Barnaamijka soo nooleynta dhaqanka iyo hiddaha Soomaaliyeed oo in muddo ah ka socday magaalada Muqdisho islamarkaana ay soo qaban qaabisay wasaaradda warfaafinta dhaqanka iyo dalxiiska ayaa maanta lagu soo gebagebeeyay magaalada Muqdisho.
Munaasabaddii lagu soo gebagebeeynayay barnaamijkan ayaa waxaa ka qeybgalay wasiirka warfaainta dhaqanka iyo dalxiiska mudane Maxamed Cabdi Xayir “Maareeye”, ku xigeenkiisa C/laahi Colaad Rooble, wasiirka howlaha guud, ku simaha duqa magaalada Muqdisho, mas’uuliyiin kale iyo dadweyne ka kala socday degmooyinka gobolka Banaadir.
Wasiirka warfaafinta oo munaasabadda ka hadlay ayaa xusay ahmiyadda uu leeyahay soo nooleeynta dhaqanka suuban ee Soomaaliyeed, isagoo ka dalbaday ummadda Soomaaliyeed iney ilaaliyeen dhaqankeena wanaagsan, wuxuuna dhanaca kale ku boorriyay dadka Soomaaliyeed ineey taageeraan dowladnimada si dalkeena uu ula mid noqdo wadamada kale ee caalamka.
Mas’uuliyiintii ka hadashay halkaasi oo uu ka mid ahaa wasiirka howlaha guud ayaa wasaaradda warfaafinta ku amaanay dadaalka ay ku bixisay barnaamijkan la xiriira dib u soo nooleynta dhaqanka iyo hiddaha Soomaalida, iyagoo hoosta ka xariiqay qiimaha uu barnaamijkani u leeyahay ummaadda Soomaaliyeed iyo baahida loo qabo sii wadidda barnaamijyada noocan oo kale ah.
Mudane C/llaahi Colaad Rooble wasiir ku xigeenka wasaaradda warfaafinta dhaqanka iyo dalxiiska oo gebagebadii munaasabaddaasi ka hadlay ayaa sheegay in barnaamijkani uu soo socday muddo Afar bilood ah, isagoo tilmaamay in lagu soo qabtay degmooyin kala duwan oo ka tirsan gobolka Banaadir islamarkaana lagu soo bandhigay heeso wadani ah, ciyaaraha dhaqanka suugaan iyo qeybta farshaxanka.
Wasiirka ayaa hoosta ka xariiqay in ujeeddada barnaamijkan loo qabtay ay tahay sare u qaadidda dhaqanka iyo hiddaha Soomaalida, isdhexgalka bulshada iyo sidii loogu baraarujin lahaa bulshaweynta Soomaaliyeed ee ku dhaqan degmooyinka kala duwan ee gobolka Banaadir.
Sidoo kale wasiirka ayaa u mahadceliyay intii ka qeybqaadatay barnaamijkan muddadii uu socday, wuxuuna si gaar ah ugu mahadceliyay maamulka gobolka Banaadir.
Sawir qaade Farxaan Suleyman Daahir