Saturday, February 28, 2026
  • Nagu Saabsan
  • Nala Soo Xiriir
Radio Muqdisho
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir
  • Login
No Result
View All Result
Radio Muqdisho
Home Wararka

Wafdi uu hogaaminayo Wasiirka Gaashaandhigga oo maanta la kulmay shacabka Ceelbuur “SAWIRRO”

Mohamed M Hassan by Mohamed M Hassan
10 years ago
in Wararka
0
Wafdi uu hogaaminayo Wasiirka Gaashaandhigga oo maanta la kulmay shacabka Ceelbuur “SAWIRRO”

User comments

0
SHARES
Share on FacebookShare on TwitterShare on WhatsAppShare on TelegramShare on LinkedIn

September 5, 2015….Wasiirka Gaashaandhigga Somaaliya Mudane Cabdiqaadir Sheekh Cali Diini, oo ay wehliyaan Wasiiru dawlaha Dastuurka Xasan Maxamed Jimcaale, Xildhibaannno tirsan baarlaamanka Federaalka ah, Madaxweynaha maamulka KMG ah ee Galmudug Mudane Cabdikariin Xuseen Guuleed, xubno ka tirsan Maamulka Galmudug iyo Saraakiisha AMISOM  ayaa maanta gaaray degmada Ceelbuur ee gobolka Galguduud, halkaasoo ah magaalo taariikh weyn leh, isla markaana ay muddooyinkii ugu danbeeyey go’doomiyeen kooxaha nabadda diidan.

Wasiirka Gaashaandhigga iyo Wafdiga la socday ayaa ugu horeyn salaan sharaf ka qaatay cutubyo ka tirsan ciidamada Qaranka iyo kuwa AMISOM, iyagoo  kulan la qaatay saraakiisha ciidamada, kaa oo looga hadlayay xaaldaha amaanka, nolosha dadka iyo guud ahaan sidii loo horumarin lahaa.

Related posts

Mareykanka iyo Israa’iil oo weerar duqaymo ah ka gaystay Iiraan

Mareykanka iyo Israa’iil oo weerar duqaymo ah ka gaystay Iiraan

February 28, 2026
Ciidanka Xoogga Dalka oo hawlgal amni xaqiijin ah ka fuliyay qaybo kamid ah bariga Hiiraan

Ciidanka Xoogga Dalka oo hawlgal amni xaqiijin ah ka fuliyay qaybo kamid ah bariga Hiiraan

February 28, 2026

Degmada Ceelbuur oo mudo labo sanno ah gacantooda ka maqan Argagaxisada Al-Shabaab ayaa dadkii ku noolaa waxay ku suganyihiin meel duleedka ka ah kaddib markii ay Al-Shabaab ceelasha biyaha kala baxeen Bamkii biyaha kasoo saarayay, taasina ay keentay in dadku ay aadaan goobo ay biyo nadiif ah ka helaan.

Madaxweynaha Galmudug Cabdikariin Xuseen Guuleed ayaa sheegay in maamulkiisu ka shaqayn doono sidii deegaanka u heli lahaa adeegyada muhiimka ah, isagoo balan qaaday in si deg deg ah loo howl-gelin doono  matoorkii Biyaha siin jiray magaalada. AMISOM iyo Dawladduna wadajir uga shaqayn doonaan sidii ay dib ugu soo laaban lahaayeen dadkii magaalada isaga cararay.

Wasiirka Gaashaandhigga Soomaaliya Jeneraal Cabdiqaadir Sheekh Cali Diini ayaa sheegay in Ceelbuur ay tahay magaalo leh ilbaxnimo iyo xadaarad fog, haddana lagu dadaali doono sidii loo soo celin lahaa wax soo saarka degmada. Wasiirku  wuxuu mar kale ku celiyay in loo baahan yahay in dhallinyarada Shabaab xubnaha ka ah, hadday ka tanaasulaan fikirkas cafinayo dib laguu abuuri doono nolol anfacda.

“Ceelbuur waa magaalo taariikh weyn leh isla-markaana ay ku yaalaan goobo dhisnaa ku dhawaad 100 sanadood waxeyse xiligan u baahantahay in wax badan ay u qabtaan dadkeedu. Dawladda Soomaaliya waxaa ka go’an in shacabka Ceelbuur ay  nabad ku noolaadaan isla markaana helaan nolol lamid ah mida ay haystaan deegaanada kale, waxaan idiin sheegayaa in  dhawaan deegaanka la keeni doono Ciidamo dheeraad ah si ay gacan uga geystaan sugidda nabad galyada kuwii hore ee joogayna la tayayn doono.” ayuu yiri  Wasiir Diini.

