Kulan looga hadlayay sidii dhalliyarada Soomaaliyed ay kaalin uga qadaan lahayeen ka hortagga tacadiyada ka dhanka ah Haweenka oo ay ka qeyb galeen Wasiiro ka tirsan Xukuumadda ayaa maanta lagu qabtay magaalada Muqdisho.
Kulankan oo ku saabsanaa sidii dhallinyarada ay door uga qaadan lahaayeen ka hortagga Xadgudubyada ka dhanka ah dumarka, gaar ahaan kuwa ku nool gudaha dalka, ayaa intii ka hadashay waxa ay soo jeediyeen in si wada jir ah looga hortago dadka dhibaateynaya dumarka.
“Waa waajib ina saaran in aan aan ka hortagno dhibaatoyinka loo geysto dumarka, waa in meel kasto oo dalka kamid ah arintaasi looga hadlo oo bulshada lagu wacyi geliyo si loo ciribtiro arrimahaasi, waxaa muhiim ah in dadkeenu ay fahmaan in kusfiga iyo gudniinka fircooniga ay yihiin, wax jahli ah oo shareecada Islmaakka kabaxsan”
Wasiir ku-xigeenka Wasaaradda Caafimadka Cismaan Maxamed Daalo oo shirka ka hadlay ayaa sheegay in haweenka Soomaaliyed ay yihiin laf dhabarka bulshada, isla markaana aysan naga mudneen in la dhibaateyo.
“Marka aad dumar maqasho waa in ay kugu soo dhacdaa Hooyo, walaasha, gabadhaada iyo xaaskaaga, sababtoo ah intaasi uma quurtid in aad dhibaato u geysato, marka waxa aadan naftaada la rabin haku sameynin nafkale”ayuu yiri Wasiir ku-xigeenka
Wasiirka Wasaaradda dhallinyarada iyo Isboortiga ee Xukuumadda Soomaaliya Maxamed Cabdulaahi Xasan Nuux ayaa dhankiisa soo dhaweeyay awaamiirta ay dhawan Wasaaradda Awqaafta iyo Diinta, kasoo saartay Gudniinka Fircooniga oo qeyb ka ah dhibaatoyinka ay la kulman Gabdhaha.
“Waa in aan taageerna hadalkii ay dhawaan Wasaaradda Diinta iyo Awqaafta ee ku aadanaa in qofkii gabar Soomaliyeed ku sameeya gudniinka fircooniga in maxkamd lasoo taagayo, hadii aan sidaasi la sameynin ma suura geli doonto in ay gabdhaheena laga daayo gudniinka”ayuu yiri Wasiir Nuux.
Wasiirka Wasaarada Haweenka iyo Horumarinta Xaquuqal Insaanka Sahra Maxamed Cali Samatar oo soo xirtay kulanka ayaa sheegtay in Wasaaradda ay ka go’an tahay in la dhaqan galiyo sharciyada lagu ka xakameynayo xad gudubyada haweenka, balse dhallinyarada Soomaaliyed looga baahan yahay inay gacan siiyan sharciyadaasi.
“Wasaaradda waxaa ka go’an in shaciyadaasi an sixiso oo la dhaqan geliyo, markaasi waxaan garab weyn ugu baaha nahay dhalinyarada Soomaaliyed hadii aysan dhallinyarad aysan garab ina siinin ma suura gali garto in aan hadaf keena gaarno oo aan bad baadino Bulshada”ayay tiri Wasiirka Haweenka.