Maryan Cismaan Jimcaale waa gabar 8-sano jir ah oo la xanuunsaneysa Kansar sanka uga dhacay kadibna kusii fiday mid kamid indheheeda, waxa ay ku sugantahay xaalad halis ah oo dhaqaatiirtu ay sheegeen inaan wax looga qaban karin gudaha dalka oo ay u baahantahay in dibadda loo qaado.
Qof kastoo arka Maryan waa hubaal inuu ka naxayo xaaladda ay ku jirto balse, waalidiinteeda waxa ay sugayaan in mar unย la caawiyo si loo badbaadiyo Nolosha gabadhooda yar ee xanuunsan.
Nimco Cismaan Tifow oo ah hooyada dhashay gabadha dhibaateysan ayaa u sheegtay Warbaahinta Qaranka in gabadhan ay xanuunsaneyso muddo dhan sanad iyo bar, isla markaana iyadu aysan awoodin inay dibadda u qaaddo, maadaama loo sheegay inaan wax looga qaban karin isbitaalada ku yaalla gudaha dalka.
โXanuunkan wuxuu ku bilaawday dhiig sanka ay ka keentay mudo sanad iyo bar ah ayay sidana tahay habeenkii ma hurudo, dhaqtar kasta markaan geeynana waxa ay la i dhahay dalka wax malooga qabaan karo, marka Ummadda Muslimiinta waxaan ka codsanayaa inay isoo gagaraan si dibadda gabadhana loogu qaadoโayay tiri Hooyo Nimco.
Dr Saciid Xuseen Geeddi oo ka tirsan Isbitaalka Cismaan Fiqhi ayaa inoo sheegay inay baaritaan Caafimaad ku sameeyeen Maryan Cismaan oo ah gabadha xanuunsaneysa ay ku ogaadeen inay ku jirto xaalad qatar ah, sidaasi darteedna uu ka codsanayo cidkastoo gacansiin karta inay ka caawiyaan sidii dalka dibadiisa loogu qaadi lahaa.
Guddoomiye ku xigeenka Hay’ada Culimada Somaaliyeed Sheekh Nuur Baaruud Gurxan oo ka hadlay xanuunka haya Maryan Cismaan Jimcaale oo ah kansarka sanka uga bilowday oo markii dambe ku fiday mid kamid ah indheheeda ayaa Sheekhu wuxuu ugu baaqay dadka Somaaliyeed inay caawiyaan gabadhan xanuunsan.
Hadaba cid Allaale iyo ciddii daneyneysa inay wax u qabato gabadhan yar waxa ay ugu hagaagi karaan telefonka laga helo Hooyo Nimco Cismaan Tifow 0025261-5-512813