Wednesday, January 7, 2026
  • Nagu Saabsan
  • Nala Soo Xiriir
Radio Muqdisho
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir
  • Login
No Result
View All Result
Radio Muqdisho
Home Wararka

Carwada caalamiga ah ee buugaagta Muqdisho oo maanta la soo gebagebeeyay

Abdirahman Gacaltooyo by Abdirahman Gacaltooyo
10 years ago
in Wararka
0
Carwada caalamiga ah ee buugaagta Muqdisho oo maanta la soo gebagebeeyay
0
SHARES
Share on FacebookShare on TwitterShare on WhatsAppShare on TelegramShare on LinkedIn

Waxaa maanta lasoo gaba gabeeyay Carwaada Caalamiga ah ee Buugaagta Muqdisho oo Caasimada dalka ka socotay labadii maalin ee lasoo dhaafay waxaana ka qeybgalay xafalada lagusoo xirayay Bandhiga Buugaagta Wasiirka Amniga gudaha Xukuumada Somaaliya Mudane Cabdirisaaq Cumar Maxamed,Xildhibaano katirsan Baarlamanka Jamhuuriyada Somaaliya ,Gudoomiyihii hore ee Gobolka Banaadir Maxamuud Axmed Nuur Tarsan ,qorayaashii Buugaagta soo bandhigayay iyo Boqolaal dadweyne ah oo u badnaa aqoonyahano iyo Arday wax kabarta Jaamacadaha Muqdisho.

Intii uu socday Bandhiga Buugaagta ee 25-sano kadib lagu qabtay Muqdisho ayaa waxaa lagusoo bandhigay Buugaag kala duwan oo ay qoreen qorayaal Somaaliyeed islamarkaana ka hadlaya arimo ay kamid yihiin Ganacsiga,siyaasadda,dhaqanka, iyo hormarinta Af-Somaaliga waxaana la arkayay dadweyne farabadan oo iibsanaya buugaagtaasi.

Related posts

Taliska Booliska Oo Soo Saaray Digniin Ka Dhan Ah Been Abuur Ku Saabsan Imtixaanaadka Sanad Dugsiyeedka 2019/2020

Taliska Booliska oo war ka soo saaay fowdo ka dhacday Deyniile

January 7, 2026
Taliyaha Ciidanka xoogga dalka oo kormeeray deegaanka Gandershe

Taliyaha Ciidanka xoogga dalka oo kormeeray deegaanka Gandershe

January 6, 2026

Qaar kamid ah Qorayaashii ka qeybgalay Carwada Caalamiga ah ee Buugaagta ee maanta lasoo gabagabeeyay ayaa warbahainta Qaranka u faahfahaiyay nuucyada buugaagta ay diyaariyeen iyo muhiimada ay bulshada u leeyihiin.

Gudoomiyihii hore ee Gobolka Banaadir Maxamuud Axmed Nuur Tarsan ayaa  bogaadiyay Bandhiga Buugaagta ee lagu qabtay Caasimada Muqdisho wuxuuna sheegay in Bandhigaasi uu guul uga dhigan yahay dadka Somaaliyeed.

Qoraaga Axmed Faarax Cali idaajaa oo isagana Book kusoo bandhigay Carwada Caaalamaiga ee bugaagta Muqdisho ayaa mar uu munaasabadda ka hadlayay soo qaatay Maah-maahyo iyo sheekooyin soojiitay ka qeybgalayaahsa xafladda wuxuuna intaasi kadib soojeediyay in lagu dadaalo ilaalinta Af-Somaaliga.

Wasiirka Amniga Gudaha Xukuumada Somaaliya Mudane Cabdirisaaq Cumar Maxamed oo kamid ahaa dadkii Buugaagta ka iibsaday Carwada ayaa sheegay in Magaalada Muqdisho lagu qabto bandhiga Buugagata ay sabab u tahay isbedelka dhinaca Amniga ah ee laga sameeyay Caasimadda.