Wasiirka ayaa walaac ka muujiyay xaaladda adag ee ku sugan yihiin shacabka Ceelbuur, wuxuna baaq u direy Hay’adaha Caalamka iyo dadka deegaanka ka soo jeeda in ay gacan deg deg ah u fidiyaan dadka dhibayaasha u ah cadowga Ummada Soomaaliyeed ee Al-shabaab, isagoo dadweynihii uu la kulmay gaar siiyey salaan uu ka wadey madaxda Qaranka.

—-DHAMMAAD—-

User comments

User comments

User comments

User comments

User comments

User comments

User comments

User comments

User comments

User comments

User comments

User comments

User comments

IMG_3530 IMG_3540 IMG_3607 IMG_3632 IMG_3639 IMG_3648 IMG_3650 IMG_3673 IMG_3684

Previous Post

Madaxweynaha Dowlad goboleedka Puntland oo daahfuray sanad dugsiyeedka Jaamacadda Global “SAWIRRO”

Next Post

Nuxurka Bayaankii Guddoomiye Jawaari Ee Mooshinka Madaxweynaha: FAALLO

Next Post
Guddoomiyaha Baarlamanka F. S. oo la kulmay saraakiisha ciidanka Booliiska Soomaaliyeed

Nuxurka Bayaankii Guddoomiye Jawaari Ee Mooshinka Madaxweynaha: FAALLO

Mareykanka iyo Israa’iil oo weerar duqaymo ah ka gaystay Iiraan

Mareykanka iyo Israa’iil oo weerar duqaymo ah ka gaystay Iiraan

February 28, 2026
0

RADIO MUQDISHO:-Israa’iil ayaa sheegtay inay gantaal ku weerartay Iiraan, halka sarkaal Mareykan ah uu u sheegay Al Jazeera in Mareykanku...

Ciidanka Xoogga Dalka oo hawlgal amni xaqiijin ah ka fuliyay qaybo kamid ah bariga Hiiraan

Ciidanka Xoogga Dalka oo hawlgal amni xaqiijin ah ka fuliyay qaybo kamid ah bariga Hiiraan

February 28, 2026
0

RADIO MUQDISHO(HIIRAAN):-Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliyeed ayaa maanta fuliyay howlgal qorsheysan oo ka dhacay bariga gobolka Hiiraan, kaas oo qayb ka...

Safaaradda Soomaaliya ee Kenya oo kulan Afurin ah ku qabatay xarunta Safaaradda ee magaalada Nairobi

Safaaradda Soomaaliya ee Kenya oo kulan Afurin ah ku qabatay xarunta Safaaradda ee magaalada Nairobi

February 28, 2026
0

RADIO MUQDISHO(NAIROBI):-Safaaradda Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya ee Nairobi ayaa martigelisay  Cashadii Sannadlaha ahayd ee Afurka, taas oo xalay lagu qabtay Xarunta...

Dowladaha Soomaaliya iyo Sacuudiga oo ku heshiiyay xoojinta xiriirka labada Dowladood

Dowladaha Soomaaliya iyo Sacuudiga oo ku heshiiyay xoojinta xiriirka labada Dowladood

February 28, 2026
0

RADIO MUQDISHO:-Wasiiru Dowlaha Arrimaha Dibadda iyo Iskaashiga Caalamiga, Mudane Cali Cumar, ayaa kulan la qaatay Wasiirka ku xigeenka Arrimaha Dibadda...

LIVE STREAM

KUBIIR ASXAABTEENNA

DHAGAYSO WARKA

Warka Subaxnimo

Warka Duhurnimo

Warka Fiidnimo

Facebook Twitter Telegram Instagram Youtube

TAARIIKHDA RAADIYAHA

Radio Muqdisho waxaa la aas aasay 1951 sagaal sano ka hor xorriyadda dalka, laga soo bilaabo 1960 ilaa maanta waa Raadiyaha kaliya ee Dalku leeyahay, wuxuuna leeyahay keyd weyn oo ay ku jirto taariikhda wadanka.

LASOO DEG APP-KEENA

Categories

  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

No Result
View All Result
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

Welcome Back!

Login to your account below

Forgotten Password?

Retrieve your password

Please enter your username or email address to reset your password.

Log In