Monday, May 19, 2025
  • Nagu Saabsan
  • Nala Soo Xiriir
Radio Muqdisho
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir
  • Login
No Result
View All Result
Radio Muqdisho
Home Wararka

Wasiirka Isboortiga oo ka qeyb galay xaflad abaalmarino lagu guddoonsiinayay dhallinyaro “SAWIRRO”

Mohamed M Hassan by Mohamed M Hassan
September 6, 2015
in Wararka
0
Wasiirka Isboortiga oo ka qeyb galay xaflad abaalmarino lagu guddoonsiinayay dhallinyaro “SAWIRRO”
0
SHARES
Share on FacebookShare on TwitterShare on WhatsAppShare on TelegramShare on LinkedIn

Munaasabadani oo abaalmarino lagu guddoonsiinayay dhallinyaro ku guuleysatay tartan kubadda cagta ah oo ka socday magaalada Muqdisho ayaa waxaa ka qeyb galay Wasiirka dhalinyarada iyo cayaaraha, qeybaha bulshada, iyadoo  tartankasi ay siwada jir ah u soo qaban qaabiyeen  kooxda banaadir Club iyo Midowga Ardayda Jaamacadaha dalka, laguna qabtay Muqdisho .

Abuukar Maxmed Sheekh  guddoomiyaha Naadiga Banaadir Club ayaa ugu horeyntii faah faahiyay muhiimadda cayaaraha uu bulshada u leeyahay iyo kaalintooda.

Related posts

Madaxweynaha JFS oo maanta Baqdaad uga qeyb-gali doona meertada 34aad ee Shirka Jaamacadda Carabta

Madaxweynaha JFS oo maanta Baqdaad uga qeyb-gali doona meertada 34aad ee Shirka Jaamacadda Carabta

May 17, 2025
Wasiirka Arrimaha Dibadda Soomaaliya oo kulan la qaatay dhiggiisa dalka Masar 

Wasiirka Arrimaha Dibadda Soomaaliya oo kulan la qaatay dhiggiisa dalka Masar 

May 16, 2025

“Maanta farxad ayaay ii tahay in aan hortiina soo istaago, anigoo ku hadlaya kooxda Banaadir Isboortis club oo kamid ah qaban qaabayasha tartankan,  hadii aan faah faahin yer idin ka siiyo kooxda waxaa la aas aasy 1993 waxay ka qeyb qaadatay tartamo badan oo gudaha iyo kuwa heer caalami ah.”ayuu yiri Abuukar.

Guddoomiyaha Midowga Ardayda Jaamacadaha ayaa dhiiro geliyay kaalinta dhallinyarada ee ku aadan horumarka dalka.

“Waxaan rabaa in maanta dadkan  madashan fadhiya u faah faahiyo , Midowga Ardayda Jaamacadaha, majirto cid gooni ah ama qolo gooni ah oo ku taageerta howshan, Midowga Ardayda Jaamacadaha way soo dhaweyneynaan in la dhiiri geliyo tartamada nuucaani oo kale ah” ayuu yiri Guddoomiyaha Midowga Jaamacadaha.

Guddoomiyaha Ururka Haweenka Qaranka Batuulo Sheekh Axmed Gabale ayaa sheegtay in isku duubnida bulshada ay tahay mid horumar lagu gaari karo, waxaana ay ku boorisay inay xoojiyaan ka qeyb qaadashada horumarka dalka.

Wasiirka dhallinyarada iyo cayaaraha Xukuumadda Soomaaliya Mudane Maxmed  Cabdullaahi Xasan Nuux ayaa si weyn uga hadlay kaalinta isboortiga uu ku leeyhaya isdhexgalka iyo horumarka buslhada

“Dadkan dhallinyaradan wanaagsan oo is xilqaankooda ay ku keneen munaasabadda waan ugu hambaliyaynaynaa, aragtidiina waxay bedeli kartaa oo aad yareysanaynsaa Soomaaliya oo dhan, waxaa sidoo kale laga hadlay Stadium Muqdisho waan ku tala jirnaa in aan qiimeyno qorshayasha lagu dhisayo.”ayuu yiri Wasiirka Isboortiga.

