Munaasabadani oo abaalmarino lagu guddoonsiinayay dhallinyaro ku guuleysatay tartan kubadda cagta ah oo ka socday magaalada Muqdisho ayaa waxaa ka qeyb galay Wasiirka dhalinyarada iyo cayaaraha, qeybaha bulshada, iyadooย tartankasi ay siwada jir ah u soo qaban qaabiyeenย kooxda banaadir Club iyo Midowga Ardayda Jaamacadaha dalka, laguna qabtay Muqdisho .
Abuukar Maxmed Sheekh ย guddoomiyaha Naadiga Banaadir Club ayaa ugu horeyntii faah faahiyay muhiimadda cayaaraha uu bulshada u leeyahay iyo kaalintooda.
โMaanta farxad ayaay ii tahay in aan hortiina soo istaago, anigoo ku hadlaya kooxda Banaadir Isboortis club oo kamid ah qaban qaabayasha tartankan,ย hadii aan faah faahin yer idin ka siiyo kooxda waxaa la aas aasy 1993 waxay ka qeyb qaadatay tartamo badan oo gudaha iyo kuwa heer caalami ah.โayuu yiri Abuukar.
Guddoomiyaha Midowga Ardayda Jaamacadaha ayaa dhiiro geliyay kaalinta dhallinyarada ee ku aadan horumarka dalka.
โWaxaan rabaa in maanta dadkanย madashan fadhiya u faah faahiyo , Midowga Ardayda Jaamacadaha, majirto cid gooni ah ama qolo gooni ah oo ku taageerta howshan, Midowga Ardayda Jaamacadaha way soo dhaweyneynaan in la dhiiri geliyo tartamada nuucaani oo kale ahโ ayuu yiri Guddoomiyaha Midowga Jaamacadaha.
Guddoomiyaha Ururka Haweenka Qaranka Batuulo Sheekh Axmed Gabale ayaa sheegtay in isku duubnida bulshada ay tahay mid horumar lagu gaari karo, waxaana ay ku boorisay inay xoojiyaan ka qeyb qaadashada horumarka dalka.
Wasiirka dhallinyarada iyo cayaaraha Xukuumadda Soomaaliya Mudane Maxmedย Cabdullaahi Xasan Nuux ayaa si weyn uga hadlay kaalinta isboortiga uu ku leeyhaya isdhexgalka iyo horumarka buslhada
โDadkan dhallinyaradan wanaagsan oo is xilqaankooda ay ku keneen munaasabadda waan ugu hambaliyaynaynaa, aragtidiina waxay bedeli kartaa oo aad yareysanaynsaa Soomaaliya oo dhan, waxaa sidoo kale laga hadlay Stadium Muqdisho waan ku tala jirnaa in aan qiimeyno qorshayasha lagu dhisayo.โayuu yiri Wasiirka Isboortiga.
Ugu dambeyntii waxaa abaalmarino lacageed laguddoonsiiyay ardaydii Jaamacadaha Jamhuuriya iyo Al-Imra oo kaalimo hore ka galay tartanka isboortiga.
Sawir Qaade:-Maxamed Cabdullaahi Maxamed