Friday, July 24, 2026
  • Nagu Saabsan
  • Nala Soo Xiriir
Radio Muqdisho
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir
  • Login
No Result
View All Result
Radio Muqdisho
Home Wararka

Wasiir Ceynte “Waxaa hadda la sameeyay hanaan wadatashi ah oo sadex bolood socondoona”

Abdirahman Gacaltooyo by Abdirahman Gacaltooyo
11 years ago
in Wararka
0
Wasiir Ceynte “Waxaa hadda la sameeyay hanaan wadatashi ah oo sadex bolood socondoona”
0
SHARES
Share on FacebookShare on TwitterShare on WhatsAppShare on TelegramShare on LinkedIn

Wasaaradda Qorsheynta ayaa sheegtay iney socdaan kulamo wadatashi ah oo laga qeybgelinayo siyaasiyiin iyo qeybaha kala duwan ee bulshada.

Wasiirka wasaaradda Qorsheynta mudane C/raxmaan Yuusuf Cali Ceynte oo la hadlay laanta Afka Soomaaliga ee VOA ayaa sheegay in kulamadaasi wadatashiga ah looga arrinsanayo qaabka loo wajahayo hiigsiga 2016-ka.

Related posts

Madaxda Hay’adda SoDMA oo kulan la qaatay bahda Caafimaadka

Madaxda Hay’adda SoDMA oo kulan la qaatay bahda Caafimaadka

July 23, 2026
Wafdi uu hogaaminayo Musharraxa Hoggaamiyaha Galmudug oo gaaray Degmada Baxdo

Wafdi uu hogaaminayo Musharraxa Hoggaamiyaha Galmudug oo gaaray Degmada Baxdo

July 23, 2026

“Waxaa hadda la sameeyay hanaan wadatashi ah oo sadex bolood socondoona bilaananna doona kowda September kuna eg 30-ka November  , waxaana wadatashigaasi ka qeybgelidoona xukuumadda, baarlamanka, maamul goboleedyada bulshada rayidka ah iyo qurbajoogta, intaasi waxey ka wadatashan doonaa maadaama aney hal qof iyo hal cod aysan suurtagal aheyn in wixii suuragal ah miiska si wadajir ah loo saaro” ayuu yiri mudane C/raxmaan yuusuf Cali Ceynte wasiirka Qorsheynta.

Wasiirka oo hadalkiisa sii wata ayaa hoosta ka xariiqay in wixii ka soo baxa wadatashigaasi la soo bandhigi doono bisha Decembar,  isagoo xusay in xilligaasi wixii ka dambeeya la hirgelindoono natiijada ka soo baxda wadashagaasi ee la xiriirta qaabka ay u dhicidoonto doorshada sanadka 2016-ka.

Previous Post

Madaxweynaha Soomaaliya oo gaaray magaalada Milano ee dalka Talyaaniga “Sawirro”

Next Post

Ciidamada XDS iyo kuwa AMISOM oo gacanta ku soo dhigay maleeshiyaad ka tirsan Shabaab

Next Post
Ciidanka XDS oo howlgallo kula wareegay deegaanno ka tirsan galbeedka gobolka Hiiraan

Ciidamada XDS iyo kuwa AMISOM oo gacanta ku soo dhigay maleeshiyaad ka tirsan Shabaab

Madaxda Hay’adda SoDMA oo kulan la qaatay bahda Caafimaadka

Madaxda Hay’adda SoDMA oo kulan la qaatay bahda Caafimaadka

July 23, 2026
0

Hay’adda Maareynta Masiibooyinka Qaranka Soomaaliyeed (SoDMA) ayaa maanta kulan la yeelatay bahda caafimaadka dalka oo isugu jira Hay’addaha caafimaadka dowladda...

Wafdi uu hogaaminayo Musharraxa Hoggaamiyaha Galmudug oo gaaray Degmada Baxdo

Wafdi uu hogaaminayo Musharraxa Hoggaamiyaha Galmudug oo gaaray Degmada Baxdo

July 23, 2026
0

Wafdi ballaaran oo uu hoggaaminayo Musharraxa Hoggaamiyaha Galmudug, Mudane Liibaan Axmed Xasan, ayaa maanta gaaray Degmada Baxdo ee Gobolka Galgaduud....

Golaha Wasiirrada oo ansixiyay Hindise-Sharciyeedka Dhaqanka iyo Farshaxanka

Golaha Wasiirrada oo ansixiyay Hindise-Sharciyeedka Dhaqanka iyo Farshaxanka

July 23, 2026
0

Golaha Wasiirrada Xukuumadda Federaalka Soomaaliya ayaa maanta ansixiyay Hindise-Sharciyeedka Dhaqanka iyo Farshaxanka, oo ay soo diyaarisay Wasaaradda Warfaafinta, Dhaqanka iyo...

Wasiirka Amniga XFS oo daah-furay Barnaamijka Iskaashiga Dhismaha iyo Xoojinta Amniga Xuduudaha

Wasiirka Amniga XFS oo daah-furay Barnaamijka Iskaashiga Dhismaha iyo Xoojinta Amniga Xuduudaha

July 23, 2026
0

Wasiirka Wasaaradda Amniga Gudaha ee Dowladda Federaalka Soomaaliya, Janaraal Cabdullaahi Sheekh Ismaaciil (Fartaag), ayaa maanta si rasmi ah u daah-furay...

LIVE STREAM

KUBIIR ASXAABTEENNA

DHAGAYSO WARKA

Warka Subaxnimo

Warka Duhurnimo

Warka Fiidnimo

Facebook Twitter Telegram Instagram Youtube

TAARIIKHDA RAADIYAHA

Radio Muqdisho waxaa la aas aasay 1951 sagaal sano ka hor xorriyadda dalka, laga soo bilaabo 1960 ilaa maanta waa Raadiyaha kaliya ee Dalku leeyahay, wuxuuna leeyahay keyd weyn oo ay ku jirto taariikhda wadanka.

LASOO DEG APP-KEENA

Categories

  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

No Result
View All Result
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

Welcome Back!

Login to your account below

Forgotten Password?

Retrieve your password

Please enter your username or email address to reset your password.

Log In