Sunday, May 10, 2026
  • Nagu Saabsan
  • Nala Soo Xiriir
Radio Muqdisho
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir
  • Login
No Result
View All Result
Radio Muqdisho
Home Wararka

Waxqabadka maamulka dowladda hoose ee Gaalkacyo oo la taageeray

Mohamed M Hassan by Mohamed M Hassan
11 years ago
in Wararka
0
Shir looga hadlayay amniga oo lagu qabtay Gaalkacyo
0
SHARES
Share on FacebookShare on TwitterShare on WhatsAppShare on TelegramShare on LinkedIn

Mas’uuliyiin iyo Xildhibaano ka tirsan Dowlad Gobaleedka Galmudug ayaa ka qeyb galay kulan lagu taageerayay waxqabadka maamulka Dowladda hoose ee Galkacyo, kaasoo lagu qabtay xarunta Gobalka Mudug ee Galkacyo.

Kulankaan oo ahaa mid lagu taageerayay waxqabadka maamulka dowlada hoose ee dagmada Galkacyo ee dowlad gobaleedka Soomaaliyeed Galmudug ayaa waxaa ka qeyb galay mas’uuliyiin iyo Xildhibaanno ka tirsan dowlad gobaleedka Galmudug iyo boqalaal ruux oo ka kala socday bulshada qeybahooda kala duwan ee ku nool magaalada Galkacyo.

Related posts

DAAWO SAWIRRO:-Qabanqaabada doorashooyinka qof iyo cod ee gobolka Bakool

DAAWO SAWIRRO:-Qabanqaabada doorashooyinka qof iyo cod ee gobolka Bakool

May 10, 2026
Taliska Booliska Soomaaliyeed oo wargelin iyo digniin amni soo saaray

Taliska Booliska Soomaaliyeed oo wargelin iyo digniin amni soo saaray

May 10, 2026

Ugu horeyna waxaa kulanka ka hadlay qaar ka mid ah bulshadii  iyo mas’uuliyiintii kulanka ka soo qeybgalay  kuwaasoo soo dhaweeyay waxqabadka muuqda ee maamulka dagmada Gaalkacyo ka sameeyeen magaalada Galkacyo labadii sano ee u danbeeysay, kuwaasoo ay ka mid ahaayeen hirgelinta xarumo kala duwan oo kuwa adeega bulshada, dhismaha waddooyinka iftiiminta magaalada xiliyada habeenkiiya iyo hagaajinta bilicda iyo arrimo kale

Xildhibaan Maxamed Cabdiqaadir Xaashi oo ku hadlayay magaca mudanayaashii ka qeyb galaya kulanka ayaa sheegay in wax weyn xiligani ay iska badaleen dhanka horumarka iyo bilicda magaalada Galkacyo labadii sano ee u danbeeysay, taasoo ay ku amaananyihiin maamulka dowladda Hoose, isagoo dhanka kalena ugu baaqay bulshadu iney ka qeyb qaataan dhismaha dalkooda, isla markaana ay noqdaan kuwa canshuurta bixiya.

“Waxaan bogaadinayaa bilicda iyo horumarka magaalada Gaalkacyo, waxaana rajeeynayaa inuu noqdo horumar ku baaha guud ahaan deegaanada Galmudug, waxaana hubaal ah in muwaadin loo aqoonsanyahay qofkii canshuur bixiya, kana qeyb qaata horumarinta dalka, sidii dalkeenu u dhismo aan bixino canshuurta” ayuu yiri Xildhibaanka.

Ugu danbeeyna duqa magaalada Galkacyo Mudane Bile Diini Cali oo kulanka ka hadlay ayaa uga mahadceliyay bulshada Gaalkacyo doorkii ay ka qaateen in ay qabsoomaan waxyaabo badan, isagoo dhinaca kale ka dhawaajiyay in weli ay wax badan dhimanyihiin loona baahan yahay in aan la daalin, shacabkuna ay ku gacan siiyaaan dhameeystirka waxyaabaha dhiman ee la higsanayo.

 

Previous Post

Uruurka  Marwo oo deeq lacag ah ku wareejiyay haweeney xanuunsan “SAWIRRO”

Next Post

Baarlamaanka oo ka dooday sharciga shaqaalaha ajaanibta ah

Next Post
Kulanka Baarlamaanka oo su’aalo lagu weydiiyay wasiirka Maalliyadda

Baarlamaanka oo ka dooday sharciga shaqaalaha ajaanibta ah

DAAWO SAWIRRO:-Qabanqaabada doorashooyinka qof iyo cod ee gobolka Bakool

DAAWO SAWIRRO:-Qabanqaabada doorashooyinka qof iyo cod ee gobolka Bakool

May 10, 2026
0

RADIO MUQDISHO(BAKOOL):-Shacabka deegaannada Koonfur Galbeed ayaa saaka u dareeray goobaha codbixinta loo asteeyay, si ay uga qayb galaan doorashada golayaasha...

Taliska Booliska Soomaaliyeed oo wargelin iyo digniin amni soo saaray

Taliska Booliska Soomaaliyeed oo wargelin iyo digniin amni soo saaray

May 10, 2026
0

RADIO MUQDISHO:-Ciidanka Booliiska Soomaaliyeed, gaar ahaan Booliiska Gobolka Banaadir ayaa wargelin iyo digniin amni ka soo saaray bannaan baxa ka...

MADAXWEYNE XASAN SHEEKH OO KA QAYB GALAY CALEEMO-SAARKA MADAXWEYNAHA JABUUTI

MADAXWEYNE XASAN SHEEKH OO KA QAYB GALAY CALEEMO-SAARKA MADAXWEYNAHA JABUUTI

May 10, 2026
0

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xasan Sheekh Maxamuud ayaa ka qayb galay munaasabadda caleemo-saarka Madaxweynaha dib loo doortay ee Jamhuuriyadda...

Ra’iisul Wasaare Xamse oo xafiiskiisa ku qaabilay Danjiraha Qatar ee Soomaaliya

Ra’iisul Wasaare Xamse oo xafiiskiisa ku qaabilay Danjiraha Qatar ee Soomaaliya

May 9, 2026
0

RADIO MUQDISHO:-Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Xamsa Cabdi Barre, ayaa maanta xafiiskiisa ku qaabilay Danjiraha Dawladda Qatar u...

LIVE STREAM

KUBIIR ASXAABTEENNA

DHAGAYSO WARKA

Warka Subaxnimo

Warka Duhurnimo

Warka Fiidnimo

Facebook Twitter Telegram Instagram Youtube

TAARIIKHDA RAADIYAHA

Radio Muqdisho waxaa la aas aasay 1951 sagaal sano ka hor xorriyadda dalka, laga soo bilaabo 1960 ilaa maanta waa Raadiyaha kaliya ee Dalku leeyahay, wuxuuna leeyahay keyd weyn oo ay ku jirto taariikhda wadanka.

LASOO DEG APP-KEENA

Categories

  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

No Result
View All Result
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

Welcome Back!

Login to your account below

Forgotten Password?

Retrieve your password

Please enter your username or email address to reset your password.

Log In