabixinta

August 25, 2025
0

Iyadoo la tixgelinayo muhiimadda midnimada Qaran, xasilloonida siyaasadeed iyo dowlad-wanaagga loo dhan yahay, isla markaana mudnaanta la siinayo geedisocodka dowlad-dhiska...

Guddoomiyaha Hay’adda SoDMA oo kaalmo lacag ah ku wareejiyay Gudiga Gurmadka abaaraha Gobolka

Guddoomiyaha Hay’adda SoDMA oo kaalmo lacag ah ku wareejiyay Gudiga Gurmadka abaaraha Gobolka

August 24, 2025
0

Guddoomiyaha Hay’adda Maareynta Masiibooyinka Soomaaliyeed (SoDMA), Mudane Maxamuud Macalin, ayaa shir jaraa’id oo uu ku qabtay xarunta SoDMA, lacag dhan...

LIVE STREAM

KUBIIR ASXAABTEENNA

DHAGAYSO WARKA

Warka Subaxnimo

Warka Duhurnimo

Warka Fiidnimo

Facebook Twitter Telegram Instagram Youtube

TAARIIKHDA RAADIYAHA

Radio Muqdisho waxaa la aas aasay 1951 sagaal sano ka hor xorriyadda dalka, laga soo bilaabo 1960 ilaa maanta waa Raadiyaha kaliya ee Dalku leeyahay, wuxuuna leeyahay keyd weyn oo ay ku jirto taariikhda wadanka.

LASOO DEG APP-KEENA

Categories

  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

No Result
View All Result
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

Welcome Back!

Login to your account below

Forgotten Password?

Retrieve your password

Please enter your username or email address to reset your password.

Log In