Bandhiga Caalamiga ah ee Buugaagta Muqdisho oo furitaankiisa uu ka qeybgalay Madaxweynaha Jamhuuriyada Somaaliya Mudane Xasan Sheikh Maxamuud islamarkaana lagusoo Bandhigay Buugaag farabadan oo ay qoreen Qorayaal Somaaliyeed oo isaga kala yimid gudaha dalka iyo Dibadda ayaa maanta lasoo gaba gabeeyay waxayna tani tusaale u tahay hormaraka kajiro Caasimada Muqdisho

 

Previous Post

Maamulka degmada C/casiis oo deeq xoolo ah gaarsiiyay caruurta ku jirta xarunta Dr. Kadare “Sawirtro”

Next Post

Akhriso magacyada golaha Wasiirada Dowlad Gobaleedka G.Mudug Oo Gor dhaw lagu Dhawaaqay+Sawirro

Next Post
Akhriso magacyada golaha Wasiirada Dowlad Gobaleedka G.Mudug Oo Gor dhaw lagu Dhawaaqay+Sawirro

Akhriso magacyada golaha Wasiirada Dowlad Gobaleedka G.Mudug Oo Gor dhaw lagu Dhawaaqay+Sawirro

Taliska Booliska Oo Soo Saaray Digniin Ka Dhan Ah Been Abuur Ku Saabsan Imtixaanaadka Sanad Dugsiyeedka 2019/2020

Taliska Booliska oo war ka soo saaay fowdo ka dhacday Deyniile

January 7, 2026
0

Taliska Ciidanka Booliska Soomaaliyeed wuxuu Bulshada Soomaaliyeed u xaqiijinayaa in maanta oo ay Taariikhdu tahay 06-01-2026 Abaaro 10:55am Subaxnimo Xaafad...

Taliyaha Ciidanka xoogga dalka oo kormeeray deegaanka Gandershe

Taliyaha Ciidanka xoogga dalka oo kormeeray deegaanka Gandershe

January 6, 2026
0

Taliyaha Ciidanka Xoogga Dalka Sareeye Gaas Odawaa Yuusuf Raage ayaa booqasho shaqo ku tagay Degaanka Gandarshe oo Khawaarijta dhibaato weyn...

Guddoomiyaha Midowga Afrika iyo Wasiiru-dowlaha Arrimaha dibada Imaaraadka oo ka shiray qadiyadda Soomaaliya

Guddoomiyaha Midowga Afrika iyo Wasiiru-dowlaha Arrimaha dibada Imaaraadka oo ka shiray qadiyadda Soomaaliya

January 6, 2026
0

Guddoomiyaha Ururka Midowga Afrika, Maxamuud Cali Yuusuf, iyo Sheekh Shakhboot bin Nahyan Al Nahyan, Wasiiru-Dowlaha Arrimaha Dibadda ee Isu-tagga Imaaraadka...

Golaha Nabadda ee Midowga Afrika oo si adag u cambaareeyay xadgudubka Israiil

Golaha Nabadda iyo Amniga ee Midowga Afrika oo saaray bayaan ka dhan ah xadgudubka Israiiil ee dalkeenna

January 6, 2026
0

Golaha Nabadda iyo Amniga ee Midowga Afrika ayaa soo saaray bayaan ka kooban dhowr qodob. Goluhu wuxuu si adag uga...

LIVE STREAM

KUBIIR ASXAABTEENNA

DHAGAYSO WARKA

Warka Subaxnimo

Warka Duhurnimo

Warka Fiidnimo

Facebook Twitter Telegram Instagram Youtube

TAARIIKHDA RAADIYAHA

Radio Muqdisho waxaa la aas aasay 1951 sagaal sano ka hor xorriyadda dalka, laga soo bilaabo 1960 ilaa maanta waa Raadiyaha kaliya ee Dalku leeyahay, wuxuuna leeyahay keyd weyn oo ay ku jirto taariikhda wadanka.

LASOO DEG APP-KEENA

Categories

  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

No Result
View All Result
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

Welcome Back!

Login to your account below

Forgotten Password?

Retrieve your password

Please enter your username or email address to reset your password.

Log In