Munaasibad manta lagu qabtay Machad loogu talagalay in Dadka soomaaliyeed ee Sanadka gudanaya waajibaadka Xajka lagu baro Acmaasha looga baahanyahay ayaa lagu qabtay Magaalada Muqdisho.
Xarunta oo 26-kii bishii Ramadaan laga furay magaalada muqdisho ayaa waxaa Xujeyda soomaaliyeed Duruus la xiriirta Wajibaadka Xajka barayay Mashaaiq Soomaaliyeed oo si weyn looga yaqaano gudaha dalka iyo dibaddiisa.
Qaar kamid ah dadka Machadkaasi wax ku bartay maalmihii koobnaa ee uu furnaa ayaa aad ugu mahadnaqay Culimada soomaaliyeed ee howshaasi isku xil-qaamay iyagoo sheegay in waxbadan ay faaiideysteen.
Sh Maxamuud Sh Ibraahiim Suuley oo kamid ah culimada gacanta ku heystay Machadkaasi ayaa ka dhawaajiyay in maanta la soo xiray goobtaasi ayna dadbadan oo soomlaaiyeed ku fahamsiiyeen waajibaaka Xajka iyo dariiqyada looga baahanyahay in ay raacaan Xujeyda.
“goobtaan sida aad la socotaan dad badan ayaa siyaabo kala duwan u fasirtay,waad arkeysaan in aan burburineyno waxyaabihii aan dadka ku tusaaleeneynay si aan faham qaldan aan loo faafin,waana banantahay shareecada islaamka marka loo eego dalal badan oo islaam ah ayaana sidan oo kale sameeya”sidaasi waxaa yiri sh Maxamuud Sh Ibraahim Suuley.