Madaxweynaha: ‘’Waan ka tacsiyeynaya geerida 45-ka askari ee dowladda Imaaraadka looga diley Yemen iyagoo gudanaya waajibkooda’’ Muqdisho, 6 September 2015: Madaxweynaha Jamhuriyadda Federaalka ee Soomaaliya, Mudane Xasan Sheekh Maxamuud ayaa tacsi u diray Madaxweynaha Dowladda Isutagga Imaaraadka Carabta Sheikh Khalifa bin Zayid Al Nahyan iyo shacabka Imaaraadka, isagoo uga tacsiyeeyay dilkii 45 askari oo waddankaasi u dhashey, oo ka dhacay dalka Yemen. ‘’Innaa Lillahi wa Innaa Ileyhi Raajicuun. Allah u naxariisto geesiyaasha dhintey, waxay naftooda ku waayeen iyagoo difaacaya qaddiyad ku dhisan xaq iyo caddaalad, dhimashadoodana ma hakin doonto taageerada Jaamacadda Carabta ay ka geysaneyso nabad ka aslaaxinta Yemen’’, ayuu yiri Madaxweynaha. Waxaa uu Madaxweynaha askarta dhimatey Ilaahay uga baryey inuu jannadii ka waraabiyo, qoysaskii iyo shacabka ay ka tageenna uu Ilaahay samir iyo iimaan ka siiyo. Ciidammadan ayaa qeyb ka ahaa isbahaysiga uu Sacuudiga hoggaaminayo ee taageeraya dowladda sharciga ah ee ka jirta Yemen ee Madaxweyne Abd Rabbuh Mansur Hadi. Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud ayaa mar kale ku celiyey in Soomaaliya ay si buuxda u taageersan tahay mowqifka Jaamacadda Carabta ee ku aaddan xasaradda Yemen. |
Madaxa Gudiga Saaxiibtinimada Baarlamaanada Somaaliya iyo Türkiye Xildhibaan Sadiq Cumar iyo wafdi u hogaaminaayo oo ka socda Baaarlamaanka JFS ayaa maanta kulan kula yeeshay magaalada Ankara Wasiirka Tamarta ee Dowlada Türkiye Mudane Alparslan Bayraktar. Gudiga ayaa Wasiirka ka dhagaystay habsami u socodka mashruuca shidaal soo saarida ee dhawaan ka bilowday wadanka. Shirkan ayaa waxaa goobjoog ka ahaa Danjiraha JFS u fadhiya Wadanka Türkiye Mudane Fatxudiin Cali Ospite iyo Madaxa gudiga Saaxiibtinamada Baarlamaanka Turkiga Mudane Abdirahim Firat. Xubnaha Baaarlamaanka Soomaaliya ku matala gudiga saaxiibtinamada Soomaliya iyo Türkiye ee shirkan kasoo qayb galay ayaa kala ah: 1- Mudane Sadiq Cumar Xassan 2- Mudane Cabdiqadir Cumar Macalin 3- Mudane Caydaruus Saalax Yusuf 4- Mudane Cabdilatif Muuse Nuur 5- Marwo Rooda Carab Shariif 6- Mudane Abdirahman Axmed Cismaan 7- Mudane Xussein Maxamed Daahir 8- Mudane Cabdikarin Cumar Xussen 9- Mudane Cali Sheekh Maxamed Nuur
Madaxa Gudiga Saaxiibtinimada Baarlamaanada Somaaliya iyo Türkiye Xildhibaan Sadiq Cumar iyo wafdi u hogaaminaayo oo ka socda Baaarlamaanka JFS ayaa...