Heshiiskan ay gaaren beela walaalo ah oo wada daga deeganada hoos yimaada degmada Warsheekh Gobalka Shabeelaha Dhaxe, kuwaaso mudooyinkii lasoo dhafay dhexmartay dirir ayaa heshiiskasi waxaa kasoo shaqeeyay maamulka gobalka Shabelaha Dhaxe, odayaal dhaqmeed iyo Xildhibanada ka soo jeeda deeganadasi,
Munaasabad lagu soo gaba gabeynayay wada hadalka in muda ah soo socday oo ay ku heshiiyen beelahaasi lagu qabtay Degmada Warsheekh, iyadoo ay kasoo qeyb galeen Xilibaanno ka tirsan Barlamanka Soomaaliya, maamulka gobalka Shabeelaha Dhaxe, maamulka gobalka Banaadir waxgarad, Culimaa’udiin iyo dadweyne aad u tira badan oo watay boorar ay ku xardhanyihiin Nabaddu waa furaha nolasha iyo astaanta Calanka Jamhuuriyadda Soomaaliya, kuwaso goob joog ka ahaa heshiiskasi,
Inta ay munaasabada socotay ayaa bar baarta gaashaaman waxey goobta ku soo bandhigeen cayaaro ka turjumayo hidaha iyo dhaqanka iyo ahmiyadda ay leedahay in la xoojiyo nabad galyada iyo horumarka gobalka,
Guddoomiyaha gobalka Shabeelaha dhexe Mudane Cali Cabdulaahi Xuseen “Cali Guudlaawe” ayaa u mahadceliyay beelihi heshiiska nabadeed wada gaaren iyo cidkasto kaalin ka qaadatay heshiiskani.
Guddoomiyaha gobalka Banaadir ahna Duqa magaalada Muqdisho Mudane Xasan Maxamed Xusen “Muungaab” oo ka mid ah mus’uuliyinti ka qeyb gashay munaasabada ayaa tilmaamay in mamaulka goblka Banaadir uu ku faraxsan yahay nabadda iyo horumarka ka jira Shabeelaha dhaxe oo daris la ah Muqdisho.
Xildhiban Cabdiraxmaan Ibraahim Cali Shiiraar oo ka mid ah Xildhibaanada Barlamaanka Soomaaliya waxuu ugu baaqay beelaha heshiiska wada gaaray in la xoojiyo hashiiska nabadeed isla markaana laga foogado waxkasto uu dib u dhigayo Midnimada Ummadda Soomaaliyeed.
Hadaba qodobada lagu heshiiyay waxaa ka mid ah.
- In la soo celiyo walaaltinimadii labada beel ee Walaalaha ah, waxey ku heshiiyeen ay is cafiyan oo ay ka toobad keenaan wixii horey u dhacay.
- In lasoo celiyo Walaalnimadi iyo diris nimadii ka dhaxeysay labada beelod ee walaalaha ah.
- In labada beelood ay si nabadgelyo ah u wada dagaan oo ay ku wada noolaadaan nabadda.
- In la isaga garaabo qasaarihi ka dhashay waxyaabihii sababay gacan ka hadalka.
- Qodobada heshiiska waxaa saldhig u ah shareecada Islaamka, laguna dhaqi doono ciddii xadgudub la timaado, sida qofkii qof dila in loo dilo sida ay qabto shareecada Islaamka.
Sawir Qaade:- Jabiiba