Ugu dambeyntii waxaa abaalmarino lacageed laguddoonsiiyay ardaydii Jaamacadaha Jamhuuriya iyo Al-Imra oo kaalimo hore ka galay tartanka isboortiga.

IMG_1010 IMG_1011 IMG_1012 IMG_1015 IMG_1016 IMG_1017 IMG_1021 IMG_1022 IMG_1026 IMG_1027 IMG_1028 IMG_1030 IMG_1031 IMG_1036 IMG_1037 IMG_1040 IMG_1043 IMG_1045 IMG_1046 IMG_1049 IMG_1050 IMG_1051 IMG_1052 IMG_1053 IMG_1055 IMG_1056 IMG_1058 IMG_1059 IMG_1061 IMG_1064 IMG_1067 IMG_1069 IMG_1072 IMG_1076 IMG_1077 IMG_1084 IMG_1085 IMG_1087 IMG_1089 IMG_1100 IMG_1106 IMG_1107 IMG_1108 IMG_1109 IMG_1111 IMG_1116 IMG_1117 IMG_1125 IMG_1134

Sawir Qaade:-Maxamed Cabdullaahi Maxamed

 

 

Previous Post

Madaxweynaha Soomaaliya oo dib ugu soo laabtay Dalka

Next Post

Dhageyso Warka Subax ee Radio Muqdisho

Next Post
Dhageyso Warka Habeennimo Ee Radio Muqdisho

Dhageyso Warka Subax ee Radio Muqdisho

Madaxweynaha JFS oo maanta Baqdaad uga qeyb-gali doona meertada 34aad ee Shirka Jaamacadda Carabta

Madaxweynaha JFS oo maanta Baqdaad uga qeyb-gali doona meertada 34aad ee Shirka Jaamacadda Carabta

May 17, 2025
0

RADIO MUQDISHO: Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xasan Sheekh Maxamuud ayaa maanta magaalada Baqdaad ee caasimadda dalka Ciraaq kaga qaybgali...

Wasiirka Arrimaha Dibadda Soomaaliya oo kulan la qaatay dhiggiisa dalka Masar 

Wasiirka Arrimaha Dibadda Soomaaliya oo kulan la qaatay dhiggiisa dalka Masar 

May 16, 2025
0

Wasiirka Arrimaha Dibadda iyo Iskaashiga Caalamiga ah ee Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Cabdisalaan Cabdi Cali, ayaa Khamiistii kulan-doceed kula yeeshay...

Guddoomiyaha golaha shacabka BJFS oo shir guddoomiyay kulanka guddiga joogtada ah

Guddoomiyaha golaha shacabka BJFS oo shir guddoomiyay kulanka guddiga joogtada ah

May 15, 2025
0

Kulanka Guddiga Joogtada ee Golaha Shacabka Baarlamaanka Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya ayaa ka dhacay xarunta guddoonka iyo guddiyada ee Villa Hargeysa....

Madaxweynaha JFS oo dhagax dhigay dhismaha cusub ee Wasaaradda Dhallinyarada 

Madaxweynaha JFS oo dhagax dhigay dhismaha cusub ee Wasaaradda Dhallinyarada 

May 15, 2025
0

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Dr. Xasan Sheekh Maxamuud, ayaa maanta dhagax-dhigay dhismaha cusub ee Wasaaradda Dhallinyarada iyo Isboortiga, xilli...

LIVE STREAM

KUBIIR ASXAABTEENNA

DHAGAYSO WARKA

Warka Subaxnimo

Warka Duhurnimo

Warka Fiidnimo

Facebook Twitter Telegram Instagram Youtube

TAARIIKHDA RAADIYAHA

Radio Muqdisho waxaa la aas aasay 1951 sagaal sano ka hor xorriyadda dalka, laga soo bilaabo 1960 ilaa maanta waa Raadiyaha kaliya ee Dalku leeyahay, wuxuuna leeyahay keyd weyn oo ay ku jirto taariikhda wadanka.

LASOO DEG APP-KEENA

Categories

  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

No Result
View All Result
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

Welcome Back!

Login to your account below

Forgotten Password?

Retrieve your password

Please enter your username or email address to reset your password.

Log In