Shirkaan oo ay soo qaban qaabisay Wasaaradda arrimaha dastuurka ee Xukumadda Soomaaliya ayaa looga hadlayey doorka ururadda bulshadda Soomaaliyeed ay ka qaadan karaanΒ geedi socondkaΒ Β dib-u-eegista Dastuurka KMG ah,Β waxaanaΒ loo qabtay qaar ka mid ahΒ ururadda bulshada rayidka, kuwaa oo kala yimid Β maamul goboleedyadaΒ dalka sida Puntland,Β Jubba, Koonfur galbeed,Β Galmudug iyo gobollada Banaadir iyo Shabeelaha Dhexe.Β ,
Shirka wadatashiga ahΒ oo socon doonoΒ mudo labo cisho ah ayaa waxaa furitaankiisa ka qayb galay ku-simaha Madaxweynaha dalka ahna Guddoomiyaha Barlamaanka Soomaaliya Mudane Maxamed Sheekh Cismaan Jawaari, xubno ka tirsan labada gole ee dowladda Soomaaliya, Guddiga madaxa banaanΒ ee dib u eegista dastuurka dalka.
Wasiirka Wasaaradda arrimaha dastuurka Xukumadda Soomaaliya Mudane Xuseen Maxamuud Sheekh XuseenΒ oo ugu horeyn ka hadalay shirka ayaa sharaxay sababtaΒ shirkaan looga qabtay ururadda bulshada Rayidka Soomaaliyeed doorka ay ka qaadan karaanΒ hanankaΒ dib u egista dastuurka.
βUjeedka waxa uu yahay in dastuurka uu noqdo mid ay Soomaali leedahay, oo rayiga dadweyaha ku dhisan, Xukumadda Soomaaliya waxaa ka goβan in qofkasta oo Soomaaliyeed la dhageysto fikirkiisa meelkasta oo uu joogo, maantana waxaan u fadhinaa in aan dhageysano kii bulshada rayidkaβ ayuu yiri Wasiirka Dastuurka.
Guddomiye ku-xigeenkaΒ gudigaΒ la soconka dastuurka eeΒ BarlamaankaΒ XildhibaanΒ Ibraahim Saalax dayfullah iyoΒ Guddomiye ku-xigeenkaΒ Guddiga madax banaan ee dib u eegista dastuurka Maxamed Cabdalla ayaa si wada jir ah u sheegay inΒ ay diyaariyeenΒ qorshe lagu Β hirgelinayoΒ dib u eegista dastuurkaΒ Soomaaliya.
Guddoomiyaha Barlamaanka ahnaΒ kusimaha Madaxweynaha Mudane Maxamed Sheekh Cismaan Jawaari Β oo furay shirkaΒ looga hadalayey doorka ururadda bulshadda rayidka ay ka qadan karaanΒ dib u eegistaΒ dastuurka KMG AH ayaaΒ tilmaamay in ay muhiimΒ tahay in kaalin ku yeeshanΒ ururadda bulshadda rayidka hananka loomarayo dib u eegista Dastuurka.
βUrurrada bulshada waxa ay ka midyihiin shacabka, Β shacabka oo dhan lama wada gaari karo, sidaas darteed idinku waxaad tihiin dadkii u dhexeeyay shacabka iyo Madaxda, ilaa iyo inta laga gaarayo afti dadweyne, waxaa muhiim ah in la heli tallooyinkii ee ku aadan dib u eegista dastuurkaβ ayuu yiri Prof Jawaari.
Ku-simaha Madaxwayanaha dalkaΒ oo qaar ka mid ah ururadda bulshada rayidka ay waydiinayeenΒ SuβalloΒ badan oo la xariiraΒ dib u eegista dastuurka dalka ayaaΒ hoosta ka xariiqay in si dadka Soomaaliyeed u bartaan dastuurkooda dowladda Soomaaliya ayΒ u marin doonto Warbaahinta, gaar ahaan idaaacadaha.































































